06/05/2026
Xiisad Cusub.
Dowladda Sudan ayaa si rasmi ah ugu eedeysay Ethiopia iyo United Arab Emirates inay ka dambeeyaan weerarro diyaarado aan duuliye lahayn (drone) oo lagu qaaday Khartoum International Airport iyo goobo kale oo ku yaalla magaalada Khartoum.
Mas’uuliyiinta Sudan ayaa sheegay in weerarradaan ay yihiin “gardarro cad,” iyagoo ku doodaya inay hayaan caddeymo ay ka mid yihiin lambarrada drones-ka oo la sheegay in laga soo diray magaalada Bahir Dar, isla markaana lagu isticmaalay qalab ay sameysay UAE.
Ethiopia si adag ayay u beenisay eedeymahaas, waxayna ku tilmaantay kuwo aan sal lahayn. Itoobiya sidoo kale waxay dib ugu yeeratay safiirkeedii Sudan.
Sudan waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay arrintaan ay horgeyn doonto United Nations Security Council si loo baaro loona qaado tallaabooyin caalami ah.
Xiisaddan cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dalka Sudan ka socoto dagaal sokeeye oo sii xoogeysanaya, taasoo khatar ku sii kordhin karta xasilloonida gobolka.