31/05/2026
Gudoomiyaha 2-aad ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, Mudane Mohamed Abdullahi Salad, ayaa shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Agaasimayaasha Hay’adda, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo, qiimeynta waxqabadkii la soo qabtay, iyo qorsheynta barnaamijyada cusub ee mudnaanta u leh hay’adda.
Kulanka oo ay ka soo qeybgaleen Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ayaa lagu soo bandhigay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan howlaha socda, guulaha la gaaray, iyo caqabadaha jira, si loo helo hannaan shaqo oo hufan isla markaana kor loogu qaado adeegyada loo fidinayo qaxootiga, barakacayaasha iyo bulshada nugul.
Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay dhammaan howl-wadeennada hay’adda dadaalka ay muujiyeen intii lagu guda jiray munaasabaddii Ciidda Carafo, isagoo si gaar ah ugu hambalyeeyay guusha laga gaaray gaarsiinta deeqihii udxiyada kumannaanka qoys ee danta yar. Mudanaha ayaa xusay in in ka badan dhowr kun oo qof ay ka faa’iideysteen udxiyadii ay hay’addu gaarsiisay bulshada tabaaleysan, taas oo ka tarjumaysa doorka muhiimka ah ee hay’addu ka qaadato garab istaagga dadka nugul xilliyada farxadda iyo munaasabadaha diimeed.
Sidoo kale, Agaasimayaasha ayaa kulanka ku gorfeeyay qorshayaasha cusub ee la doonayo in la hirgeliyo muddada soo socota, iyagoo si qoto dheer u falanqeeyay baahiyaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyada hay’adda. Waxaa sidoo kale la iska xog wareystay heerka ay marayaan howlaha h**e loo qorsheeyay, waxyaabihii qabsoomay, caqabadihii la kulmay, iyo tallaabooyinka lagu xallin karo si loo xaqiijiyo in qorshayaasha hay’addu ay u socdaan sidii loogu talagalay.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa Agaasimayaasha ku boorriyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, xoojiyaan wada-shaqeynta ka dhexeysa waaxyaha kala duwan, isla markaana mudnaan gaar ah siiyaan adeegyada bulshada qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed, si loo gaaro yoolalka horumarineed ee hay’addu hiigsanayso.
--------------
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/NCRIsom
Twitter https://twitter.com/NCRIsom
Instagram: https://instagram.com/NCRIsom
Website: https://ncri.gov.so
YouTube: https://youtube.com/NCRIsom