Adeega Boostada Soomaaliya

Adeega Boostada Soomaaliya 📮The official page of Somali Postal Services| Delivering your mail with care.📦💌✉️

Siyaasadda Boostada Qaranka ee JFS Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyey Si...
29/01/2026

Siyaasadda Boostada Qaranka ee JFS

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyey Siyaasadda Boostada Qaranka ee Soomaaliya xilli sanadeedka (2025–2030), tani waa baal cusub oo loo rogay dhanka dib-u-dhiska iyo casriyeynta adeegyada Boostada dalka burburkii kadib.

Ansixinta siyaasaddan ayaa ka dhalatay baahi dhab ah oo loo qabo in Soomaaliya yeelato nidaam boosto oo la jaanqaada isbeddellada caalamiga ah, kobaca ganacsiga, iyo baahiyaha sii kordhaya ee muwaadiniinta. Golaha Wasiirradu, kadib falanqayn iyo wadatashi ballaaran, waxay isku raaceen in Siyaasadda Boostada Qaranku ay tahay tiir-dhexaad lagu dhisayo adeegyo dadweyne oo tayo leh, isla markaana lagu xoojinayo isku xirka dalka iyo caalamka.

Siyaasaddu waxay diiradda saareysaa dhisidda nidaam boosto oo casri ah, isla markaana si caddaalad ah u gaara dhammaan muwaadiniinta, magaalo iyo miyiba. Waxa kale oo ay xoogga saaraysaa dejinta hannaan sharciyeed iyo nidaam ruqsad-siineed oo hufan, kor u qaadidda tayada adeegyada, iyo xaqiijinta in suuqa boostadu noqdo mid furan, daah-furan, isla markaana ku dhisan tartan caddaalad ah.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda, Mudane Axmed Cismaan diiriye ayaa Ra'iisul wasaaraha iyo golahaba uga mahadceliyey ansixinta siyaasaddan kuna tilmaamay mid taariikhi ah oo dib u soo nooleynaysa kaalintii istiraatiijiga ahayd ee boostadu ku lahayd horumarka qaranka. Wasiirku wuxuu xusay in Siyaasadda Boostada Qaranku ay dhiseyso nidaam casri ah oo ku saleysan iskaashi dowladeed iyo mid ganacsi, isla markaana si toos ah ugu adeegaya danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Guud ahaan, ansixinta Siyaasadda Boostada Qaranka ee Soomaaliya (2025–2030) waxay gogol xaar u tahay hirgelinta nidaam boosto oo hufan, la isku halayn karo, isla markaana door muuqda ka qaata horumarinta dhaqaalaha, ballaarinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta isku xirka Soomaaliya iyo caalamka.

DHAMMAAD....................

28/01/2026

Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyadda (MoCT), iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA), Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Agaasinka Dad-dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga (CRVS) iyo Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha (DPA), ayaa si wadajir ah u qaban doona Shirweynaha Qaran ee ugu horreeya ee Kaabeyaasha Dijitaalka (Digital Public Infrastructure Summit – DPI)
https://www.facebook.com/dpisomali.

Shirweynahan, oo ah mid taariikhi ah, ayaa ka dhici doona magaalada Muqdisho 14–15 Febraayo, waxaana lagu wadaa inuu noqdo madal qaran oo lagu xoojiyo wadahadalka, is-dhexgalka iyo is-waafajinta dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dijitaalka ee dalka.

Ujeeddada shirweynahan ayaa ah in la dhiso aragti qaran oo mideysan oo ku saleysan horumarinta iyo isku-xirka nidaamyada dijitaalka ah, si loo xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, loona dardargeliyo isbeddelka dijitaalka ee Soomaaliya, iyadoo la hubinayo hufnaan, isla xisaabtan iyo adeegyo casri ah oo ay helaan muwaadiniinta.

Shirweynaha DPI waxaa ka soo qeyb geli doona mas’uuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha dowladda, madax ka socota shirkadaha isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, bangiyada, jaamacadaha, iyo ururrada bulshada rayidka, kuwaas oo dhammaantood door muhiim ah ka qaadanaya dhismaha amustaqbal dijitaal ah oo loo dhan yahay.

Go’aan lagu gaaro wadajir.
Aragti lagu dhiso wadajir.
Mustaqbal lagu hirgeliyo wadajir.

DHAMMAAD....................

Wixii faafaahin ah laxiriir
Madaxa Xafiiska warfaafinta & Xiriirka Dadweynaha.
Ali Omar Abdulle

📧 Email: [email protected]
Flicker:200615338@N03/" rel="ugc" target="_blank">https://www.flickr.com/photos/200615338@N03/
🌐 Website: www.moct.gov.so
facebook:https://www.facebook.com/MoCTSomalia?mibextid=ZbWKwL
🐦 Twitter:
TIKTO:https://www.tiktok.com/?_t=8rXwxF2VIC0&_r=1

16/12/2025
04/12/2025
Agaasimaha Boostada Soomaaliya, Mr. Said Ahmed Hassan ayaa ka qeyb galay shirka lixaad ee “6th Leadership and Innovation...
04/12/2025

Agaasimaha Boostada Soomaaliya, Mr. Said Ahmed Hassan ayaa ka qeyb galay shirka lixaad ee “6th Leadership and Innovation Summit” oo ay soo qaban qaabisay Arkaan Leadership & Innovation Hub, kaas oo lagu qabtay Royal Place Hotel ee magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa socday muddo laba maalmood ah, kaas oo ay kasoo qeybgaleen madaxda ugu sarreysa dalka, sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirro, Hay’ado iyo mas’uuliyiin kale oo heer Qaran ah.

Agaasimaha ayaa halkaas ka jeediyay qudbad muhiim ah oo cinwaankeedu ahaa:
“Somali Postal Innovation for E-commerce” — taas oo uu diiradda ku saaray horumarka ay adeegyada Boostadu ku taageerayaan kobaca ganacsiga casriga ah ee dalka.

Sidoo kale dadkii kasoo qayb-galay shirka ayaa agaasimaha suaalo ka weydiiyay sida ay guud ahaan dadka Soomaaliyeed uga faaiideysan karaan Adeegga Boostada Soomaaliyeed taas oo uu agaasimuhu sheegay in “dowladdu waddo dadaalo ay si buuxda ugu balaarin doonto Adeegga Boostada Qaranka guud ahaan dalka iyo dibadda weliba si casri ah”

Ugu dambeyn agaasimaha ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay qorsheyaasha ay dadka Soomaaliyeed u diyaariyeen sida mareeg(Website) casri ah, Sanaadiiq digital ah, horumarinta iyo isku xirka ganacsiyada dalka iyo Boostada si loo fududeeyo Adeegyada guud ee Boostada Soomaaliyeed.

🇸🇴 Boostada Soomaaliya waa Isku xiraha bulshada iyo ganacsiga.

Goor dhow… Bilaabashada Adeega Boostada ayaa sahli doonta in dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka a...
20/04/2025

Goor dhow…
Bilaabashada Adeega Boostada ayaa sahli doonta in dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka ay wax usoo dirikaraan dalka gudihiisa.

Mahadcelin,Dhamaan Bulshada waan u mahad celinaynaa walaal   fariinteeni waad gaarsiiseen wuuna nala soo xiriiray.Amaano...
08/11/2023

Mahadcelin,

Dhamaan Bulshada waan u mahad celinaynaa walaal fariinteeni waad gaarsiiseen wuuna nala soo xiriiray.

Amaano iyo Adeega hufan nuugu kaalay.

BAAFIN,

Dhamaan Bulshada Somaaliyed ee ku dhaqan Magaalada Galkacayo, waxaan Halkaan ka baafinaynaa mudane
oo aan u hayno alaab ugu timi Dalka Dibadiisa kuna sugan Magaalada Galkacayo, suurta galna noqon wayday in lagaarsiiyo alaabtaas maadaama aysan dhamaystirnayn xogtiisa.

Fadlan cidii garanaysa muwaadinkaan Soomaaliyeed hagaarsiiso fariintaan ama nagala soo xiriira lambarkaan hoos ku qoran.

Hala share-gareeyo si Muwaadinkaan hantidiisa uu uhelo.

+252611003239
Adeega Boostada Soomaaliya.

BAAFIN,Dhamaan Bulshada Somaaliyed ee ku dhaqan Magaalada Galkacayo, waxaan Halkaan ka baafinaynaa mudane     oo aan u h...
08/11/2023

BAAFIN,

Dhamaan Bulshada Somaaliyed ee ku dhaqan Magaalada Galkacayo, waxaan Halkaan ka baafinaynaa mudane
oo aan u hayno alaab ugu timi Dalka Dibadiisa kuna sugan Magaalada Galkacayo, suurta galna noqon wayday in lagaarsiiyo alaabtaas maadaama aysan dhamaystirnayn xogtiisa.

Fadlan cidii garanaysa muwaadinkaan Soomaaliyeed hagaarsiiso fariintaan ama nagala soo xiriira lambarkaan hoos ku qoran.

Hala share-gareeyo si Muwaadinkaan hantidiisa uu uhelo.

+252611003239
Adeega Boostada Soomaaliya.

Hambalyo Maalinta Boostada Adduunka. "Isticmaalka Adeega Boostada.                               Waa Fududeeyaha Ganacsi...
09/10/2023

Hambalyo Maalinta Boostada Adduunka.

"Isticmaalka Adeega Boostada. Waa Fududeeyaha Ganacsiga"

Address

Corso Somalia
Mogadishu
66

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 13:30
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Telephone

+252611003239

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Adeega Boostada Soomaaliya posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Adeega Boostada Soomaaliya:

Share