Wasaaradda kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga JFS

Wasaaradda kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga JFS Ministry of Fisheries and Blue Economy—Somalia The official page for the Ministry of Fisheries and Marine Resources of the Federal Republic of Somalia.

Currently ministered by
H.E Ahmed Hassan Aden

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Cabdi Diirshe, ayaa xarunta Wasaaradda ku qa...
07/05/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Cabdi Diirshe, ayaa xarunta Wasaaradda ku qabtay kulan muhiim ah oo lagu dardargelinayay diyaar garowga Shirka Todobaadka Kalluumeysiga Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay khubaro sare iyo xeeldheereyaal aqoon iyo khibrad durugsan u leh arrimaha kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ee dalka.

Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga dooday fursadaha waaweyn ee ku jira horumarinta kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga, iyadoo si mideysan loo adkeeyay doorka muhiimka ah ee uu sektarkani ku leeyahay kobaca dhaqaalaha dalka, abuurista fursado shaqo, horumarinta nolasha bulshada xeebaha, iyo xoojinta amniga cuntada.

Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Shirka Todobaadka Kalluumeysiga Soomaaliya uu u noqon lahaa madal lagu soo bandhigo horumarka sektarka, kor loogu qaado wacyiga bulshada, isla markaana lagu xoojiyo iskaashiga dhinacyada ka shaqeeya horumarinta kalluumeysiga dalka.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan , ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray...
01/05/2026

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan , ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shaqaalaha wasaaradda munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed, isaga oo ku ammaanay dadaalka joogtada ah, hufnaanta shaqo, iyo kaalinta muuqata ee ay ka qaataan horumarinta adeegyada dowladda iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in shaqaaluhu ay laf-dhabar u yihiin horumarka wasaaradda, isla markaana ay mudan yihiin qadarin iyo dhiirrigelin joogto ah, maadaama ay door weyn ku leeyihiin hirgelinta qorshayaasha horumarineed, ilaalinta kheyraadka badda, iyo xoojinta adeegyada loo hayo bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa Alle uga baryay shaqaalaha Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna kuwa Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, in uu ku garab galo waajibaadkooda shaqo, sanadkan sanadkiisana ku gaarsiiyo bashbash, barwaaqo iyo guulo wax ku ool ah.

29/04/2026

Kormeerka dhismaha xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Mudane Axmed Xasan Aadan, oo uu wehlinayo Wasiir ku-xigeen...
28/04/2026

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Mudane Axmed Xasan Aadan, oo uu wehlinayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Cali Ifiye Cali, ayaa kormeer ku tagay xarunta dhexe ee wasaaradda, halkaas oo uu ka socdo dhismaha cusub ee xarunta.

Intii uu kormeerka socday, wasiirka iyo wafdigiisa waxay dhageysteen warbixin ay soo jeediyeen injineerada iyo masuuliyiinta shirkadda dhisaysa xarunta, kuwaas oo sheegay in dhismuhu marayo heer gabagabo ah, isla markaana la dhammaystiray seeska iyo aasaaska oo ahaa marxaladdii ugu adkayd. Sidoo kale, waxay xuseen in hadda dhismuhu galay wejigii ugu dambeeyay ee qurxinta iyo naashnaashka, lana filayo in bartamaha sanadkan ay wasaaraddu si rasmi ah ula wareegto xarunta cusub.

Wasiirka ayaa ku booriyay shirkadda in la dardargeliyo hawlaha haray si dhismuhu ugu dhammaado waqtigii loo qorsheeyay, isaga oo adkeeyay in aan wax tanaasul ah laga gelin tayada dhismaha maadaama xaruntani muhiim u tahay horumarinta kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Ugu dambayn, wasiirka ayaa bogaadiyay shirkadda iyo shaqaalaha farsamada dadaalkooda, kuna dhiirrigeliyay in ay sii laba-jibaaraan shaqada si loo helo xarun casri ah oo u qalanta adeegyada wasaaraddu bixiso.

Dhammaad.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku q...
21/04/2026

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay Mudane Étienne Peterschmitt, Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), iyo wafdi uu hoggaaminayay, si ay uga wada hadlaan xaaladda guud ee kalluumeysiga dalka iyo dadaallada horumarineed ee socda.

Intii uu kulanku socday, Wasiirka ayaa FAO la wadaagay howlaha baaxadda leh ee ka socda wasaaradda, oo ay ka mid yihiin horumarinta kaabeyaasha iyo dhismayaasha wasaaradda, iyo sidoo kale dadaallada lagu xoojinayo kobaca iyo tayeynta sektarka kalluumeysiga dalka.

Dhanka kale, FAO ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan mashaariicda ay si wadajir ah ula fuliso wasaaradda, oo ay ka mid yihiin mashruuca dib-u-habeynta Suuqa Kalluumeysiga Liido iyo mashruuca nidaamka xog-ururinta kalluumeysiga (Fisheries Information Management System – FIMS), kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya casriyeynta iyo hagaajinta maamulka sektarka.

Sidoo kale, FAO ayaa ka warbixisay mashaariic kale oo la qorsheynayo in maalgelin loo helo, gaar ahaan mashruuca “Blue Transformation Project,” oo horey u wajahay caqabado dhanka maalgelinta ah, balse hadda la dardar-gelinayo dadaallada lagu hirgelinayo.

Waxaa intaas dheer, wasaaraddu waxay xoogga saareysaa qorshayaal lagu horumarinayo nafaqada carruurta iskuullada, iyadoo la diyaarinayo barnaamijyo kalluun loogu darayo cuntooyinka iskuullada, si loo kordhiyo isticmaalka kalluunka loona xoojiyo caafimaadka iyo kobaca ardayda. Howlahaas ayaa la filayaa in dhawaan la bilaabo.

Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda weyn ee Dhaqaalaha Buluugga ah, iyagoo isku raacay in la xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo, maadaama uu yahay sektor leh fursado ballaaran isla markaana weli ka caqabado yar yahay dhinacyada kale ee wax soo saarka dalka.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo dardargelinta mashaariicda mudnaanta leh ee lagu horumarinayo kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ee Soomaaliya.

— DHAMMAAD —

18/04/2026

Shirka 7aad ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaanta siineysaa kalluumeysiga, waxaana ku hormarineynaa soo jiidashada maalg...
18/04/2026

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaanta siineysaa kalluumeysiga, waxaana ku hormarineynaa soo jiidashada maalgashadayaasha, annagoo ku soo dhoweyneyna canshuur dhaaf, bixinta dhul ay ku hergaliyaan mashaariic iyo fudadeynta dhammaan habraacyada suurtagalinaya maalgashigaas"

— Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Ahmed Hassan Aden.

𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝟕𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 (𝐅𝐌𝐃𝐂).Shirka 7aad ee Golaha M...
18/04/2026

𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝟕𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 (𝐅𝐌𝐃𝐂).

Shirka 7aad ee Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumaysiga Soomaaliyeed (FMDC) ayaa si guul leh uga qabsoomay magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 16 ilaa 18 Abriil 2026, iyadoo ay hoggaamineysay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka waxaa ka soo qayb galay wasiirrada kalluumaysiga ee dowlad-goboleedyada, xubno ka tirsan Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir, saraakiil sare, bah-wadaagta horumarinta, iyo khubaro farsamo, si loo qiimeeyo horumarka, loogana wada hadlo caqabadaha, isla markaana loo dejiyo mudnaanta istiraatiijiga ah ee horumarinta waarta ee waaxda kalluumaysiga.

Arrimaha muhiimka ah ee laga dooday:
1. Xoojinta maamulka iyo wada-shaqeynta heer federaal, dowlad-goboleed iyo Gobolka Banaadir
2. La dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah (IUU)
3. Dhiirrigelinta maalgashiga iyo hagaajinta jawiga ganacsiga
4. Horumarinta kaabayaasha kalluumaysiga sida dekedaha iyo xarumaha qaboojinta/kaydinta kalluunka
5. Dhismaha nidaam xog-ururin qaran iyo xoojinta MCS (Monitoring, Control & Surveillance)

A) Aqoonsiga awoodda waaxda kalluumaysiga

Goluhu wuxuu si cad u aqoonsaday in kalluumaysigu yahay mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, maadaama dalku leeyahay xeeb dheer oo hodan ku ah kheyraad badeed aan weli si buuxda looga faa’iidaysan.

Sidoo kale, waxaa la adkeeyay in kheyraadka badda uu yahay hanti qaran oo istiraatiiji ah, loona baahan yahay dadaal qaran oo mideysan si loo beddelo faa’iido dhaqaale oo muuqata.

Dhiirrigelinta maalgashiga iyo canshuurdhaafka

Goluhu wuxuu isku raacay in la abuuro jawi maalgashi oo hufan oo taageera kobaca waaxda kalluumaysiga, iyadoo la hirgelinayo canshuurdhaaf qaran oo ku wajahan qalabka muhiimka ah ee maalgashiga kalluumaysiga, sida:
• Qalabka warshadaynta kalluunka
• Qalabka dhismaha iyo dayactirka doomaha
• Qalabka tamarta qorraxda
• Qalabka qabashada kalluunka
• Qalabka qaboojinta, kaydinta iyo gaadiidka silsiladda qabow

C) Dhiirrigelinta iyo suuq-geynta waaxda

Goluhu wuxuu ansixiyay qabashada Toddobaadka Kalluumaysiga Soomaaliya (22 Juun 2026), oo noqon doona madal qaran oo lagu soo bandhigo fursadaha maalgashi, lagu xoojiyo xiriirka ganacsi, laguna dhiirrigeliyo hal-abuurka iyo tiknoolajiyadda.

Sidoo kale, waxaa la isla qaatay:
• Xoojinta dekedaha kalluumaysiga iyo xarumaha qaboojinta
• Ballaadhinta tababarrada iyo horumarinta xirfadaha kalluumaysiga

D) Xoojinta nidaamyada maareynta xogta

Goluhu wuxuu adkeeyay muhiimadda xog sax ah oo lagu maamulo waaxda kalluumaysiga, waxaana la isku raacay:
• Dardargelinta nidaamka FIMS/FMIs
• Dhismaha nidaam xog ururin qaran oo mideysan
• Xoojinta tababarrada iyo kormeerka joogtada ah

E) La-dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah (IUU)

Goluhu wuxuu xaqiijiyay in kalluumaysiga sharci-darrada ah uu sababo khasaaro dhaqaale oo weyn.

Sidaas darteed waxaa la isku raacay:
• Xoojinta MCS
• Kordhinta ilaalinta badda
• Xoojinta wada-shaqeynta heer federaal, dowlad-goboleed iyo Gobolka Banaadir

Gunaanad

Shirka 7aad ee FMDC wuxuu ahaa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo waaxda kalluumaysiga Soomaaliya, si ay u noqoto mid casri ah, tartan leh, isla markaana waara. Goluhu wuxuu mar kale xaqiijiyay go’aankiisa ah in si wadajir ah looga faa’iideysto kheyraadka badda dalka.

DHAMMAAD

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚.Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabe...
18/04/2026

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka 7aad ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka, kaas oo socday muddo laba maalmood ah.

Shirka waxaa guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Mudane Axmed Xasan Aadan, kaas oo si faahfaahsan uga warbixiyay waxqabadyada Wasaaradda iyo qorshayaasha muhiimka ah ee lagu horumarinayo waaxda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Maamul Goboleedyada dalka, oo ka kala socday Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Waqooyi Bari iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir. Waxaa sidoo kale joogay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha kalluumeysiga ee dowlad-goboleedyada, kuwaas oo ka qayb qaatay doodaha iyo qorsheyaasha la soo bandhigay.

Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa shirka ku soo bandhigay mashaariic muhiim ah oo Wasaaraddu waddo, gaar ahaan mashruuca Badmaal 2026 iyo Mashruuca Xog-ururinta FIMS ee ay si wadajir ah u fulinayaan Wasaaradda iyo hay’adda FAO, kuwaas oo sal u ah qorsheynta iyo horumarinta kheyraadka badda.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu shaaciyay heshiis taariikhi ah oo dhexmaray shirkadda OYAK iyo Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, kaas oo lagu aas-aasay shirkad wadajir ah oo la yiraahdo SOMTURK. Shirkaddan ayaa loo xil saaray horumarinta iyo maalgashiga kalluumeysiga dalka, iyadoo qorshuhu yahay in ay dalka keento ilaa 40 markab oo kalluumeysi ah, si loo kordhiyo wax-soo-saarka iyo dakhliga ka soo xarooda kheyraadka badda.

Shirka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo dardargelin lahaa horumar waara oo lagu sameeyo waaxda kalluumeysiga, loona xaqiijin lahaa in bulshada Soomaaliyeed ay si toos ah uga faa’iideysato kheyraadka badda.

Ugu dambeyn, waxaa la isku raacay in la soo saaro warsaxaafadeed rasmi ah oo lagu faahfaahinayo qodobadii la isku afgartay iyo tallaabooyinka la qaadayo si loo sii xoojiyo horumarka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.

Dhammaad.

"Waxaan rabnaa in shirkeenna si wadajir ah isugu raacno, annagoo ka wada soconna wasaaradaha kalluumeysiga, in sannadkan...
16/04/2026

"Waxaan rabnaa in shirkeenna si wadajir ah isugu raacno, annagoo ka wada soconna wasaaradaha kalluumeysiga, in sannadkan aan xoogga saari doonno maalgashiga kalluumeysiga dalka"

—Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Mudane Cabdi Diirshe

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka 7aad ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka, kaas oo so...
16/04/2026

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka 7aad ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka, kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Shirka waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Mudane Cabdi Diirshe, oo warbixin ka bixiyay howlaha guud ee Wasaaradda, kuwaas oo ay ka mid yihiin mashaariicda socda, heshiisyada la galay, iyo horumarka laga sameeyay hirgelinta qorshayaasha Wasaaradda.

Shirka waxaa ka qeyb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Maamul Goboleedyada dalka, oo kala matalaya Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug, Jubbaland, Waqooyi Bari, iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Inta uu shirka socday, waxaa si faahfaahsan loo soo bandhigay qorshayaasha Wasaaradda, gaar ahaan howlaha mashruuca Badmaal ee 2026, iyo mashruuca Xog-ururinta FIMS oo Wasaaradda ay iska kaashanayaan Hay’adda FAO. Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay sida ay mashaariicdu u socdaan iyo habsami u socodkooda.

Ugu dambeyntii, ka qeybgalayaasha shirka ayaa is-weydaarsaday aragtiyo iyo talooyin ku aaddan horumarinta sector-ka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, si loo xaqiijiyo in si wax ku ool ah looga faa’iideysto kheyraadka kalluumeysiga dalka.

Dhammaad.

Address

Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga JFS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga JFS:

Share