17/02/2026
Waxaan ku faraxsanahay in Aasaasaha iyo Madaxweynaha Somali Library Association iyo Hay'ada Xuquuq aadanaha u qaabilsan Qaramada nidoowbay ay si wadajir ah u fududeeyeen (co-facilitated) tababar socday muddo saddex maalmood ah oo ku saabsanaa Xoojinta Wacyigelinta Xuquuqda Aadanaha, Helitaanka Macluumaadka, iyo Xuquuqda Dhaqanka.
Tababarku wuxuu qabsoomay 8–10 Febraayo, laga bilaabo 9:30 subaxnimo ilaa 3:30 galabnimo, waxaana ka qaybgalay:
1. Maktabadaha Jaamacadaha Soomaaliyeed
2. Maktabadaha gaarka ah ee Xarunta Qaran ee Tubsan
3. Xarumo Macluumaad
4. Dadka Naafada ah
5. Bulshooyinka nugul iyo kuwa
mudnaanta u baahan
6. Bulshooyinka waxbarashadoodu hooseyso ee ku nool daafaha magaalada
Tababarku wuxuu ahaa mid guul kusoo dhamaaday oo is-dhexgal badan leh. Ka qaybgalayaashu waxay sameeyeen bandhigyo kooxeed iyo layliyo wax ku ool ah si loo muujiyo sida ay qaar ka mid ah bulshada ugu adag tahay helitaanka fursadaha horumarada bulshada, adeegyada macluumaadka, iyo ka-qaybgalka dhaqanka.
Tababarkani wuxuu xoojiyay doorka maktabadaha iyo xarumaha macluumaadka ee ku aaddan difaaca xuquuqda aadanaha, kor u qaadidda sinnaanta, iyo hubinta in qof walba uu helo macluumaad iyo aqoon si cadaalad ah.
Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan ka qaybgalayaasha iyo bah-wadaagta ka qayb qaatay hirgelinta barnaamijkan muhiimka ah.