19/11/2024
Hambalyo Madaxweyne Cirro iyo shacabka reer Soomaaliland oo diiday in maankooda la qaldo.
Xiligii ololaha doorashada, xisbiga wadani iyo murashaxooda waxaa lagu tiimbareeyey in uu yahay cadowga SL oo uu Xamar ku xiranyahay si codbixiyaasha loogu diro.
Markaad eegto natiijada codadka ay heleen ururadii iyo siyaasiyiintii ku ololeeyey hadalada cunsuriyeysan, iska fogeynta Soomaalinimada iyo isku dhejinta Itoobiya waxaa cadaatay in shacabka reer Soomaaliland aan la qaldi karin.
Maxaa la gudboon Madaxweyne Cirro?
Waa in uu bilowgaba ku dhiirado ka shaqaynta sidii xalwaara looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dhex yaalla maamulkiisa iyo dowladda federaalka, arrimahaas oo aan lagu gaari karin kala irdhaynta iyo isku dirka dadka Soomaaliyeed iyo fulinta danaha Itoobiya balse ku xiran wada hadal dhab ah oo dhexmara Dowladda Federaalka ah iyo Soomaaliland.
Waa in uusan u liicin boro bogaandada ay abuuri doonaan kooxihii uu doorashada kaga soo adkaaday oo jidka u istaagi doona mija xaabinta shaqadiisa si ay uga aarsadaan.
Hambayo mar labaad reer Soomaaliland.