Guddiga Madaxa Bannaan Ee Xuduudaha Iyo Federaalka

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Xuduudaha Iyo Federaalka Waa bogga rasmiga ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka

Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha oo ku kulmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soo...
28/11/2024

Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha oo ku kulmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa yeeshay Guddoomiyaha ku meel-gaar ah ee Guddiga.

Marwo Aamina Shiekh Cismaan Maxamed oo ah qofka ugu da’da weyn xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha ayaa noqotay Guddoomiyaha Ku Meel-gaarka ah ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha, sida uu qabo qodobka 12-aad faqradiisa 3-aad eeSharciga Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa kulan ...
28/11/2024

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa kulan la qaatay Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa ugu horreyn ka warbixiyey ahmiyadda iyo shaqada adag ee hortaalla, waxaa uuna kula dardaarmay Xubnaha Guddiga Madaxa-bannan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha dardargelinta howlaha iyo gudashada Waajibkooda Qaran ee ku aaddan hirgalinta doorashooyin Qaran iyo Arrimaha Sohdimaha sida ku xusan Datsuurka dalka iyo Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

CIID WANAAGSAN,Ilaah ha inaga aqbalo soonka iyo sadaqada, Dalkeenana haka dhigo nabad iyo barwaaqo.Aamiin.
10/04/2024

CIID WANAAGSAN,

Ilaah ha inaga aqbalo soonka iyo sadaqada, Dalkeenana haka dhigo nabad iyo barwaaqo.

Aamiin.

AKHRISO: Kalmadda Xoghayaha Guud GMXF ee ku aaddan banbaxa heshiis ku sheega iyo damaca gurracan ee Itoobiya ku dooneyso...
11/01/2024

AKHRISO: Kalmadda Xoghayaha Guud GMXF ee ku aaddan banbaxa heshiis ku sheega iyo damaca gurracan ee Itoobiya ku dooneyso badda Soomaaliyeed.

Berito, (Khamiis; 11/01/2024) waxaan dadweynaha Soomaaliyeed kala qeyb galaynaa dibad baxa looga soo horjeedo heshiis ku...
10/01/2024

Berito, (Khamiis; 11/01/2024) waxaan dadweynaha Soomaaliyeed kala qeyb galaynaa dibad baxa looga soo horjeedo heshiis ku sheega iyo damaca gurracan ee Itoobiya.

Baddeenu iib ma ahan.
بحرنا ليس للبيع

𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 EE 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝑿𝑬𝑬𝑹𝑲𝑨 𝑲𝑼 𝑨𝑨𝑫𝑫𝑨𝑵 𝑩𝑼𝑹𝑰𝑵𝑻𝑨 𝑰𝑺-𝑨𝑭𝑮𝑨𝑹𝑨𝑫𝑲𝑨 𝑴𝑨𝑨𝑴𝑼𝑳𝑲𝑨 𝑺𝑶𝑶𝑴𝑨𝑳𝑰𝑳𝑨𝑵𝑫 𝑰𝒀𝑶 𝑬𝑻𝑯𝑰𝑶𝑷𝑰𝑨“Heshiiskii ...
02/01/2024

𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 EE 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀

𝑿𝑬𝑬𝑹𝑲𝑨 𝑲𝑼 𝑨𝑨𝑫𝑫𝑨𝑵 𝑩𝑼𝑹𝑰𝑵𝑻𝑨 𝑰𝑺-𝑨𝑭𝑮𝑨𝑹𝑨𝑫𝑲𝑨 𝑴𝑨𝑨𝑴𝑼𝑳𝑲𝑨 𝑺𝑶𝑶𝑴𝑨𝑳𝑰𝑳𝑨𝑵𝑫 𝑰𝒀𝑶 𝑬𝑻𝑯𝑰𝑶𝑷𝑰𝑨

“Heshiiskii is-afgarad ay dhexmaray Dowladda Ethiopia iyo Somaliland ee Jannaayo 1, 2024 lagu gaaray magaaladda Adis Ababa, waa waxba k**a jiraan aan lahayn saldhig sharciyadeed, maadaama uu ka hor imaanayo Dastuurka Dalka, Shuruucada Caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afriga iyo Xeerka lagu aasaasay Urur Goboleedka IGAD, iyo Qaraarrada Caalamiga ah ee Golaha Ammaanka oo xeerinaya madaxbannaanida Dalka, iyo Xeerka Maalgeshiga Shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

AKHRISO: Qaraarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Ku Aaddan Xadgudubka Dowladda Itoobiya ee Gobonnimada Soomaaliya.
02/01/2024

AKHRISO: Qaraarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Ku Aaddan Xadgudubka Dowladda Itoobiya ee Gobonnimada Soomaaliya.

TACSI & TIRIAANYOSii Hayaha Xoghayaha Guud ee Guddiga Madaxa Bannaan Ee Xuduudaha Iyo Federaalka Soomaaliya, Mudane Xams...
24/12/2023

TACSI & TIRIAANYO
Sii Hayaha Xoghayaha Guud ee Guddiga Madaxa Bannaan Ee Xuduudaha Iyo Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdulqaadir Cabdullaahi oo ay waheliyaan qaar kamid ah howlwadeenada Guddiga ayaa saxiixay buugga tacsida Allaha u naxariistii Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marxuumad Khadiijo Maxamed Diiriye , oo sidoo kalane ka mid ahayd Golaha Shacabka JFS.

Waxaa uga tacsiyaynaynaa dhamaan ehelada, qaraabada iyo Umadda Soomaaliyeed ee ka geeriyootay marxuumadda, anagoo Alle ugu baryaynaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo.

TacsiInnaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuunXoghayaha Guud, Agaasimeyaasha iyo dhammaan howlwadeenada Guddiga, waxa ay ...
20/12/2023

Tacsi

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun

Xoghayaha Guud, Agaasimeyaasha iyo dhammaan howlwadeenada Guddiga, waxa ay umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaan geerida ku timid AUN Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.

Waxa aan Alle uga baryaynaa in uu Marxuumadda siiyo naxriis janno, ehelkii iyo qaraabadii ay ka tagtayna Sabar iyo Iimaan ka siiyo.

Aamiin, Aamiin.

Hambalyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka wuxuu la qaybsanayaa shacabka Soomaaliyeed farxadda guusha d...
13/12/2023

Hambalyo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka wuxuu la qaybsanayaa shacabka Soomaaliyeed farxadda guusha deyn cafinta ee dalkeenu gaaray maanta oo taariikhda tahay 13 Diseembar 2023

Maamulka Sare iyo Shaqaalaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee Xuduudaha Iyo Federaalka waxay Hambalyo u dirayaan geesiyaasha Qa...
25/08/2023

Maamulka Sare iyo Shaqaalaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee Xuduudaha Iyo Federaalka waxay Hambalyo u dirayaan geesiyaasha Qaranka oo maanta khawaarijta kala wareegay Dagmada taariikhiga ah ee Ceel-buur oo in muddo ah ay ku dhibaataynayeen shacabka Soomaaliyeed.

Shaqaalaha iyo Maamulka Guddiga waxay marwalbo garab taaganyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dadaal ugu Jira sidii Dalka looga saari lahaa Khawaarijta.



Address

Villa
Mogadishu
0046

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 13:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 09:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guddiga Madaxa Bannaan Ee Xuduudaha Iyo Federaalka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Guddiga Madaxa Bannaan Ee Xuduudaha Iyo Federaalka:

Share