18/11/2024
Tacsi: Janaraal Yuusuf Xassan Ibraahim (Dheeg)
Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Danjire, Janaraal Yuusuf Xassan Ibraahim (Dheeg) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa, isagoo ku jiray da'da 84 sano (1940-2024).
Janaraal Yuusuf Xassan Ibraahim (Dheeg) waxa uu ahaa shaqsi taariikh weyn ku leh ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca ciidanka, isaga oo door muuqda ku lahaa dhismaha, horumarinta iyo hufnaanta Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, oo uu si qoto dheer ugu hagar baxay.
Janaraal Yuusuf waxa uu ahaa nin ku suntan hufnaan, hogaamin iyo daacadnimo ku wajahan hawlihiisa ciidan iyo mas’uuliyad kasta oo uu u hayo qaranka.
Ilaahay ha u naxariisto Janaraal Yuusuf Xassan Ibraahim (Dheeg), ehelkiisana samir iyo iimaan ha ka siiyo. Ummadda Soomaaliyeedna ha ka siiyo bedel kheyr leh.
Aamiin.