S/Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin

S/Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin GEN Ibrahim Sheikh Muhudin.

Hambalyo 12-ka April, Maalinta Ciidanka XDS iyo Munaasabadda sanad-guurada 66aad.Waxaan hambalyo diirran u dirayaa dhamm...
11/04/2026

Hambalyo 12-ka April, Maalinta Ciidanka XDS iyo Munaasabadda sanad-guurada 66aad.

Waxaan hambalyo diirran u dirayaa dhammaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed munaasabadda 12-ka April, oo ah maalinta qiimaha badan ee lagu xuso geesinimada iyo halganka ciidankeena.

Ciidanka XDS waa tiirka amniga, difaaca iyo jiritaanka Qaranka. Dadaalkiinna, naf-hurnimadiinna iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed waa mid aan la ilaawi karin.

Hambalyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan, waxaan idiin rajeenayaa guula badan iyo Horumar waarta inshaa allaah.

Guul Gobannimo iyo Geesinimo.

09/04/2026

Waxaan u mahad-calinayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo masuuliyiinta qiimaha badan ee sida weyn iigu soo dhaweeyay Magaaladda Bristol ee Dalka UK.

Aad ayay ii farxad galisay soo dhaweynta iyo Munaasabadda qiimaha badan ee reer UK iisameeyeen, waxaanabu mahad-celinayaa Masuuliyiinta kala duwan ee qiimaha badan ee sida sharafta iyo karaamada leh iigu soo dhaweeyay Bristol.

Sharaf iyo Karaamo.

INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN.Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Umm...
04/04/2026

INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN.

Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed oo ka baxay Allaha unaxariistee S/Guuto Yacquub Maxamed Siyaad oo ka baday Qaranka Soomaaliyeed.

si gaar ah waxaan ugu tacsiyeenayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo muddo badan usoo adeegayay, Waxuuna ahaa shaqsi dadaal iyo karti badan.

Samir iyo iimaan allaha naga wadasiiyo dhamaanteen.

Waxaan Hambalyo iyo duco u dirayaa Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheikh Xasan Xaamuud ...
25/03/2026

Waxaan Hambalyo iyo duco u dirayaa Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheikh Xasan Xaamuud oo maanta loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Waxaan rajaynayaa in Taliyaha cusub horay usii ambaqaadi doono Howlaha adag ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Waxaan guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo Geesiyaasha Ciidanka XDS ugu hambalyeynayaa munaasaba...
19/03/2026

Waxaan guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo Geesiyaasha Ciidanka XDS ugu hambalyeynayaa munaasabadda ciidul-Fidriga. Waxaan Alle ka baryayaa in uu naga wada aqbalo acmaashii suubbanayd iyo cibaadadii aan soo gudanay bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Ciid Mubaarak. Waxaanna Eebbe ka baryayaa in dhammaanteen uu ciiddan ciiddeeda nagu gaarsiiyo nabad, farxad, horumar, midnimo, iyo wadajir.

HAMBALYO GEESIYAASHA XDS.Waxaan hambalyo udirayaa Ciidamada  geesiyaasha ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee maanta cadaw...
11/03/2026

HAMBALYO GEESIYAASHA XDS.

Waxaan hambalyo udirayaa Ciidamada geesiyaasha ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee maanta cadawga arxanka daran ee Argagixisada ah ka saaray Magaaladda Xawaadley ee Gobalka Sh/dhaxe.

Guusha ay gaareen Ciidamada Qaranka waxay muujinaysaa Dadaalka lagu bixinayo in Dalka oo dhan looga xureeyo kooxaha Naf la caariga ah ee caadeystay daadinta dhiiga iyo dhaca Hantida Shacabka.

Geesiyaasha XDS, Ciidamada Difaaca Deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee Howlgalka qeybta ah waxaan u rajeenayaa Guula badan inshaa allaah.

INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUNWaxaan naftayda, shacabka Soomaaliyeed ugu tacsiyeenayaa geeridii ku timid Allaha...
05/03/2026

INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaan naftayda, shacabka Soomaaliyeed ugu tacsiyeenayaa geeridii ku timid Allaha u naxariisto Jeneraal Maxamed Cali Abokor oo Maanta ku geeriyooday magaalada Garoowe.

Jeneraalka oo ahaa masuul sare in Mudo ah ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa uuna ka mid ahaa Sareeyaasha ugu firfircoona uguna khibradda badnaa Ciidanka

Jeneraal Maxamed Cali Abokor waxuu xilil badan oo kala gadisan ka soo qabtay inta badan Ciidanka XDS waxuuna caan ku ahaa sharci aqooni iyo dhiiranaan.

Waxaan Alle uga baryaynaa in uu jannaddii ka waraabiyo eheladii uu ka tegayna samir iyo iimaan ka siiyo

''waxaa Hambalyo u dirayaa Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xiggeenada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Asluubta S...
22/02/2026

''waxaa Hambalyo u dirayaa Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xiggeenada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Maanta u dabaal degaya Sanadguurada 56-aad ee Aas Aaskooda”

Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Guud Ahaan Caalamka Islaamka Waxan Idinku Hambalyeynayaa Bilashada Bisha Barakaysan Ee...
17/02/2026

Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Guud Ahaan Caalamka Islaamka Waxan Idinku Hambalyeynayaa Bilashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan.

Waxaan Hambalyo u dirayaa Sarreeyaasha,Saraakiisha,Saraakiil Xigeenada,Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka  Cirka ee XDS oo ...
15/02/2026

Waxaan Hambalyo u dirayaa Sarreeyaasha,Saraakiisha,Saraakiil Xigeenada,Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Cirka ee XDS oo Maanta u dabaal dagayo Xuska Sanadguurada 66 aad ee kasoo wareegatay Aas Aaskooda.

Waxaan ummadda Soomaaliyeed la Qeybsanayaa Farxada doorashada Dalkeyna loogu doortay Golaha Nabadda Ammaanka Midowga Afr...
11/02/2026

Waxaan ummadda Soomaaliyeed la Qeybsanayaa Farxada doorashada Dalkeyna loogu doortay Golaha Nabadda Ammaanka Midowga Afrika ee 2026-2028

Address

Warshadaha Road
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when S/Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to S/Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin:

Share