12/04/2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehelinayaan mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qeybgalay munaasabadda xuska maalinta 12-ka Abriil, oo ku beegan sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Munaasabaddan waxaa lagu soo bandhigay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo sameeyay dhoollatus muujinaya cududda, tayada iyo diyaar-garowga ciidanka ee dhinacyada cir, dhul iyo bad. Waxaa sidoo kale la soo bandhigay gaadiidka gaashaaman, dabaabadaha iyo diyaaradaha dagaalka, iyadoo halyeeyada naftood-hureyaasha ah ay muujiyeen sida ay ugu diyaarsan yihiin difaaca midnimada dalka iyo ciribtirka kooxaha argagixisada.
Sidoo kale, munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay heeso waddani ah oo ka tarjumaya doorka muhiimka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin difaaca qaranka, iyo guulaha la taaban karo ee ay ka gaareen howlgallada lagu xaqiijinayo amniga dalka.
Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka socday hay’adaha dowladda ee isagu jira laamaha sharci-dejinta, fulinta iyo amniga, iyo sidoo kale wakiillo ka socday saaxiibbada caalamka iyo marti sharaf kale.