31/05/2024
____MAHADNAQ AROOS_____
Marka h**e Alle SWT ayaa mahad oo dhami u sugnaatay, marka xigta waxaan halkan si sharaf iyo qadarin leh uga mahad celinaynaa aniga iyo marwadayda qaaliga ah Amal Mohamed Farah dhamaan ehelkii iyo asxaabtii qiimaha badnaa ee daafaha dunida Hambalyada iyo Ducada inooga soo diray.
Mahadnaq gaar ah waxaan u diraynaa dhamaan Ehelkii iyo asxaabtii sida hagar la'aanta ah noola shaqeeyey muddadii xafladda arooskayagu socotay oo aan leeyahay intaa aad tarteen iyo in kabadan ba miisanka xasanaadka Alle ha idiinku daro.
Guud ahaan intiinii qawl iyo qoraal naga soo hambalyeeyey iyo intiinii na haleeli wayday ee qalbiga nooga soo hambalyeysayba waxaan leeyahay, Allaah idinka baryeynaa Cimri dheer, Caafimaad iyo Cibaada suuban, Alle Janadiisa Ha idinku Abaal mariyo.
Mahadsanidiin