Ministry of Finance - Somalia

Ministry of Finance - Somalia This is the Page of the Ministry of Finance FGS
Kani waa bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Maaliyadda XFS

(Wasaaradda Maaliyadda Xukuummada Soomaaliya)
The Ministry of Finance is the central authority of Government of Somalia charged with the responsibilities for maintaining both micro and macro-economic stability in the country. Moreover, the key role of the Ministry lies with the more rationale allocation of resources; better management of public expenditure; enhanced mobilization of both internal a

nd external resources; greater performance in public investments and strengthening of public enterprises productive capacity; open and simple foreign exchange policies and regulation, and prudent fiscal and monetary policies. Mandate
The Ministry of Finance, in pursuit of its mission, has a wide mandate with responsibility for:
· Economic planning
· Budgeting
· Debt management
· Economic policy formation
· Resource mobilization
· Cash management
· Tax administration
As an integral part of its mandate, the major responsibility of the Ministry is as follows:
· Mobilize resources for economic revival and subsequently for economic development;
· Improve accountability for the use of inadequate resources;
· Gain credibility by implementing PFM system
· Ensure strict adherence to budgetary processes;
· Facilitate and support citizen economic empowerment schemes and initiatives;
· Facilitate the contributing role of the private sector and non-governmental organization to the strategy of creating greater prosperity and embracing this in the development process; Facilitate involvement of the Somali Government in regional and global economic issues.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda kula...
04/05/2026

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan miro-dhal ah kula qaatay wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay, kuwaas oo kala ahaa Shoko Noda oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay sidoo kalena ah Agaasimaha Qaybta Xasaradaha iyo Lionel Laurens oo ah wakiilka Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP).

Intii lagu guda jiray kulanka labada dhinac ayaa looga wadahadlay xaaladda Isbaddalka Dhaqaalaha, gaar ahaan saameynta ay leeyihiin arrimaha xiliyada Abaaraha, fatahaadaha iyo isbeddellada cimilada oo saameyn ku yeeshay dhaqaalaha Adduunka. Waxaa kale oo la falanqeeyay sida ugu haboon ee loo xoojin karo adkeysiga dhaqaalaha iyo horumarinta mashaariic waara oo dalka ka hirgala.

Wadahadallada ayaa sidoo kale waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda UNDP, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo barnaamijyada horumarineed, lana taageero dadaallada dib-u-soo kabashada iyo kobcinta dhaqaalaha dalka oo Dowaddu galisay dadaal xoogan.

Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federal Soomaaliya, waxa ay dhammaan Shaqaale-Weynaha Soomaaliyeed la wadaagaysaa Hambal...
01/05/2026

Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federal Soomaaliya, waxa ay dhammaan Shaqaale-Weynaha Soomaaliyeed la wadaagaysaa Hambalyada Munaasabadda 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟏-𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐲 oo ah maalinta Shaqaalaha Adduunka.

Maalintaan caalamiga ah (International Labour Day) waa maalin farxadeed oo shaqaalaha caalamka iyo Soomaaliya oo idil ay u dabaaldagaan sidoo kalena lagu muujiyo qiimaha iyo doorka muhiimka ah ay ku leeyihiin
horumarka bulshada iyo dhaqaalaha.

27/04/2026
18/04/2026

Washington DC:-Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka warbixiyay shirarkii IMF/Bangiga Aduunka iyo kulamadii Gaarka ahaa ee u qabsoomay.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐊𝐡𝐮𝐝𝐛𝐚𝐝 𝐓𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐊𝐚 𝐉𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐋𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐧𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚.Washington-: Wasi...
17/04/2026

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐊𝐡𝐮𝐝𝐛𝐚𝐝 𝐓𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐊𝐚 𝐉𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐋𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐧𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚.

Washington-: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay fadhiga loo dhan yahay ee uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Bangiga Adduunka Ajay Banga. Shirkan oo loo yaqaano Matalaada kooxda 1-aad ee Afrika (World Bank Africa Group 1 Constituency) oo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay waxa uu ka mid yahay labada shir ee ugu muhiim san shirarka Sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka ayaa si gaar ah hadal jeedintiisii diiradda ugu saaray muhiimadda ay leedahay sare u qaadidda dakhliga gudaha, horumarinta nidaamka maareynta maamulka maaliyadda iyo hagaajinta hannanka maalgashiga dalka xilli ay jirto duruufo dhaqaale oo caalami ah iyo caqabado ku gadaaman Soomaaliya iyo dunida inteeda kale oo saameeyay ilaha dhaqaalaha.

Fadhiga Bangiga Adduunka ee Matalaada kooxda 1-aad ee Afrika waxaa inta badan lagu falanqeeyaa hannaanka maalgalin ee uu Bangigu siiyo qaaradda, iyada oo Dowladda Soomaaliya na ay ka mid tahay dalalka sida gaarka ah uga faa’idaysta firsadaha maalgalinta iyo mashaariicda horumarineed oo qaarkood hada ay si habsami leh uga soconayaan gudaha Dalka.

Washington DC:-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Washington DC...
16/04/2026

Washington DC:-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Washington DC ka wada kulamo miro-dhal ah oo uu la yeelanayo madax sare oo ka tirsan hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah iyo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, xili uu soconayo Shirka xiliga Gu’ga ee Bangiga Adduunka iyo IMF oo maalintii Sadexaad galay.

Hadaba warbixintan hoose waxa aan ku soo koobaynaa kulamadii muhiim ka ahaa ee uu Wasiiru la yeeshay madaxdii uu la kulmay.

Kulanka 1-aad:

Wasiirka ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Bangiga Adduunka Mudane Ajay Banga intii uu socday shirka guddiga horumarinta. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, iyadoo si gaar ah loo bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee Bangiga Adduunka ku leeyahay taageerada horumarinta Soomaaliya xilli ay jiraan isbeddello iyo fursado cusub oo caalami ah.

Kulanka 2-aad:

Wasiirka ayaa sidoo kale kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway, Mudane Åsmund Aukrust, iyagoo ka wada hadlay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dib-u-habaynta maaliyadda oo dadaal xoog leh la galiyay iyo fursadaha maalgashi iyo horumarineed.

Kulanka 3-aad:

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa kulan wax-ku-ool ah la yeeshay Mudane Nick Dyer oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Ingiriiska qeybta Horumatinta Caalamiga ah (FCDO), kulanka ayaa lagu lafa-guray horumarka dib-u-habaynta dhaqaalaha, istiraatiijiyadda kobaca dhaqaalaha, caqabadaha juqraafiyeed iyo helitaanka maalgelinta la xiriirta isbeddelka cimilada. Dowladda UK ayaa weli ah saaxiib muhiim ah oo Soomaaliya ka taageera horumarka dhaqaalaha

Kulanka 4-aad:

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale la kulmay Agaasimaha Waaxda Bariga Dhexe iyo Bartamaha Qaaradda Aasiya ee IMF, Mudane Jihad Azour, iyagoo diiradda saaray hirgelinta barnaamijka dib-u-habaynta Dhaqaalaha, la qabsiga saameynta isbeddellada caalamiga ah iyo xoojinta fursadaha maalgelinta horumarineed ee waarta.

Kulanka 5-aad:

Sidoo kale, Wasiirka ayaa la yeeshay kulan Agaasimaha Xafiiska Afrika ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka, Mudane Alexander Leipziger, iyadoo ka wada hadlay horumarka laga sameeyay dakhliga gudaha, maareynta maaliyadda dadweynaha (PFM), iyo horumarinta nidaamka maaliyadeed.

Kulanka 6-aad:

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Jozef Síkela, oo ka qeyb galay shirka Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Geeska Afrika. Midowga Yurub ayaa door muhiim ah ka qaata horumarinta iskaashiga gobolka iyo taageerada Soomaaliya.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.Wa...
15/04/2026

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

WashingtonDC:– Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, xili Magaalada Washington DC uu ka soconayo shirka Xiliga Gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka oo sanad waliba xiligaan oo kale la qabto.

Shirkan oo ahmiyad gaar ah leh ayaa diiradda lagu saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah kobaca dhaqaale ee dalalka gobolka, kuwaas oo laf-dhabar u ah xoojinta is-dhexgalka ganacsiga iyo iskaashiga dalalka Geeska Afrika.

Intii uu shirku socday, Wasiirrada Maaliyadda ku bahoobay madashan ayaa isla falanqeeyay fursadaha iyo caqabadaha horyaalla maalgelinta kaabayaasha muhiimka ah, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo lagu horumarinayo isku xirnaanta ganacsiga, gaadiidka iyo adeegyada kale ee dhaqaalaha.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐮𝐮 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐨𝐨 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐡𝐢𝐧𝐠𝐭𝐨𝐧 𝐃𝐂 𝐢𝐲𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐦𝐨 𝐌𝐢𝐫𝐨-𝐃𝐡𝐚𝐥 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐋𝐚 𝐐𝐚𝐚...
14/04/2026

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐮𝐮 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐨𝐨 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐡𝐢𝐧𝐠𝐭𝐨𝐧 𝐃𝐂 𝐢𝐲𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐦𝐨 𝐌𝐢𝐫𝐨-𝐃𝐡𝐚𝐥 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐋𝐚 𝐐𝐚𝐚𝐭𝐞𝐞𝐧 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐡𝐢𝐧𝐠𝐭𝐨𝐧 𝐃𝐂:- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaan gaaray Magaalada Washington DC oo lagu qabanayo shirarka xiliga Gu’ga (Spring Meetings) ee Bangiga Adduunka iyo IMF ayaa waxa uu kulan miro-dhal ah la yeeshay Mr. Ndiame Diop oo Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray saameynta dhaqaale ee ka dhalatay xaaladaha cakiran ee caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, isbeddelada juqraafiyeed (geopolitical) iyo saameynta isbeddelka cimilada, kuwaas oo si toos ah u taabanaya dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta dakhliga gudaha horumarinta maamulka maaliyadda guud iyo kobcinta dhaqaalaha dalka si loo gaaro horumar waara.

𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐣𝐞𝐞𝐝 𝐝𝐢𝐟𝐚𝐚𝐜 𝐮 𝐚𝐡 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚, 𝐃𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚.
12/04/2026

𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐣𝐞𝐞𝐝 𝐝𝐢𝐟𝐚𝐚𝐜 𝐮 𝐚𝐡 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚, 𝐃𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚.

𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐛𝐚𝐫𝐚𝐤Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida, Wasiirka Maaliyadda Mudane Bii...
17/02/2026

𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐛𝐚𝐫𝐚𝐤

Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida, Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige, Wasiiru-Dowlaha Maaliyadda Marwo Raaxa Maxamuud Janaqoow, iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diraya dhammaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda bisha barakeysan ee Ramadaan.

Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay Halkan idin kula wadaagaysaa Warmurtiyeedkii ay ku heshiiyeen Wasiirada Maaliyaddda Da...
17/02/2026

Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay Halkan idin kula wadaagaysaa Warmurtiyeedkii ay ku heshiiyeen Wasiirada Maaliyaddda Dalka ee heer Fadaraal iyo Dowlad-Goboleed iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Warmurtiyeedkani waxa uu muujinayaa is-afgarad iyo go’aanno muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta maaliyadeed, kobcinta dakhliga gudaha, horumarinta Maareynta Maaliyadda Dadweynaha (PFM), iyo dardargelinta is-waafajinta siyaasadaha maaliyadeed ee Dalka.

Address

Shangani District
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:30
Tuesday 08:00 - 16:30
Wednesday 08:00 - 16:30
Thursday 08:00 - 13:30
Saturday 08:00 - 16:30
Sunday 08:00 - 16:30

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Finance - Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ministry of Finance - Somalia:

Share