Ministry of Information of Somalia

Ministry of Information of Somalia This is the official page of the Ministry of Information, Culture and Tourism of Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxa...
12/04/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hay’addan ayaa door muhiim ah ka qaadan doonta daryeelka iyo korinta carruurta ay ka tageen halyeeyadii naftooda u huray difaaca dalka. Waxaa horay u ansixiyay Golaha Wasiirrada, kaddib soo jeedintii Wasaaradda Gaashaandhigga.

Dhismaha hay’addan ayaa muujinaya sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda iyo mustaqbalka carruurta agoonta ciidamada, si ay u helaan waxbarasho, daryeel iyo nolol sharaf leh.

Dhagax-dhigga xaruntan ayaa kusoo beegmay 12-ka Abriil, oo ah sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo xambaarsan qiime qaran oo weyn isla markaana na xusuusinayso halganka iyo naf-hurnimada Ciidanka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga, JFS. Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifl...
12/04/2026

Wasiirka Gaashaandhigga, JFS. Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 66-guurada ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in munaasabaddan ay xambaarsan tahay qiime qaran oo weyn, maadaama ay astaan u tahay taariikhda, halganka iyo doorka ciidanka ee difaaca dalka, ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa adkeeyay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan tayeynta, qalabaynta iyo horumarinta nolosha ciidamada, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran si hufan.

Fariinta Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Garsooraha heerka caalami ee C...
09/04/2026

Fariinta Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Garsooraha heerka caalami ee Cumar Cabdulqaadir Cartan oo taariikh cusub usoo hooyay dalkeenna, kaddib markii uu noqday garsoorihii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee ka qayb gala tartanka caalamiga ah ee FIFA World Cup.

“Guushan qiimaha leh waa mid kor u qaadaysa sumcadda Soomaaliya, isla markaana muujinaysa kartida iyo hibada ay leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku hanweyn in ay dalkooda ku matalaan fagaarayaasha caalamka.

Waxaan ku bogaadinayaa dadaalka, xirfadda iyo hufnaanta uu muujiyay Garsoore Cumar, isaga oo noqday astaan dhiirrigelin u ah jiilka cusub ee Soomaaliyeed.

Hambalyo Cumar, guulo kale oo taariikhdeenna qayb ka noqda ayaan kuu rajeynayaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

WAR-SAXAAFADEEDCiidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa fuliyay hawlgal qorsheysan o...
09/04/2026

WAR-SAXAAFADEED

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa fuliyay hawlgal qorsheysan oo dhanka cirka ah, kaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, xilli ay isku uruursanayeen nawaaxiga Tawarmooge, oo qiyaastii 8 km koonfur kaga beegan Caad, isla markaana 45 km woqooyi kaga beegan Xarardheere, ee gobolka Mudug.

Duqayntan ayaa lala beegsaday fariisin ay kooxdu ku diyaarinaysay dhagar iyo weerarro ay ku doonaysay inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, si ay u carqaladeeyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.

Hawlgalkan waxaa lagu dilay qiyaastii 70 dhagarqabe, oo ay ku jiraan horjoogayaal, halka lagu dhaawacay inta u dhexaysa 90 ilaa 95 dhagarqabe. Sidoo kale, hawlgalkan waxaa lagu burburiyay 8 gaadiid dagaal, oo ay ku jiraan kuwa saadka oo siday saanad ciidan.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay mar kale adkaynaysaa in hawlgallada lagu ciribtirayo argagixisada ay si joogto ah u socdaan, isla markaana Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay burburinta awoodda kooxda iyo ka hortagga khatar kasta oo ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhammaad

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SOO GABA-GABEEYAY WADATASHIYO SIYAASADEED IYO KULAMO DIB U HESHIINEED OO KA QABSOOMAY KOON...
08/04/2026

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SOO GABA-GABEEYAY WADATASHIYO SIYAASADEED IYO KULAMO DIB U HESHIINEED OO KA QABSOOMAY KOONFUR GALBEED

Baydhabo, Abriil, 08, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu la yeeshay mas’uuliyiinta, hoggaanka dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta midnimada bulshada, nabadeynta, dardargelinta dowlad dhiska iyo hirgelinta hannaanka dimuqraadiyeynta dalka, kuwaasi oo qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo midnimo qaran, xasillooni siyaasadeed iyo dowladnimo ku dhisan wadajir iyo ka qaybgal bulsho.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay hoggaanka siyaasadda, odayaasha dhaqanka iyo bulshada Koonfur Galbeed in ay sii xoojiyaan wadajirka, iskaashiga iyo isu tanaasulka siyaasadeed, isla markaana laga fogaado waxkasta oo keeni kara kala qaybsanaan bulsho, si loo ilaaliyo xasilloonida deegaannada, loona abuuro jawi ku habboon horumar iyo dowladnimo waarta.

Kulamadaan, waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Ku xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo mas'uuliyiin kale.
DHAMMAAD

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABOBaydhabo, Abriil, 07, 2026; Madaxweynaha Jam...
07/04/2026

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

Baydhabo, Abriil, 07, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Maamulka Degmada, ahna Duqa magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdullaahi Cali Watiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Duqa degmada Baydhabo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee magaalada, dadaallada lagu xoojinayo amniga, horumarka laga sameeyey adeegyada bulshada iyo caqabadaha jira ee u baahan iskaashi heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey shaqada maamulka degmada Baydhabo, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda si loo hubiyo amni waara, horumar muuqda iyo adeegyo bulsho oo tayo leh oo ay helaan shacabka magaalada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha ku shaqada leh in la dardargeliyo hirgelinta mashaariicda horumarineed iyo barnaamijyada gurmadka, si loo xoojiyo adkeysiga bulshada loona horumariyo kaabeyaasha nolosha ee magaalada Baydhabo.

Kulankan, waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil C/rashiid Xaaji iyi Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFD, Mudane Cali Yuusuf Cali.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA AMNIGA KOONFUR GALBEED Baydhabo, Abriil, 06, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriya...
06/04/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA AMNIGA KOONFUR GALBEED

Baydhabo, Abriil, 06, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaasi oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga deegaanka, maareynta isbeddelladii amni iyo maamul ee dhawaan dhacay iyo xaqiijinta hannaan caddaaladeed oo loo simanyahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Shirka warbixinno faah faahsan uga dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Saraakiisha hay'adaha ammaanka, kuwaasi oo soo bandhigay qorsheyaasha lagu sugayo amniga deegaanka, dardargelinta howlgalada ka dhanka Khawaarijta iyo kor u qaadidda wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey Masuuliyiinta iyo Saraakiisha hay'adaha amniga muhiimadda ay leedahay in si mideysan looga shaqeeyo ilaalinta amniga, xak**aynta ciidamada hubeysan ee aan shaqada ka haynin gudaha magaaalada, xoojinta kalsoonida shacabka iyo taageerada ay bulshada u hayaan hay’adaha dowliga ah.

Kulankan, waxaa ka qayb galay Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil C/rashiid Xaaji, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada JFS iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

DHAMMAAD

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa'uud Aweys Jaamac ayaa u Hambalyeeyay Cabdinaasir Cabduqaadir ...
06/04/2026

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa'uud Aweys Jaamac ayaa u Hambalyeeyay Cabdinaasir Cabduqaadir Maxamed oo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska gaar ahaan Waaxda Dhaqanka Iyo Cilmi-baarista oo ku guulaystay Abaalmarinta Farshaxamaystaha ugu wanaagsan 8-da Dal ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) waxaana abaalmarin lagu guddoonsiiyay Magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

"Cabdinaasir wuxuu Qaranka Soomaaliyeed u soo hooyay Sumcad iyo Abaamarin, Sharaf wayn ayeyna u tahay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo uu ka mid yahay howlwadeenadeeda.
Hambalyo". Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Wasiir Daa'uud Aweys.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH "KOOFUR GALBEED WAXA AY NOQON-DOONTAA DOWLAD GOBOLEEDKA UGU HORREEYA EE LAGA HIRGALIYO DOORASHAD...
06/04/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH "KOOFUR GALBEED WAXA AY NOQON-DOONTAA DOWLAD GOBOLEEDKA UGU HORREEYA EE LAGA HIRGALIYO DOORASHADA QOF IYO COD

Baydhabo, Abriil, 06, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil C/rashiid Xaaji ayaa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo ay Haweenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku muujiyeen taageeradooda ku aaddan hirgelinta doorashooyinka Qof iyo Cod.

Munaasabadda oo ay soo qabaqaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa lagu muujiyey doorka muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin horumarinta dimuqraadiyadda, nabadda iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo khudbad uu ka jeediyey munaasabadda ku faahfaahiyey qorshaha Dowladda ee hirgelinta doorashooyinka tooska ah ayaa tilmaamay in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu noqon doono deegaanka ugu horreeya ee dalka laga hirgeliyo doorashooyinka Qof iyo Cod, isaga oo xusay in dowladda ay ka go’an tahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee doorashooyinka tooska ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan bulshada Koonfur Galbeed in ay xoojiyaan wada noolaanshaha, is ixtiraamka iyo taageerada geeddi socodka dimuqraadiyeynta dalka, isaga oo caddeeyey in aan wax dambi ah loo haysan saraakiishii iyo mas’uuliyiintii maamulkii h**e ee Koonfur Galbeed, kuna baaqay in laga gudbo khilaafaadkii h**e si loo wada dhiso mustaqbal mideysan.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEEDBaydhabo, Abriil, 05, 2026; Madaxweynaha Ja...
05/04/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Baydhabo, Abriil, 05, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadda iyo dib u heshiisiinta bulshada, adkeynta geeddi socodka dimuqraadiyeynta, gurmadka abaaraha iyo horumarinta dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa Odayaasha ku bogaadiyey doorkooda taariikhiga ah ee ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada, xalinta khilaafaadka iyo taageerada dowlad-dhiska dalka, isaga oo adkeeyey muhiimadda wada shaqeynta dowladda iyo hoggaanka dhaqanka si loo xaqiijiyo horumar iyo xasillooni waarta.

Dhankooda, Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka ay ku bixinayso nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta deegaanada Koonfur galbeed, iyaga oo muujiyey garab istaagooda qorshayaasha Qaran ee lagu xoojinayo dowladnimada iyo dimuqraadiyadda dalka.

DHAMMAAD

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 3-da April, 20261- Madaxweyne Xasan Sheekh M...
03/04/2026

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 3-da April, 2026

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray, waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, taasi oo uu hirgaliyay maamulka Gobolka Banaadir.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa wareegto uu soo saarey ku magacaabay Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi in uu noqdo Hoggaamiyaha Ku-Meel Gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

4- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in si degdeg ah loo qaban doono shir dib u heshiisiin oo ay ku xigi doonto doorashada maamul ay ku qanacsan yihiin shacabka Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya.

5- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay odayaasha dhaqanka iyo malaaqyada degaannada Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

7- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay saraakiisha ciidamadii fuliyey howlgalkii Khawaariijta looga sifeeyey waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

8- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira Wasiirro Iyo Xildhibaano uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo.

9- Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uusan jirin wax mooshin ah oo soo gaaray islamarkaana ay been abuur yihiin wararka lagu faafiyey baraha bulshada.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis iyo isku shaandheyn kooban ku sameeyay Agaasimeyaasha iyo Xoghayeyaasha Joogtada ee Wasaaradaha Dowladda.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”, oo lagu dhiirigelinayo doorka dhallinyarada ee faafinta wanaagga, diinta iyo kheyrka bulshada dhexdeeda.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabey Wasiir Ku-Xigeenno cusub oo ka mid noqon doona Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, taas oo ku saabsan horumar dalka uu ka gaaray dhanka Gaadiidka Badda.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay Madasha Isku-Duwidda Beeraha oo ay hirgelisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, looguna talagalay xoojinta isku-duwidda iyo wada-shaqeynta barnaamijyada horumarinta beeraha ee dalka.

15- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey Madasha Bani’aadanimada Soomaaliya oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA).

16- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad ee Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daahfurayay shirkadda SOMTURK oo ka asaasantay heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo saldhig u ah xoojinta iskaashiga Khayraadka Badda iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga.

17- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey hindise-sharciyeedyo, heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah oo waxtar u leh tayeynta hey’adaha dowladda.

18- Hoggaamiyaha KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfuur Galbeed.

19- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo faahfaahin ka bixiyay hawlgalladii degaannada Koonfur Galbeed, dagaalka Daraawiishta Puntland kula jiraan Daacish, hawlgalka xoreynta dalka ee ka dhanka ah Khawaarijta, iyo arrimo kale.

20- Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa diiwaangelisay markab qaatay Calanka Soomaaliya, kaaso lagu magacaabo "Guney" Sumadda tirsigiisuna tahay "IMO 8230417". Waana markii ugu h**eysay ee taariikhda Soomaaliya dagaalkii sokeeye kadib in la sameeyo diiwaanka maraakiibta.

21- Guddiga Madaxbannaan Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa magaalada Dhuusamareeb gaarsiiyay kaararka iyo sanaadiiqda codbixinta doorashooyinka Qof iyo Codka ah.

22- Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud), ayaa kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay madaxda hoggaannada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

23- Xulka kubadda cagta qaranka Soomaaliya oo tiigsanaya in ay 69-sano kadib markii ugu h**eysay ka qeyb galaan k**a dambeysta koobka Qaramada Qaaradda Afrika ka dib markii 4-2 uga adkaadeen xulka dalka Mauritius.

24- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose ka fuliyay hawlgalo lagu dilay horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta, laguna burburiyay xarumo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay farsameynta qaraxyada, dayactirka hubka iyo abaabulka maleeshiyaadka.

25- Shacabka magaalada Baydhabo ayaa si weyn u soo dhoweeyay Ciidanka Qaranka oo maalmihii la soo dhaafay Khawaarijta ka sifeeyay deegaanno ka tirsan Gobolka Bay.

26- Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Marwo Maryam Qaasim ayaa ka qeyb gashay shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI) oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva.

27- Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bay ayaa Shacabka reer Koonfuur Galbeed uga mahadceliyay soo dhaweyntooda, waxaana ugu baaqay inay ciidanka kala shaqeeyaan xasilinta amniga.

28- Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Guutaale ayaa qaabilay Danjirha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane wang Yu.

==========DHAMMAAD==========

Federal Government of Somalia’s Weekly BriefingMogadishu, Friday, 3rd April, 20261- President Hassan Sheikh Mohamud rece...
03/04/2026

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing
Mogadishu, Friday, 3rd April, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential Palace the ambassadors and representatives of the international organizations operating in Somalia.

2- President Hassan Sheikh Mohamud cut the ribbon for the main road connecting Dabka Junction and Bakara in Mogadishu, which was implemented by the Banadir regional administration.

3- Prime Minister Hamza Abdi Barre issued a decree appointing Mr. Jibril Abdirashid Haji Abdi as the Interim Leader of the Somali Federal Member State of the South West (South West State).

4- The Speaker of the House of the People of the Federal Parliament of Somalia, Mr. Sheikh Aden Mohamed Nur (Madobe), said that a reconciliation conference will be held urgently followed by elections for the administration that the people of the South West State are satisfied with.

5- The Speaker of the House of the People of the Federal Parliament, Mr. Sheikh Aden Mohamed Nur (Madobe), held a meeting in Baydhabo with the traditional elders of the South West State.

6- The Speaker of the House of the People, Mr. Sheikh Aden Mohamed Nur (Madobe), held a meeting in Baydhabo with the officials of the South West State Ministries.

7- The Speaker of the House of the People of the Federal Parliament, Mr. Sheikh Aden Mohamed Nur, held a meeting in Baydhabo with the military officials who conducted the operation against the Kharijites that targeted the road connecting Mogadishu and Baydhabo.

8- The Speaker of the House of the People of the Federal Parliament, Mr. Sheikh Aden Mohamed Nur (Madobe), and a delegation including ministers and deputies were warmly welcomed in Baydhabo.

9- The Office of the Speaker of the House of the People said that no motion has been received and that the rumors circulating on social media are false.

10- Prime Minister Hamza Abdi Barre issued appointments and a minor reshuffle of Directors Generals and Permamenet Secretaries in the ministries of the government.

11- Prime Minister Hamza Abdi Barre attended the award ceremony for the “Daaci 2026” program, which promotes the role of youth in spreading goodness, religion, and charity within the community.

12- Prime Minister Hamza Abdi Barre appointed new Deputy Ministers to be part of the Cabinet.

13- Prime Minister Hamza Abdi Barre received a briefing at his office from the Ministry of Ports and Maritime Transport about the progress the country has made in the maritime sector.

14- Deputy Prime Minister, H.E. Salah Ahmed Jama, inaugurated the Agriculture Coordination Platform established by the Ministry of Agriculture and Irrigation, aimed at strengthening coordination and collaboration of development programs in the country.

15- Deputy Prime Minister of Somalia, Mr. Salah Ahmed Jama, chaired the Somalia Humanitarian Platform organized by the Somalia Disaster Management Agency (SoDMA).

16- Deputy Prime Minister Jibril Abdirashid Haji Abdi, participated in a ceremony launching SOMTURK, a partnership for defense and economic cooperation between Somalia and Turkey, which serves as a foundation for strengthening maritime resource cooperation and boosting the blue economy.

17- The Cabinet has approved draft laws, treaties, and key regulatory statutes that will enhance the function of government agencies.

18- The leader of the Interim Administration of South West State, Mr. Jibril Abdirashid Haji Abdi, was warmly welcomed in Baydhabo, the interim capital of the South West State.

19- Defense Minister, Mr. Ahmed Moalim Fiqi, provided details about the operations in the South West states, the war with the Puntland Daacish, the ongoing national liberation against the Kharijites, and other matters.

20- The Ministry of Ports and Maritime Transport registered a ship that has flown the Somali flag, named "Guney" with IMO number 8230417. This is the first time since the civil war that Somalia has registered a vessel.

21- The Independent National Election and Boundary Commission arrived in Dhusamareeb with the voting cards and ballot boxes for “One Person, One Vote” elections.

22- The Commander of the Somali Custodial Corps, Brig. Gen. Mohamed Ahmed Sheikh Hassan, held his first meeting with the leaders of the Somali Prison Service.

23- The Somalia national football team aiming to, after 69 years, participate in the Africa Cup of Nations final tournament for the first time, after defeating Mauritius 4-2.

24- The National Intelligence and Security Agency (NISA), in cooperation with international partners, carried out operations in the regions of Middle Shabelle and Lower Shabelle, killing Kharijites commanders and destroying places they used to produce explosives, weapon maintenance, and organize militias.

25- The people of Baydhabo warmly welcomed the National Army as Kharijites were driven out of areas in Bay.

26- The Chairperson of the Somali Human Rights Commission, Mrs. Maryam Qassim, participated in the annual conference of global human rights organizations (GANHRI) held for three days in Geneva.

27- The Commander of the Bay Regional Police Department praised the people of South West State for their hospitality and urged them to cooperate with security forces to stabilize security.

28- The Permanent Secretary in the Office of the Prime Minister Kamal Gutale, met with the Chinese ambassador to Somalia, Mr. Wang Yu.
========END=========

Address

Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Information of Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share