08/05/2026
WASIIRKA WASAARADDA DEKADDAHA XFS OO SAFAR SHAQO KU TAGAY DEGMADA WAAJID EE GOBOLKA BAKOOL.
Waajid, May 08, 2026; Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdulkadir Mohamed Nur ayaa maanta safar shaqo ku gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, isaga oo hoggaaminaya wafdi ballaaran oo ka kooban mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Ururka Caddaaladda Iyo Wadajirka (JSP).
Safarka wasiirka ayaa ahaa mid muhiim u ah xoojinta iyo dar-dargelinta Doorashooyinka qof iyo codka ah ee 10-ka bishan ka dhici doona dhammaan deegaannada maamulka koonfur Galbeed, iyo sidoo kale u kuurgelidda xaaladaha guud ee ka jira Degmada Waajid iyo deegaannada ku xeeran.
Waftiga Wasiirku markii ay soo gaareen Degmada Waajid, waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey maamulka Gobolka Bakool, kan Degmada Waajid, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada, qaybaha kala duwan ee bulshada.
Munaasabadda soo dhaweynta Intii lagu guda jiray maamulka Waajid, Nabaddoonada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa halkaas ka jeediyey khudbado ay ku soo bandhigeen aragtidooda sida xoojinta midnimada, wadashaqaynta bulshada iyo Dawladda, dar-dargelinta hawlaha Doorashooyinka qof iyo codka ah, Horimarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada caafimaadka, waxbarashada, iyo sidoo kale xoojinta amniga. Waxay si gaar ah u xuseen muhiimadda ay leedahay in meel looga soo wada jeesto cadawga ummadda Soomaaliyeed.
Wasiir Abdulkadir Mohamed Nur, ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo maamulka Degmada Waajid sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen, wuxuuna sheegay in booqashadiisu tahay mid lagu xoojinayo in dadka degmada waajid ee Gobolka Bakool la jaan-qaadaan isbeddelka maamuul ee ka dhacay Dowladda Koonfur Galbeed, isla markaana lagu dar-dargelinayo hirgelinta barnaamijyada horumarineed ee dowladda, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in Xukuumada Danqaran ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada bulshada iyo gaarsiinta maamulka wanaagsan dhammaan Deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu dambayntii wasiirku wuxuu tilmaamay in dowladdu ay xoogga saari doonto xoojinta nidaamka dowladnimo, adkaynta amniga iyo midnimada bulshada, si shacabka ay door muuqda uga qaataan hoggaaminta iyo horumarinta deegaannadooda wuxuu ku boorriyey bulshada Waajid inay ka shaqeeyaan nabadda, wadajirka, iyo ilaalinta xasilloonida, maadaama ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee horumarka.
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃.
-----------------------------------
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA DEKADAHA IYO GAADIIDKA BADDA XFS.