Elman Peace And Human Rights Centre

Elman Peace And Human Rights Centre To promote human rights, a peaceful co-existence, and to create equal opportunities for the most vulnerable members of society.

EPHRC is an independent, non-profit, non-political, non-governmental organization registered with the Somali Government and also internationally with the Canadian government. EPHRC was founded in 1991 by the organization’s name sake, Elman Ali Ahmed. Elman was the pioneer human rights activist at the height of the Somali civil conflict and strongly believed in his work and unwavering responsibilit

y to have a positive impact on those that are less fortunate than him. Elman was assassinated in 1996 for his relentless efforts to help the peoples of Somalia and became a martyr for his work. To this date Elman is referred to as the Somali father of peace and thus; he will never be forgotten and will remain a glinting example for all Somali peace and human rights activists. His incepted work is sustained by peace and human rights activists whom operate against all odds for the betterment of the Somali peoples in a country fraught with risks and constant uncertainty. EPHRC is established and well respected among the Somali Civil Society Organizations, UN agencies and other international entities.

Thrilled to welcome & host Mr.Christopher Politis UNDP in Somalia new resident representative. Our partnership with UNDP...
21/08/2026

Thrilled to welcome & host Mr.Christopher Politis UNDP in Somalia new resident representative.
Our partnership with UNDP in Somalia has already generated meaningful gains for young people and women in 🇸🇴🇸🇴🇸🇴

Now we’re aiming higher! 📈
🛠️Investing more in technical skills training
💹Creating stronger economic pathways
& private-sector linkages 🤝

We are building towards lasting capacity in together. Read more in the article about the visit to in 📍link in stories! 🔗

Waxaan hambalyo u diraynaa Guddoomiyahena Elman Peace and Human Rights Center, Fartuun Adan  oo shalay la guddoonsiiyay ...
15/06/2026

Waxaan hambalyo u diraynaa Guddoomiyahena Elman Peace and Human Rights Center, Fartuun Adan oo shalay la guddoonsiiyay Abaalmarinta Aqoonsiga ee ay bixisay Windle International Kenya & Somalia.

Abaalmarintan ayaa lagu maamuusay sannadihii dheeraa ee ay u hurtay adeegga bulshada, difaacidda xuquuqda haweenka, horumarinta nabadda iyo amniga, iyo kor u qaadidda karaamada haweenka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan ayaa waxaa isugu yimid haween badan oo hormuud u ah hoggaaminta, nabad-dhisidda iyo horumarinta bulshada, kuwaas oo si wadajir ah u aqoonsaday kaalinta muuqata ee Fartuun Aadan ku leedahay xoojinta codka haweenka, taageeridda dhalinyarada iyo dhismaha bulsho nabdoon oo rajo leh.

Fartuun, waxa ay muddo dheer astaan u ahayd adkaysi, hoggaamin iyo u adeegidda bulshada, iyadoo saameyn togan ku yeelatay kumannaan Soomaaliyeed.

Hambalyo Fartuun Adan !

14/06/2026

Nabadda ma ahan mashruuc oo keliya, ee waxay ka bilaabataa fasal waxbarasho, garoon ciyaareed, goob ammaan ah ama xarun xirfad lagu barto.

Maalin kasta waxaa laga hadlaa arrimo ku saabsan Soomaaliya, balse dad badan ma arkaan dhinaca isbedelka uu ka socdo.

Isbeddelka si deggan ayuu u socda, sida; mid bulsho, mid jiil ahaaneed, dhallinyaro dooranaya fursadahooda, daneeynaya ka qaybgalka arrimaha masiiriga ah, ku dedaalaya dhismaha karaa ka nafsadooda.

Kadib markii ay arkeen dhibaatadii ay soo mareen iyo waqtiyadii adkaa, markii ugu horreysay, qaar badan waxa ay hada arkaan mustaqbal la taaban karo.

Waxaan si sharaf leh u soo dhaweynay wafdi culus oo ka socday SIDA HQ iyo Safaaradda Sweden, si ay ula kulmaan dhallinyarada ah hoggaamiyaasha berri.

Iyadoo Sweden ay billowday waji cusub oo ah iskaashiga horumarka ee Soomaaliya, waxaan ku faraxsannahay inaan sii wadno wadaagista wada shaqeynta, waxbarashada, wax-dhisidda iyo maalgelinta nidaamyada sababa in ay nabaddu noqoto mid waarta.

Waxaan maanta qayb ka nahay xalka Soomaaliya ee berri.

QORIGA DHIG, QALLINKA QAADO! Xabadda sida loo bilaabo waa ay fududahay, laakiin sida loo joojiyo ayaa adag. Colaadda mar...
04/06/2026

QORIGA DHIG, QALLINKA QAADO!

Xabadda sida loo bilaabo waa ay fududahay, laakiin sida loo joojiyo ayaa adag.

Colaadda markey dhalato, khasaaruhu kuma eka oo qura goobta uu ka dhacdo ee wuxuu saameeyaa qoysaska, dhallinyarada, iyo bulshada oo dhan.

Waxaa ku baxa nafaf qaali ah, waxaa ku burbura riyooyin waaweyn iyo fursado ay jiilal badan ku taamayeen.

Wax kasta waxaa ka muhiimsan in dhallinyaradu helaan xuquuqdooda, waxbarasho tayo leh, shaqooyin sharaf leh iyo jawi ammaan ah oo ay ku dhistaan mustaqbalkooda.

Horumarka dhabta ahi kuma yimaado kala fogaansho iyo iska-horimaad, balse wuxuu ku dhashaa isfaham, wadajir iyo fursado loo siman yahay.

Meel fog ayaan ka nimid. Waxaa la soo maray waqtiyo adag iyo caqabado badan, balse waxaa sidoo kale la soo hooyay horumar mudan in la ilaaliyo oo la daryeelo.

Dib looguma noqon karo halkii laga soo gudbay, mana habboona in la halis geliyo rajada jiilka soo koraya.

Wadahadalku mar walba waa ka awood badan yahay rasaasta, is-afgaradkuna waa ka waaris badan yahay khilaafka.

Marka la dhegeysto codadka xikmadsa, dulqaadka iyo wada-noolaanshaha, waxaa xoogaysta rajada iyo midnimada bulshada.

Nabaddu waa guusha ugu weyn ee ay wada gaari karaan aadanahu. 🇸🇴

23/05/2026

Xarunta Elman Peace oo sawirka qaldan ee Soomaaliya laga heysto u baddaleysa mustaqbal cusub oo ay hirgelinayaan Dhallinyarada Soomaaliyeed.🇸🇴

Waxaan si wada-jir ah u dhisaynaa xarun casri ah oo lagu baranayo xirfado tayo leh (vocational & professional skills), si aan dhallinyarada isku kalsoon ee dalkooda jecel ugu xoojinno aqoonta iyo farsamada ay ku dhisan lahaayeen mustaqbalkooda iyo kan dalkaba.

Waxaa si rasmi ah u bilaabanaya wejiga 2-aad ee iskaashigan ballaaran, kaas oo diiradda saaraya tayeynta xirfadaha farsamada gacanta, bixinta shahaadooyin rasmi ah oo caalami ah, iyo sidii shirkadda caalamiga ah ee LG Global ay dhallinyarada ugu abuuri lahayd fursado shaqo oo waara.

Iskaashiga dhabta ahi kuma koobna oo keliya saxiix iyo shirar, laakiin waa ficil, xal-raadis iyo waxqabad muuqda oo dhul...
23/05/2026

Iskaashiga dhabta ahi kuma koobna oo keliya saxiix iyo shirar, laakiin waa ficil, xal-raadis iyo waxqabad muuqda oo dhulka yaalla.

Maalmo yar ka dib markii aan magaalada Addis Ababa ku saxiixnay iskaashiga cusub ee u dhexeeya LG, KOICA, UNDP iyo Elman Peace, waxaa sharaf weyn noo ahayd inaan xarunta EPC ee Muqdisho ku soo dhaweyno Agaasimaha KOICA Kenya Office , Mudane Wankyu Park, iyo Ku-xigeenka Wakiilka UNDP in Somalia , Mudane Christopher Laker, si ay indhahooda ugu arkaan dhaqangalka shaqada durba bilaabatay.

Booqashadani waxay xaqiijisay isku-xidhka guulaha ee qorsheynta iyo hirgelinta dhabta ah. Wafdigu waxay si dhow ula kulmeen dhallinyarada ku jirta barnaamijka tababarka xirfadaha (TVET programme), iyagoo indha-indheeyey mashaariicda iyo kartida ay muujiyeen, isla markaana nagala qeyb-galay qalin-jabinta dufcaddii ugu horreysay. Waxay nala guddoomeen inaan si gaar ah u aqoonsanno una abaalmarinno ardaydii ugu sarreysay fasalka ee muujiyey dadaalka gaarka ah.

Intaas ka dib, waxaan si wadajir ah u gudagalnay qorsheynta wejiga 2-aad ee iskaashigan ballaaran, kaas oo diiradda saaraya tayeynta xirfadaha farsamada gacanta, bixinta shahaadooyin rasmi ah oo caalami ah iyo sidii shirkadda caalamiga ah ee LG Global ay dhallinyarada ugu abuuri lahayd fursado shaqo oo waara.

Dhallinyarada Soomaaliyeed waa kuwa u diyaarsan, halka ganacsiyada dalka ka jirana ay u baahan yihiin shaqaale aqoon iyo xirfad caalami ah leh si ay u koraan waxaan ugu baaqaynaa shirkadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee dalka ka hawlgala inay ku soo biiraan iskaashiyadan oo kale, si aan si wada-jir ah ugu dhisno shaqooyin, xirfado iyo mustaqbalka dalkeenna.

Shaqadu wey bilaabatay. Waddankana Dhallinyaradiisa ayaa dib u dhisayaa! 🇸🇴💪

19/05/2026

Dunidu hal dhinac ayay u socotaa, tignoolajiyada iyo ICT-duna waxay noqdeen mishiinka kaxeeya mustaqbalka! Toddobaadkan, Soomaaliya waxay gashay kaalinta koowaad ee isbeddelka iyo horumarka ICT-da caalamka. Tani waa fursaddii ugu habboonayd ee dhallinyarada Soomaaliyeed lagu bari lahaa xirfadaha casriga ah ee maanta dunidu ku socoto.

Elman Peace waxay h**e u soo tababartay dhallinyaro badan oo maanta si guul ah uga shaqeeya shirkadaha ugu waaweyn dalka. Si guulahaas loo sii labanlaabo, waxaan halkan idinkula wadaagaynaa iskaashiga cusub ee weyn ee nagala dhexeeya UNDP Somalia, KOICA iyo shirkadda caanka ah ee LG, kaas oo sahlaya in dhallinyaradeenu helaan fursado maalgashi oo dhab ah.

Wajiga koowaad, macallimiinta Elman Peace ayaa qaada doona tababar shahaadooyin caalami ah leh (International Standards), iyadoo ay si toos taageero uga helaya dugsiga caanka ah ee LG-KOICA Hope TVET College.

dhallinyarada dalka waxaa si lacag-la'aan ah loogu tababari doonaa xirfadaha ugu sarreeya suuqa sida: ICT (Hardware & Networking), Dayactirka Qalabka Korontada, iyo Xirfadaha Ganacsiga.

Hadafkayagu waa in dhallinyaradeenu ay 100% u diyaarsanaadaan shaqooyinka shirkadaha dalka iyo kuwa dibeddaba. Aad ayaan ugu faraxsanahay hay'adaha iyo shirkadaha nagu gacan siiyay maalgashiga maskaxda dhallinyarada.

Iskaashiga cusub ee Elman Peace And Human Rights Centre , UNDP in Somalia , KOICA iyo shirkadda caanka ah ee LG Global , waxaan midowgan weyn u samaynay si dhallinyaradeenu u helaan fursado maalgashi oo dhab ah.

Lifaaqa hoose ka daawo muuqaalka

Iskaashi Cusub: Elman Peace And Human Rights Centre , UNDP in Somalia ,  iyo LG Global Talaado, May 15, 2026, Addis Abab...
19/05/2026

Iskaashi Cusub: Elman Peace And Human Rights Centre , UNDP in Somalia , iyo LG Global

Talaado, May 15, 2026, Addis Ababa, Itoobiya

Iskaashi cusub oo u dhexeeya hayadaha Qaramada Midoobay, kuwa gaarka loo leeyahay iyo ururrada caalamiga ah ayaa maanta si rasmi ah loo daahfuray, iyadoo LG, KOICA, UNDP Soomaaliya iyo Elman Peace Centre ay iska kaashanayaan taageeridda xirfad barashada, shaqa abuurka iyo nabad dhisidda Soomaaliya.

Elman Peace Centre ayaa hormuud u ah hirgelinta mashruucan gudaha Soomaaliya, iyadoo xarunta Elman Peace lagu qaban doono qayb weyn oo ka mid ah tababarada iyo howlaha mashruuca. Sidoo kale, Elman Peace waxay door muhiim ah ka qaadan doontaa isku xirka bulshada, tayeynta dhalinyarada iyo fududeynta barnaamijyada tababarka ee loogu talagalay dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wajiga koowaad macallimiinta Xarunta Elman Peace ayaa mari doona tababaro kadibna helaya shahaadooyin rasmi ah oo uu bixin doono LG-KOICA Hope TVET College, ka hor inta aysan tababaro kusiin dhallinyarada Soomaaliyeed gudaha dalka.

Tababaradaas waxaa ka mid noqon doona:

1- Dayactirka qalabka korontada
2- ICT-ga, gaar ahaan hardware-ka iyo networking-ka
3- Ganacsiga iyo xirfadaha nololeed.

Mashruucan ayaa la filayaa inuu ka qayb qaato shaqo-abuurka, horumarinta xirfadaha iyo wax ka qabashada sababaha keena nuglaanta iyo xasillooni darrada, isagoo dhallinyarada Soomaaliyeed siinaya nolol sharaf leh iyo ka mid noqoshada dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn, iskaashigan ayaa tusaale muhiim ah u noqonaya sida hay’adaha Qaramada Midoobay, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bulshada rayidka ahi ay si wadajir ah ugu shaqeyn karaan horumarinta nabadda iyo fursadaha dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dhammaad

18/05/2026

May 15 waa Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ka dhigan 75% bulshada dalkeenna, ahna mashiinka iyo mustaqbalka na dhaqaajiya.

Inkasta oo ay jiraan caqabado dhowr ah, haddana dhallinyaradeenu waa hormuudka dhismaha iyo nabadda dalka.

Ka Elman Peace ahaan, mar walba waxaan garab taagannahay oo aan mudnaanta koowaad siinaa dhiirigelinta iyo horumarinta dhallinyaradaas firfircoon.

Waxaan si weyn ugu faraxsanahay wada-shaqaynta dhow ee nagala dhaxaysa saaxiibada KOICA iyo UNDP in Somalia .

Muuqaalkan kooban wuxuu ku saabsan yahay booqashadii dhowaan ay xarunteenna ku yimaadeen Shoko Noda (Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Agaasimaha Xafiiska UNDP ee New York) iyo Mr. Lionel Laurens (Madaxa UNDP ee Soomaaliya).

Wadashaqayntani waxay albaabada u furaysaa fursado badan oo cusub oo faa'iido u leh dalka iyo dadka.

Nala soco! Fursado cusub oo si gaar ah u khuseeysa dhallinyarada ayaa soo socda, ha seegin!

Hambalyo Maalinta Hooyada 🌸Hooyo waa jacayl, nolol, iyo iftiin aan dhammaan. ❤️
10/05/2026

Hambalyo Maalinta Hooyada 🌸
Hooyo waa jacayl, nolol, iyo iftiin aan dhammaan. ❤️

Address

KM 4
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Elman Peace And Human Rights Centre posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Elman Peace And Human Rights Centre:

Shortcuts

Share