Mogadishu Local Government Institute

Mogadishu Local Government Institute Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mogadishu Local Government Institute, Government Organization, Mogadishu.

Machadka Dowladda  Hoose ayaa maanta u soo xeray tababar qaar ka mid ah hawlwadeenada Maamulka heer Gobol iyo degmooyink...
13/01/2022

Machadka Dowladda Hoose ayaa maanta u soo xeray tababar qaar ka mid ah hawlwadeenada Maamulka heer Gobol iyo degmooyinka Gobolka.

Tababarkaan oo Ku saabsanaa Waxbarashada Madaniga ah iyo ka qaybgalka dadka ee nidaamka dawliga ah ayaa Waxaa si rasmi ah maanta u soo xertay Guddomiye xigeenka Gobolka ee arrimaha bulshada Marwo Basma Caamir.

Kulanka xeritaanka ayaa wxaaa goobjoog ahaa Agaaismaha Guud ee Qorshaynta, Agaaismaha Diinta, Agaaismaha Machadka Dawladda Hoose iyo la taliyaal farsamo.

Qaar ka mid ah ka qaygalayaashii ka faa’iideestay tabarkaan ayaa amaanay muhiimadda uu lahaa iyagoo cabiray in ka heleen aqoon iyo cilmi bulsho oo mihiim ah nolosha bulshada.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawanahaan aad u xoojinayay dhismaha awoodda aqooneed ee hawlwadeenada si loo tayeeyo adeegyada bulsho.

Machadka Dawdda Hoose ee Muqdisho ayaa tababar sare loogu qaadayo Tayada Aqooneed u qabtay qaar ka mid ah Gabdhaha ka sh...
25/11/2021

Machadka Dawdda Hoose ee Muqdisho ayaa tababar sare loogu qaadayo Tayada Aqooneed u qabtay qaar ka mid ah Gabdhaha ka shaqeeya Waaxyaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Degmooyinka.

Agaasimaha Machadka Dawladda hoose iyo Agaasimaha Guud ee Agaasinka Qorshaynta iyo Maalgashiga Caalamiga Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tababarka u soo xiray, waxayna ka soo Qeybgalayaasha guddoonsiiyeen Shahaaddooyin.

Sidoo kale, Agaasimaha Machadka Dawladda Hoose ayaa ballan qaaday in la xoojin doono sara u qaadidda Xirfadda Shaqaalaha Dawladda hoose iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalinti labaad qabtay  kulan lagu ansixinayay istiraatiijiyada Machadka Dawladda Hoose e...
22/11/2021

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalinti labaad qabtay kulan lagu ansixinayay istiraatiijiyada Machadka Dawladda Hoose ee Muqdisho mudada sadex sano ee soo socoto.

Guddomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Guddomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolkq Banaadir, Agaasimeyaal Guud, Agaasimeyaal, La-taliyaal farsamo iyo Garyaqaanka Dowladda Hoose ayaa kulanka ka qeybgalay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Machadka Dawladda Hoose ee Muqdisho oo la aas-aasay muddo laga jogo 18 bilood ka hor ku amaanay in wax badan oo aan laga filaynin in mudaas kooban ku xaqiijiyeen oo ay ka mid tahay Istiraatijiyada Machadka, ugu danbeyn waxaa si aqlabiyad leh lagu ansixiyay, Istiraatiijiyada Machadka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta furay kulan lagu ansixinayo istiraatiijiyada Machadka Dawladda Hoose ee Muqdisho k...
21/11/2021

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta furay kulan lagu ansixinayo istiraatiijiyada Machadka Dawladda Hoose ee Muqdisho kaas oo soco doono laba maamlmood.

Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddomiye ku xigeeno, agaaismayaal guud, agaaismayaal, la taliyaal farsamo iyo mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda arrimaha gudaha fadaraalka ayaa qayb ka ahaa kulankan maanta furmay.

Machadka Dawladda Hoose ee Muqdisho oo la aas-aasay April 2020 kii ayaa samaynaya horumaro ku aadan dhanka hawlaha uu u xilsaaranyahay iyadoo la filaayo in istiraatiijiyadaan 3 da sano ah ay qayb weyn ka qaadan doonto gaarista himilooyinka Machadka.

Machadka Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa u soo xiray tababar ku saabsan Habraaca Iibka iyo Maaraynta Hishiisyada & Qadar...
16/11/2021

Machadka Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa u soo xiray tababar ku saabsan Habraaca Iibka iyo Maaraynta Hishiisyada & Qadaraasyada,
Tababarka waxaa ka faa'iidaystay Hawlwadeena ka tirsan Waaxaha Iibka, Qorsheynta iyo maalgashiga, Hantidhowrka, Qorsheynta Magaalada iyo maaliyada, tababarka oo soconayay Muddo 3 cisho ah.
Gabagabadii tababrka waxaa si wadajir ah u sooxiray Agaasimaha Guud ee Maamulka iyo Maaliyada, Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Maareeyaha Machadka Dowladda Hoose ee Muqdisho.

03/11/2021

Machadka Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa maanta u soo xiray tababar soconayay muddo shan cisha ah, tababarkaas oo lagu baranayay Maareynta xafiisyada iyo maamulka guud.
Tababarkaas ayaa waxaa iska kaashanayay Machadka Dowladda Hoose iyo Jaamacada Ummada Soomaaliyeed.
Tababarka waxaa si wadajir ah u soo xiray Agaasimaha Guud ee Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir, Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Maareeyaha Machadka Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Machadka Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa maanta u soo xiray tababar soconoayay muddo shan cisha ah, tababarkaas oo lagu ...
03/11/2021

Machadka Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa maanta u soo xiray tababar soconoayay muddo shan cisha ah, tababarkaas oo lagu baranayay Maareynta xafiisyada iyo maamulka guud.
Tababarkaas ayaa waxaa iska kaashanayay Machadka Dowladda Hoose iyo Jaamacada Ummada Soomaaliyeed.
Tababarka waxaa si wadajir ah u soo xiray Agaasimaha Guud ee Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir, Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Maareeyaha Machadka Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Machadka Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa maanta tababar ku saabsan Maamulka iyo Agaasinka Xafiisyada u furay Xoghaynada ...
30/10/2021

Machadka Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa maanta tababar ku saabsan Maamulka iyo Agaasinka Xafiisyada u furay Xoghaynada Xafiisyada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Tababarkaan ayaa socon doono Muddo shan maalin ah, Tababarkaan waxaa iska kaashanaya Machadka Dowladda Hoose iyo Jaamacada Ummada Soomaaliyeed oo ay Macalimiin ka tirsan jaamacada ay bixinayaa Tababarka.

Waxaa tababarka si wadajir ah u furay Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir iyo Maareeyaha Machadka Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Machadka Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa maanta soo xiray tababar ku saabsan qorsheynta, daadejinta miisaaniyada degmada...
27/10/2021

Machadka Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa maanta soo xiray tababar ku saabsan qorsheynta, daadejinta miisaaniyada degmada iyo kharashaynta miisaaniyada.

Tababarkan oo socdey mudo shan Cisho ah, waxaa ka qeyb galay 17-ka xoghaye ee degmooyinka gobolka Banaadir, sadexda deegaan iyo xubno ka socdey waaxda maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir.

Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa goobjoog ka ahaa Guddomiyaha shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir iyo Maareeyaha Machadka Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Machadka Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa tababar ay ka qeyb qaatayn Guddoomiye Kuxigeenada Arrimaha Bulshada ee Degmooyi...
23/09/2021

Machadka Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa tababar ay ka qeyb qaatayn Guddoomiye Kuxigeenada Arrimaha Bulshada ee Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo 3-da deegaan, Agaasinka Waxbarashada, Dad-dhigista iyo Caafimaadka,Tababarka waxaa lagu baranayey Adeeg bixinta Arrimaha Bulshada iyo daadejintooda iyo weliba sida ay u shaqeeyaan Dowladdaha Hoose, waxa uuna socdey 4-tii Cisho ee ina dhaaftay.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) ayaa maanta soo xirtay Tababar ku saabsan Adeeg bixinta Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Machadka Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa  tababar u qabtay  Guddoomiye ku xigeenada Arimaha Bulshada ee Degmooyinka Gobo...
20/09/2021

Machadka Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa tababar u qabtay Guddoomiye ku xigeenada Arimaha Bulshada ee Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo 3-da deegaan, Agaasinka Waxbarashada, Biyaha, Dad dhigista iyo Caafimaadka.

Tababarka waxaa lagu baran doonaa Adeeg bixinta Arimaha Bulshada iyo daadejintooda iyo weliba doorka ay u idmanyihiin dowladaha Hoose, waxa uuna socon doonaa mudo 4 maalmood ah.
Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed ayaa maanta daahfuray Tababarka.

18/07/2021

Machadka Dowladda Hoose ee Muqdisho iyo Dugsiga maareynta iyo maamulka dowliga ah ee Jaamacada Ummada Soomaliyeed ayaa maanta heshiis iskaashi wada shaqayn ku saxiixday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho.
Munaasabada waxaa ka soo qeybgalay Guddomiyaha Jaamacada Ummada iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Agaasimayaasha Guud iyo Agaasima waaxayada Maamulka G.Banaadir
Gobolka Benaadir

Address

Mogadishu

Telephone

+252619999959

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mogadishu Local Government Institute posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share