Office of the Special Envoy for Drought Response

Office of the Special Envoy for Drought Response Official Facebook Account | Office of the Special Presidential Envoy for Humanitarian Affairs and Drought Response for the Federal Republic of Somalia.

26/03/2023
ERGEYGA GAARKA AH EE MADAXWEYNAHA JFS U QAABILSAN GURMADKA ABAARAHA OO KA QEYB GALAY MADASHA BANI'AADANNIMADA YURUBBRUSS...
20/03/2023

ERGEYGA GAARKA AH EE MADAXWEYNAHA JFS U QAABILSAN GURMADKA ABAARAHA OO KA QEYB GALAY MADASHA BANI'AADANNIMADA YURUB

BRUSSELS, March 20, 2023 - Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Madasha Bani'aadannimada Yurub (European Humanitarian Forum) oo maanta ka furantay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Shirkaan oo ay si wada jir ah u soo qaban-qaabiyeen komishanka Yurub (DG ECHO) iyo Dowladda Iswidhan oo hadda heysa hoggaanka Golaha Midowga Yurub, ayaa looga hadlay baahida bini'aadannimo ee sii kordheysa iyo xal u helidda caqabadaha taagan.

Madasha waxaa qeyb ka ahaa hay’adaha Qaramada Midoobay, NGOs caalamiga ah iyo kuwo maxalliga ah ee gargaarka bani’aadannimada ka shaqeeya, halka dalalka garagaarka bani’aadannimada loo fidiyo ay matalayeen hay’ado magacooda ku hadlaya.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ayaa madasha la wadaagay farriin la xariirta sida ay Soomaaliya uga daashay gurmadka degdegga ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn, ayna baahi u qabto mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, ka soo kabashada iyo horumarka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in lagu garab siiyo sidii ay gacan hoorsiga uga bixi lahayd oo ay khayraadkeeda kaga faa’iidaysan lahayd, taasoo imaan karta haddii xoog la galiyo dhisidda awoodda iyo kartida hay’adaha dawladda.

Midowga Yurub iyo Dawladaha xubnaha ayaa ku dhawaaqay in €8.4 bilyan oo gargaar ah bani’aadannimo ah dunida loo fidiyo sanadkaan 2023, xilli baahida bini'aadannimo ay gaartay heer aan h**e loo arag. 339 milyan oo qof oo adduunka ah ayaa u baahan gargaar bini'aadannimo halka 23-kii qof ee adduunka ku nool hal ruux u baahan yahay gargaar degdeg ah.

Dagaalka Ukraine, kor u kaca qiimaha cuntada ee adduunka iyo saamaynta ba'an ee is-beddelka cimilada ayaa xaaladda uga sii daray, Madasha Bani'aadannimada Yurub ayaana diiradda saareysa in iyadoo loo marayo wada-hadallo heer sare ah, doodo siyaasadeed iyo aqoon-is-weydaarsiyo wax-ku-ool ah, la soo bandhigo habab waara si wax looga qabto caqabadaha hadda jira.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA ERGEYGA GAARKA AH EE ARRIMAHA GURMADKA ABAARAHA.

Address

Shabeel Street
Mogadishu
450

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Office of the Special Envoy for Drought Response posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Office of the Special Envoy for Drought Response:

Share