31/05/2026
Waxa Soomaaliya maanta ka maqan ma aha dad iyo dhaqaale toona, balse waxa ka maqan hoggaan sax ah oo daacad u ah shacabka iyo dalka.
Waxaan aaminsanahay in horumarka iyo xasilloonida lagu gaari karo oo keliya marka awoodda dalka la wadaago, isla markaana shacabka loo dhaweeyo go'aan gaarista iyo maamulka.
Xukunka iyo adeegyada dowladda waa in aan lagu koobnayn xarumaha dhexe oo keliya; waa in muwaadin kasta uu dareemo inuu qayb ka yahay dowladnimada. Awood-qaybsi caddaalad ah iyo maamul loo dhoweeyo dadka ayaa ah furaha lagu dhisi karo Soomaaliya mideysan, dimuqraadi ah, oo horumar gaarta.