18/11/2024
Dhawr qiso oo nadex maray madaxwayne Siilaanyo.
Rabbiyoow Raxamaanoow maanta raxmadaada ayuu marti u yahay ee raali ahaan-shahaaga ku casuum Aamiin Aamiin Aamiin.
Madaxwayne Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu ahaa shakhsi aad iyo aad u qalbi wanaagsan, waligii qof soo gaadha ama soo martiya ama la soo shaqeeyay aanuu marnaba agtiisa ku qoloon jirin ayuu ahaa.
Muddadii aan la soo shaqeeyay oo aad u yarayd waxa aan ka bartay micnaha siyaasadda suubban iyo hagidda hannaaka hufan ee bulshada, mararka qaarkoodna waxa uu iiga sheekayn jiray waalidkay qaar kamid ah iyo taariikhdii ay isla soo mareen.
Waxa uu si gaar ah dhawr mar iiga sheekeeyay Allaha u naxariistee Ayayday Kaaha Ducaale Cawaale Sharmaarke oo aas aastay Kaam Kaaha oo iyada loogu magac daray oo xagga Hawd ka xigta Magaalada Bali-Gubadle.
Waxa uu igu yidhi marka ay nagu xumaato xaalada Bali-Gubadle waxa aanu tagi jirnay Kaam Kaaha, Ayaydaa ayaa nagu marti qaadi jirtay gurigeedana nadajin jirtay oo talis aanu ka dhigan jirnay cuntadana gacan teeda ayay noogu samayn jirtay (AHUN).
Madaxwayne Siilaanyo waxa uu igu odhan jiray Inna kaahoow ayaydaa cilmi badan oo xaga dhaqanka ah ayaan ka bartay oo markii dambe siyaasadda iyo xukunka dalka iga anfacay.
Runtii waxa uu ahaa Hogaamiyo hal-abuur leh, hadal wanaagsan, gacan furan, talo keene ah, talo qaate ah, dhagaysi wacan, waxa uu ahaa nin kalayaqaana ragga la shaqeeya ninba meeshuu ku habboon yahay u dira, waxa uu ahaa halyay geesi ah, hadalka heliyaqaana, gole kafuul leh, gartu markay murugtana gooyn yaqaana, raggana wanaaga u qira.
Waxa aan xasuustaa mar aan safar kamid ah safaradiisi aan la socday, ku dhawaad 50 gaadhi oo madax iyo ciidan la socdaan aanu ku soo baxnay Buuro Baacad ah, gaadhigii in yar qaboojiyana uu bacaadda galaayo, dhamaan gaadiidkii ayaa bacaad iyo niistii wada galay waxaa ka soo badbaaday sadex gaadhi oo kaliya, waa gaadhigii Madaxwaynaha ee isagu saarnaa, kii aan anigu saarnaa oo ahaa gaadhigii Wasiir Cali Waran Cade oo aanu wada soconay iyo hal gaadhi oo ka mid ah kuwii ciidanka ilaalada madaxtooyadda, sadaxdeeni gaadhi markaanu cabaar fogaanay oo aannu gaadhnay meel diri ah oo adag ayaanu is taagnay si aanu u sugno gaadiidka hadhay intuu soo dagay ayuu isla goobtii ku dalacsiiyay askarigii waday gaadhiga ciidanka darajo hal xidig ah, sarkaalkaas magaciisii ma xasuusto ee cidii garanaysaa bal ha xusto oo ha ii markhaati furto.
Waxa uu yaqaanay sida ragga loo sharfo maqaam koodana kor loogu qaado bulshadana loo tuso hebel maqaamka uu agtiisa ka joogo, isala maalintaa aan safarkiisa la socday waxa aannu baxnay salaadii subax horteeda mudo saacad ah markii aannu soconay ayaa salaada loo istaagay wasiirkii madaxtooyada ee xiligaas oo ahaa wasiir Xirsi Cali Xaani Xassan oo ahaa hagaha safarka ayaa igu yidhi Axamdoow salaada inoo Aadaan,
Waxa aan koray dhagax yara dheer intii aan adimayay ayaaba safka la sii galay oo la buuxiyay waxa gaadhigii Madaxwaynaha laga soo dajiyay sadex sijaayadood mid kamida imaamka ayaa loo dhigay labadii kalena waa lays garab dhigay mid madaxwaynaha ayaa lagu yidhi fadal madaxwayne tii kalena anaa laygu yidhi fadal,
Markaanu sunaysanay ayaan salaadii aqimay, Wasiir xirsi ayaa na tujiyay, salaadii markii laga baxay soomalidu porotocolka way jiidhaaye hal mar ayay dadkii wada istaageen Madaxwaynaha oo aan wali istaagin waana la soo wada eegayaa, fadhiga ayuu ku sii yara hakaday ana isagaan ixtiraamay oo maan kicin ee waan sii ag fadhiyay intuu xagayga soo eegay ayuu afka dhagta ii saaray mudo shan daqiiqo ah ayuu iiga sheekaynayay geed wayn oo hortayada ku yaala magaciisa, manfaciisa iyo deegana Soomaalida meelaha uu ka baxo ana sheekada waan ka gurayaa marna waanu dhoola cadaynaynaa dadkii oo dhan, Wasiiradii iyo Ciidamadamadii way na kor taagan yihiin waxa aanu ku wada hadlayno cidi maqli mayso ee anaga ayay na daawanayaan oo arimo kale ayaabay u haystaan wada hadalka.
Intaa wixii ka dambeeyay madaxdii oo dhan way iska kay horaysiiyaan porotocol kaygii mid ka sareeya ayaa lay siiyay hoy iyo deegaan hadii la d**o qolka u wacan ayaa lay dajiyaa, wax badan ayaa is badalay!!
Habeenimadii markii la dagay ee shaqo oo dhan soo dhamaatay ayaan ku idhi Madaxwayne sheekadii saaka ee geedku waxa ay ii tartay hadaad ogtahay waad yaabi, intuu aad u qoslay ayuu yidhi micnaha aan kalahaaba intaas ayay ahayd, mudo dhan ayuu ii socday maamuuskii ka dhashay sheekadaas.
Safarkaasi markuu soo dhamaaday waxa lagu nastay magaala xeebeedka Barbara, dhawr nin oon ku jiro wuxuu noo noqday macalin dabaasha na bara sadex cisho ayaanu dadabaalanaynay Badda Barbara.
Waxa uu ahaa masuul qof walba maqaamkiisa ku qaabila, dumarka ixtiraama, waayeelka soo dhaweeya, dadka jilicsan u naxariista, danyarta la damqada, bukaanka ka war haya, dhalinyaradana fursad siiya oo tababara, qodobadaa aan tiriyay oo dhan midkasta sheeko iyo qiso cajiib ah ayaan u hayaa ee halkan kuma soo koobi karo.
Muddada aan arki jiray ama aan la soo shaqeeyay aad ayay u koobnayd ee waxa jira rag hayday u gacan qaadaan taariikh badan ka qori kara.
Caawa waa habeenkii u horaysay ee qabri ku hoydo ee dhammaan teen aynu uwada ducayno, Rabbi janadii fardawsa haka waraabiyo samir iyo iimaana haynaga wada siiyo gaar ahaan qoyska reer Axmed siilaanyo, Aamiin Aamiin Aamiin.
Amb Ahmed Safiina