01/06/2026
Sawirro: Duqa Caasimadda Hargeysa, Eng. Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), ayaa maanta ka qayb galay kulan muhiim ah oo uu guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xuseen Bashiir Xirsi, kaas oo lagaga arrinsanayey xaaladda caafimaad iyo fayadhawr ee magaalada Hargeysa.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Madaxa Qaybta Caafimaadka Dawladda Hoose ee Hargeysa, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodijeex iyo masuuliyiin kale oo ka socday Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa.
Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay xaaladda xummadaha ka jira magaalada Hargeysa muddadii u dambaysay, iyadoo la isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wacyigelinta bulshada, korna loo qaado dadaallada lagaga hortagayo xanuunnada ay gudbiso kaneecadu iyo waxyaabaha sababa faafitaankooda.
Duqa Caasimadda Hargeysa, Eng. Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), ayaa adkeeyey in Dawladda Hoose ee Hargeysa ay ka goβan tahay xoojinta hawlaha fayadhawrka, nadaafadda deegaanka iyo ka saarista goobaha ay biyuhu ku ururaan, si loo yareeyo khataraha caafimaad ee saamaynta ku yeelan kara bulshada.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku saabsan in la sii xoojiyo wada-shaqaynta u dhaxaysa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa, si loo ilaaliyo caafimaadka shacabka loona horumariyo adeegyada caafimaad iyo fayadhawr ee caasimadda.