31/05/2026
Mr Beast oo ka sheekeynayay mid kamid ah dhacdooyinkii ugu yaabka badnaa ee qabsaday ayaa yiri; "Maalin ayaa nin Pizta ii keenay waxaana baqashiish ahaan u siiyay 10,000 (toban kun) oo dollar, markuu lacagta arkay wax falcelin ama qeylo ma uusan sameynin, laga yaabee inuu u maleeyay lacag fake ah ama inaan ku cayaarayo.
Maalintii xigtay ayuu ii yimid waxaana u maleeyay inuu rabo lacag kale oo dheeraad ah, waxaan is dhahay tolow haduu lacag kale ku weydiiyo maxaad sameyn doontaa? Ma rabin inaan albaabka ka furo balse waan furay.
Waxaa lama filaan igu noqotay markaan arkay asigoo ooynaayo, wuxuuna igu yiri; Waxaan u maleynaanay lacagta iney bug tahay, markaan xaqiiqsaday waxaan fasax ka qaatay shaqadeydii, waayo mudo dheer gabadheyda yarta ah wax waqti ah lama qaadan, maalin walba waan shaqeeyaa si aan quudkeena usoo dhiciyo balse ugu dambeyn fasax ayaan qaatay, waxaana gabadheyda la qaatay maalintii iigu farxadda badneyd nolosheyda.
Intaas kadib inta uu hab isiiyay ayuu iga tagay, xilli ilintiisa ay ku tifqeysay garbaheyga".