05/06/2026
Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan, oo magaciisa afgarashada Khawaarijta loo yaqaanay “Salmaan”, ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor.
Cabdiraxmaan, oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, ayaa isku soo dhiibay tuulada Hantiwadaag oo hoostagta deegaanka Mubaarak, kadib cadaadis xooggan oo ay ciidamada XDS ku hayeen kooxaha nabad-diidka ah.
Taliska Guutada 20-aad, Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa sheegay in isku soo dhiibidani ay qayb ka tahay guulaha isdaba joogga ah ee laga gaarayo dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyagoo ugu baaqay xubnaha kale ee wali ku jira maleeshiyaadka inay ka faa’iideystaan fursadda oo ay isu soo dhiibaan dowladda iyo ciidamada qaranka.