Xisbiga Daryeel Qaran

Xisbiga Daryeel Qaran Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xisbiga Daryeel Qaran, Political Party, Mogadishu.

Xisbiga Daryeel Qaran waa xisbi siyaasadeed qaran oo ka diiwaan gashan dalka, lehna xarumo dalka gudihiisa iyo wakiilo dibada ah, ujeedooyinka xisbiga waa xoojinta ku dhaqanka sharciga dalka iyo soo celinta cadaalada bulshada,

18/12/2025
WAR SAXAAFADEEDHogaanka Xisbiga DARYEEL QARAN wuxuu bogaadinayaa islamarkaana taageerayaa Madaxweynaha dawlada Jubaland ...
18/12/2025

WAR SAXAAFADEED

Hogaanka Xisbiga DARYEEL QARAN wuxuu bogaadinayaa islamarkaana taageerayaa Madaxweynaha dawlada Jubaland Jubaland State House Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam iyo gogosha Shirweynaha Aayo katashiga soomaaliyeed ee Kismaayo ka furmey.

Xisbiga daryeel Qaran wuxuu sidoo kale soo dhaweynayaa, islamarkaana bogaadinayaa dhamaan madaxda H.E Said Abdullahi Deni, Sharif Sheikh Ahmed Hassan Ali Khaire Mohamed Hussein Roble Abdi Farah Shirdon Abdirahman Abdishakur Warsame marti sharafta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee ka qeyb galaya shirka Aayo- katashiga soomaaliya ee kismaayo.

Shirweynaha waxaan ka rajeyneynaa inuu meesha ka saaro hubanti la-aanta siyaasadeed ee dalka ka jirta waqtiga kala guurka ah iyo inuu jiheeyo siyaasada dalka, iyadoo shirka laga soo saarayo habraac siyaasadeed (Political Road Map) ku saleysan xaalada kala guurka dalka iyo qorshayaal doorasho.

Xisbiga daryeel qaran wuxuu h**e u cambaareeyey wax ka badalka dastuurka dalka, ka shaqeynta hanaan doorasho oo hal dhinac ah, iyo fara gelinta qaawan ee lagu hayey dawladaha Federaalka ee Jubaland iyo Puntland.

Dawlada federaalka waxaan kula talinaynaa iney iska deyso damaca doorasho (qof iyo cod) oo 150 cisho in lagu qabto aysan suurtagal aheyn, isla maraana aan heshiis lagu aheyn, ka mashquulida iyo dibu dhac loo qasdey oo lagu sameeyo waqtiga doorashada, raadinta mudo kororsi, iyo wado kasta oo dalka u jiheyn karta hubanti la-aan.

Ugu dambeyn, waxaan ugu baaqeynaa stakeholders iyo dhamaan madaxda iyo masuuliyiinta ka qeyb galaysa shirka aayo katashiga kismaayo iney diirada wada saaraan sidii caqabada taagan looga gudbi lahaa isla markaana ay shirka ka soo saaraan Political Road MAP

Mahadsanidiin

Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar
Gudoomiyaha Xisbiga Daryeel Qaran

Saameynta fatahaada wabiga  uu ku yeeshey shacabka soomaaliyeed gaar ahaan gobolada Hiiraan, Shabeelooyinka,  Gedo iyo j...
08/11/2023

Saameynta fatahaada wabiga uu ku yeeshey shacabka soomaaliyeed gaar ahaan gobolada Hiiraan, Shabeelooyinka, Gedo iyo jubooyinka ayaa waxaa ka dhashey xaalad u baahan in degdeg looga jawaabo

Gaar ahaan xaalada ay ku sugan yihiin kumanaan dadka shacabka ah ee degan deegaanada uu maro wabiga daawo iyo shabeele ayaa ah mid halisteedu sii kordheysa iyadoo dadka goobahaasi degan ay qaarkood go-doon ku yihiin biyaha iyagoo laga cabsi qabo inay halkaasi ka dilaacaan cudurada shuban biyoodka iyo kaneecada maadaama ay isku darsameen musqulihii iyo biyahii wabiga

sidaasi darteed xisbiga daryeel qaran wuxuu ugu baaqayaa hay-adaha heer federaal iyo heer dawlad goboleed iyo kuwa caalamiga ee ka shaqeeya samafalka soomaaliya iney gurmad degdeg u fidiyaan shacabka ku go-doonsan biyaha dhexdooda ee halista ugu jira masaska, yaxaaska iyo iney dayac u dhintaan

xisbiga daryeel qaran wuxuu mar kasta garab istaagayaa bulshada soomaaliyeed ee dhibaateysan, waxaana ugu baaqayaa qurba joogta, ganacsatada iyo shirkadaha waaweyn iney gargaar u fidiyaan deegaanada ay fatahaada wabiga saameysey

wabilaahi towfiiq
xarunta xisbiga Muqdisho
Information & public relations

war murtiyeed:hogaanka sare ee xisbiga daryeel qaran wuxuu ka xun yahey dhibaatada ka jirta laascaanood oo runtii sababt...
11/02/2023

war murtiyeed:

hogaanka sare ee xisbiga daryeel qaran wuxuu ka xun yahey dhibaatada ka jirta laascaanood oo runtii sababtey dhimashada iyo dhaawaca shacab aan waxba galabsan, barakac iyo burbur hanti oo baahsan. waxaana ugu duceyneynaa dhamaan dadka ay dhibaatada ka soo gaartey xiisada laas caanood in ALLE ugu badalo soo kabasho iyo caafimaad degdeg ah.

xisbiga daryeel qaran wuxuu ugu baaqayaa maamulka Somaliland iyo puntland iyo guud ahaan bulshada laas caanood in laga wada shaqeeyo amniga iyo xasiloonida deegaanka.

soo noqnoqoshada xiisada siyaasadeed ee laas caanood waxey hor istaageysaa dibu dhiska, soo kabashada iyo horumarka deegaanka, sidaasi darteed waa in la helaa xal waara oo ay qeyb ka wada yihiin dhamaan dhinacyada ay quseyso

dawlada federaalka oo kaashaneysa saaxiibada beesha caalamka waa iney door firfircoon ka qaataan nabada iyo xasiloonida deegaankaas si loo joojiyo dilka, dhaawaca iyo barakaca.

xisbiga daryeel qaran wuxuu diyaar u yahey inuu qeyb ka noqdo raadinta xal waara oo wax looga qabto qadiyada laascaanood iyo guud ahaan gobolada sool, sanaag iyo ceyn.

mahadsanidiin
Gudoomiyiaha xisbiga daryeel qaran
xildhibaan muse

Address

Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 08:30 - 05:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252616335499

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xisbiga Daryeel Qaran posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xisbiga Daryeel Qaran:

Share