Guddoonka Golaha Shacabka BJFS

Guddoonka Golaha Shacabka BJFS Guddoonka Golaha Shacabka BJFS

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO XAFIISKIISA KU QAABILAY SAFIIRKA MIDOWGA YURUB EE SOOMAALIYA.Muqdisho September,...
10/09/2024

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO XAFIISKIISA KU QAABILAY SAFIIRKA MIDOWGA YURUB EE SOOMAALIYA.
Muqdisho September,10, 2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson.
Ugu horeyn Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson ayaa ku amaantay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya shaqada wanaagsan ee uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed u hayo gaar ahaan shuruucda muhiimka ah ee uu meel mariyay oo ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka oo hada meel wanaagsan maraya, deyn cafinta, qaadista cuna qabataynta hubka, ku biirista Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, dhamaan howlahaas oo ay sheegtay safiirka in ay qeyb weyn ka qaadanayaan dowladnimada Soomaaliya.
Sidoo kale Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa bogaadisay horumarada kala duwan oo ay ku talaabsatay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale qorshaha dowladda ee ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamee Nuur (Madoobe) oo Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada dhinacyada walba leh ee ay siiso Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ayaa sidoo kale sheegay in Baarlamaanka 11-aad uu ahmiyad gaar ah siinayo dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka iyo shuruucda kale ee muhiimka ah.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa sheegay in qorshaha Baarlamaanka 11-aad uu yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho shacabka Soomaaliyeed ay ku dooranayaan hogaankooda, si taasi loo hirgelinayana Baarlamaanka Soomaaliyeed uu kalfadhiyada u harsan ka shaqeyn doono dhamaan shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka.
DHAMMAAD

04/03/2024

KALA SOCO MACLUUMAADKA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA

04/03/2024

KALA SOCO MACLUUMAADKA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA

04/03/2024

KALA SOCO MACLUUMAADKA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA

04/03/2024

KALA SOCO MACLUUMAADKA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA

04/03/2024

KALA SOCO MACLUUMAADKA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA

03/03/2024

KALA SOCO MACLUUMAADKA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA

26/02/2024

Hadal Jeedinta Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin ee dib u eegista Dastuurka Somalia Cutubkiisa Labaad

26/02/2024

Hadal Jeedinta Senator Adan Cabdinasir ee dib u eegista Dastuurka Somalia Cutubkiisa Labaad.

26/02/2024

Hadal Jeedinta Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ee dib u eegista Dastuurka Somalia Cutubkiisa Labaad.

Address

Mogadishu
252

Opening Hours

Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guddoonka Golaha Shacabka BJFS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Guddoonka Golaha Shacabka BJFS:

Share