Somalia Investment Promotion Office

Somalia Investment Promotion Office The Somalia Investment Promotion Office (SOMINVEST) at the Ministry of Planning, Investment and Econ

07/05/2026
Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya (SOMINVEST) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarin...
06/05/2026

Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya (SOMINVEST) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Dubo, iyo howl-wadeennada xafiiska ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjire Alper Aktaş, Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, iyo diblomaasiyiin kale, si loo xoojiyo loona hormariyo ajandaha maalgashiga ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta fursadaha cusub ee maalgashi, xoojinta iskaashiga ganacsatada labada dal, iyo sare u qaadidda sumcadda Soomaaliya si ay u noqoto goob ammaan ah oo soo jiidata maalgashi waara.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay xoojinta iyo dhaqangelinta qaab-dhismeedka iskaashiga laba-geesoodka ah ee u dhexeeya SOMINVEST iyo Invest in Türkiye, si kor loogu qaado wada-shaqeynta la xiriirta dhiirigelinta maalgashiga, is-weydaarsiga xogta, macluumaadka iyo waayo-aragnimada, loona taageero kordhinta qulqulka maalgashiga ee ku wajahan mashaariicda qaran ee mudnaanta leh ee ay SOMINVEST soo bandhigtay.

Turkiga waxa uu ka mid yahay saaxiibbada istiraatiijiga ah ee Soomaaliya dhinaca maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale, iyadoo uu si joogto ah u sii kordhayo maalgashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada dhismaha, kaabeyaasha dhaqaalaha, gaadiidka, warshadaha, iyo maamulka dekedaha.

Today, we celebrate the resilience, dedication, and hard work of Somalia’s workforce — the driving force behind our nati...
01/05/2026

Today, we celebrate the resilience, dedication, and hard work of Somalia’s workforce — the driving force behind our nation’s growth and transformation.

At SOMINVEST, we recognize that sustainable economic development begins with empowered people. From entrepreneurs and innovators to skilled workers across every sector, your contributions are building the foundation for a stronger, more prosperous Somalia.

As we mark Labour Day, we reaffirm our commitment to promoting investment that creates jobs, strengthens industries, and unlocks opportunities for all.

Together, we are shaping a future defined by productivity, dignity, and shared prosperity.

Agaasimaha Xafiiska Dhiirgelinta  Maalgashiga Soomaaliya (SOMINVEST), ee Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Mohamed Dubo, aya...
30/04/2026

Agaasimaha Xafiiska Dhiirgelinta Maalgashiga Soomaaliya (SOMINVEST), ee Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Mohamed Dubo, ayaa la kulmay Danjiraha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Salah Hassan Keshtah, si ay isugu dhaafsadaan warbixinno ku saabsan qeybaha kala duwan ee Dhaqaalaha labada dal, u wada eegan mashaariicda qaran ee maalgashi u diyaarsan (bankable projects), isla markaana dib u eegaan qaab-dhismeedyada iskaashiga maalgashi ee laba geesoodka ah ee haatan jira.

Wadahadalladu waxay muujinayeen sida ay Soomaaliya iyo Masar uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhaqaale iyada oo loo marayo qaab-dhismeedyo laba geesood iyo kuwo caalami ah, iyadoo diiradda la saarayo kobcinta fursadaha maalgashi, fududeynta ganacsiga, iyo xoojinta ka qeybgalka ganacsiga gaarka loo leeyahay.

SOMINVEST waxa weli ka go’an in ay kulamada noocan oo kale ah u beddesho natiijooyin maalgashi oo la taaban karo, kuwaas oo horseeda koboc iyo horumar dhaqaale waara.

At SOMINVEST, our mission is clear: to position Somalia as a competitive and attractive destination for global investmen...
29/04/2026

At SOMINVEST, our mission is clear: to position Somalia as a competitive and attractive destination for global investment.

We continue to support our embassies and diplomatic missions worldwide through targeted trainings, high-quality investment promotion materials, and regular investment landscape reports—ensuring consistency, clarity, and impact in how Somalia’s story is told.

I am particularly pleased that our investment promotion materials are now available in four major languages—Arabic, English, Turkish, and French. This strategic step has significantly expanded our global reach, strengthened investor engagement, and enhanced our traction across key markets.

This is more than translation—it is about access, connection, and unlocking opportunities for partnerships and capital inflows into Somalia.

Together, we are amplifying Somalia’s investment narrative on the global stage.

Xafiiska Dhiirigellinta Maalgashiga (SOMINVEST) iyo Bangiga Horumarinta Iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya oo Xoojinaya Iskaash...
28/04/2026

Xafiiska Dhiirigellinta Maalgashiga (SOMINVEST) iyo Bangiga Horumarinta Iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Agaasimaha Xafiiska Dhiirigellinta Maalgashiga Soomaaliyeed (SOMINVEST), Mudane Maxamed Dubo, ayaa maanta kulan muhiim ah magaalada Muqdisho kula yeeshay Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Guddiga Maamulka ee Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliyeed (SDRB), Marwo Hodan Cismaan. Kulankan, oo ay goob-joog ka ahaayeen xubno ka tirsan labada dhinac, ayaa looga gol-lahaa sidii loo midayn lahaa dadaallada loogu jiro dardargelinta ajandaha horumarineed ee dalka.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wadahadleen sidii mashaariicda qaranka loo waafajin lahaa Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029). Waxaa xoogga lagu saaray muhiimadda ay leedahay in la furo fursado maalgashi oo istiraatiiji ah, laguna qaabeeyo mashaariicda qaran ee maalgeqshiga casri ah oo sahlaysa in la soo jiito raasamaal ka yimaada gudaha iyo dibaddaba, kaas oo qayb ka noqonaya dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee waara.

Hoggaanka labada dhinac ayaa isku raacay in wada-shaqayn dhow laga yeesho dhiirigelinta mashaariicda qaran (bankable projects).

Mashaariicdan ayaa la filayaa inay dhabaha u xaaraan kobac dhaqaale, abuurista fursado shaqo, iyo in Soomaaliya ay noqoto meel ku tartami karta soo jiidashada maalgashiga tayada leh.

Gebo-gabadii, SOMINVEST ay mar kale muujisay inay ka go'an tahay joogteynta xiriir dhow oo ay la yeelato bahwadaagta muhiimka ah si loo xaqiijiyo isbeddel dhaqaale oo dhab ah oo ka hirgala dalka. Somali Development and Reconstruction Bank

Agaasimaha Xafiiska Dhiirrigelinta Maalgashiga (SOMINVEST) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaal...
27/04/2026

Agaasimaha Xafiiska Dhiirrigelinta Maalgashiga (SOMINVEST) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa booqday dhismaha Dahab Tower oo maraya heer gebo-gebo ah, kana mid ah mashaariicda dhisme ee ugu waaweyn uguna il-qabadka badan magaalada Muqdisho.

Dhismahan casriga ah oo isugu jira goobo ganacsi iyo deegaan ayaa muujinaya kalsoonida sii kordheysa ee maalgashatada maxalliga ah ay ku qabaan dhaqaalaha Soomaaliya, iyo go’aankooda ku aaddan ka qeyb qaadashada horumarinta dalka. Waxa kale oo uu tusaale u yahay sida maalgashiga gudaha uu door muuqda uga qaadan karo isbeddelka magaalooyinka, shaqo-abuurka, iyo kobaca guud ee dhaqaalaha.

Mashaariicda sida Dahab Tower waxay iftiiminayaan muhiimadda raasamaalka ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aaddan hirgelinta mashaariicda kaabeyaasha, ballaarinta fursadaha ganacsi, iyo xoojinta sumcadda maalgashi ee dalka.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha waxay bogaadineysaa aragtida iyo doorka firfircoon ee maalgashatada Soomaaliyeed, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya dhismaha dhaqaale adkeysi leh, firfircoon, isla markaana horseeda barwaaqo waarta.

Agaasimaha iyo Howl-wadeennada Xafiiska Dhiirrigelinta Maalgashiga Soomaaliyeed (SOMINVEST), ee Wasaaradda Qorsheynta, M...
26/04/2026

Agaasimaha iyo Howl-wadeennada Xafiiska Dhiirrigelinta Maalgashiga Soomaaliyeed (SOMINVEST), ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa maanta kulan heer sare ah la yeeshay hoggaanka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed si loo xoojiyo iskaashiga istaraatiijiyadeed loona furo fursado maalgashi oo ka jira majaalka duulista iyo kaabeyaasha la xiriira.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa soo-jiidashada maalgashi tooska ah ee dibadda iyo gudaha, dib-u-eegista mashaariicda qaran ee maalgashiga duulista hawada, iyo tayeynta guud ahaan adeegyada ay hay’addu siiso maalgashatada.

Kulanku waxa uu sidoo kale muujiyey muhiimadda ay leedahay horumarinta bixinta adeegyada iyo xoojinta hannaanada daryeelka maalgashatada kadib aas-aaska shirkadahooda, si loo xaqiijiyo hufnaan, saadaalin, iyo tartanka suuqa furan.

Kulankan waxa uu ka tarjumayaa himilo wadajir ah oo lagu doonayo in Soomaaliya laga dhigo saldhig duulimaad, taas oo ku dhisan qaabeynta jawiga maalgashiga iyo kalsoonida maalgashatada oo sii kordhaysa, iyo aragti fog oo ku wajahan koboc dhaqaale waara.

Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga (SOMINVEST) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaala...
22/04/2026

Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga (SOMINVEST) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Mohamed Dubo, ayaa maanta kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa Yaasin Sheikh.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa SOMINVEST iyo HIQ, horumarinta maalgashiga kaabeyaasha tiknoolojiyadda, iyo kobcinta jawi ganacsi oo fududeynaya maalgashiga ICT-ga dalka, si waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025–2029) iyo shuruucda dalka.

Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda isku-dubbaridka siyaasadaha, horumarinta kaabeyaasha casriga ah, iyo taageeridda maalgashadayaasha ku howlan tiknoolojiyadda.

Kulanka waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay mashaariicda qaran ee mudnaanta leh ee la xiriira horumarinta tiknoolojiyadda dalka.

Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya (SOMINVEST) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaala...
11/04/2026

Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya (SOMINVEST) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa maanta Muqdisho ku qabatay kulan-howleed soconaya labo-maalmood oo lagu diyaarinayo Hannaanka Heshiisyada Maalgashi ee Labo-geesoodka ah (Bilateral Investment Treaty- BIT), kaas oo isku keenay wakiillada hay’adaha dowladda federaalka ah, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Ganacsatada, Jaamacadaha iyo maalgashatada caalamiga ah.

Ujeeddooyinka kulan-howleedkan ayaa ahaa in dib-u-eegis lagu sameeyo isla markaana la ansixiyo qormo qoraalka hannaankan cusub ee heshiisyada maalgashiga labo-geesoodka ah, lana waafajiyo sharciga dhowrista maalgashiga iyo maalgashatada (2023); sharciga maalgashiga Soomaaliya (2025) iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025-2029) si loo xoojiyo dedaallada sare loogu qaadayo kalsoonida maalgashatada iyo xaqiijinta xuquuqdooda dastuurig ah iyo midda maamul.

Waa markii ugu horreysay oo ay Soomaaliya yeelaneyso Hannaanka Heshiisyada Maalgashi ee Labo-geesoodka casrig (2nd generation) ah kaas oo saldhig u noqon doona xiriirka maalgashi ee ay Soomaaliya la yeelan doonto dalalka kale. Hannaankan cusub ayaa isku dheelli tiraya baahida ay maalgashatada u qabaan dhowrista xuquuqdooda, dhiirigelinta maalgashiga iyo xuquuqda Soomalaiya aas-aasiga ah ee ku aaddan xeer-nidaaminta jawiga maalgashiga dalka.

“in ay Soomaaliya qaadato hannaanka heshiisyada maalgashiga labo-geesoodka casriga ah oo ay ka guurto kii taqliidiga ahaa waxa ay keenaysaa in ay dowladda Soomaaliya dabacsanaan u hesho bixinta adeegyo maalgashi oo ballaaran iyada oo xaqiijineyso xuquuqdeeda madax-bannaani ee xeer-nidaaminta jawiga maalgashiga dalkeeeda. Muddo dheer, Soomaaliya waxa loo soo diri jiray hannaan heshiis maalgashi labo-geesood ah oo inta badan u adeegayay danaha dalka soo diray. Haatan, Soomaaliya waxa ay heleysaa hannaan cusub oo mideyn doona heerarka tayo iyo kuwa sharci ee la xiriira shuruucda dhaqan-galka ka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, qorshaha isbeedelka qaranka iyo guud ahaan danaha qaranka si loo ballaariyo maalgashiga caalamiga iyo midka maxalliga ah ee dalka” ayuu yiri Agaasimaha SOMINVEST Mudane Maxamed Dhubow.

SOMINVEST waxa loo igmaday dhiirigelinta, soo jiidashada, fududeynta iyo taageerista maalgashiga caalamiga iyo midka maxalliga ah. Waxa ay sidoo kale u idmantahay hagaajinta iyo u qareemidda muuqaalka iyo sumcadda dalka si loo xoojiyo jawiga maalgashiga dalka.

Mudane Ismaaciil Cabdalla Cali, Madaxa Qaybta Fududeynta iyo Taageerada Maalgashiga ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashig...
02/04/2026

Mudane Ismaaciil Cabdalla Cali, Madaxa Qaybta Fududeynta iyo Taageerada Maalgashiga ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa ka qayb galay kulan lagu ansixinayay Heshiiska Maalgashiga Urur Goboleedka (COMESA), kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Ganacsiga iyo Horumarinta.

Heshiiskan cusub wuxuu ujeedkiisu yahay: in la fududeeyo, la kordhiyo kalsoonida maalgashatada, iyo in la abuuro jawi ganacsi oo hufan oo soo jiita maalgashi waara.

Sidoo kale, heshiiskan wuxuu ka caawinayaa dalalka COMESA in ay yeeshaan siyaasado isku dhow oo taageera kobaca dhaqaalaha, abuurista shaqooyin, iyo horumar waara oo bulshada faa’iido u leh.

Ka-qaybgalka Soomaaliya wuxuu muujinayaa dadaalka dowladda ee ku aaddan soo jiidashada maalgashi tayo leh iyo xoojinta iskaashiga dalalka gobolka.

Address

Mogadishu
25261

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 12:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somalia Investment Promotion Office posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Somalia Investment Promotion Office:

Share