Mo'alim jama primary and secondary school

Mo'alim jama  primary and secondary school Bogga rasmiga ah ee Dugsiga Macalin Jamac P.S.S

22/05/2026
Qaar ka mid ah sawirradii quruxda badnaa ee munaasabadda Maalinka Dhaqanka dugsiga, oo ay ardaydu kusoo bandhigeen hidah...
19/05/2026

Qaar ka mid ah sawirradii quruxda badnaa ee munaasabadda Maalinka Dhaqanka dugsiga, oo ay ardaydu kusoo bandhigeen hidaha, dhaqanka iyo hal-abuurka Soomaaliyeed. Waxaa ahayd maalin xusuus iyo farxad reebtay. 🇸🇴

📸 Sawirrada xiritaanka cup-ka sports-ka dugsiga sanad dugsiyeedka 2025/2026.Hambalyo dhammaan ardayda ku guuleysatay tar...
15/05/2026

📸 Sawirrada xiritaanka cup-ka sports-ka dugsiga sanad dugsiyeedka 2025/2026.
Hambalyo dhammaan ardayda ku guuleysatay tartamada iyo maamulka dugsiga oo soo qabanqaabiyay munaasabaddan quruxda badan. 🏆🥇⚽




Maanta oo ay taariikhdu tahay 03/05/2026, waxaa farxad weyn noo ah in aan si rasmi ah u daah-furno tababar muhiim ah oo ...
03/05/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 03/05/2026, waxaa farxad weyn noo ah in aan si rasmi ah u daah-furno tababar muhiim ah oo ku saabsan hab-diyaargarowga imtixaanka shahaadiga ah.

Tababarkan waxa uu leeyahay ujeeddo cad oo ah in ardaydeena lagu xoojiyo xirfadaha akhriska, fahamka, iyo farsamooyinka saxda ah ee u diyaar-garowga imtixaanka. Waa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadeysa heerka waxbarasho iyo guusha ardayda.

Waxaan ku boorinayaa ardayda in ay si dhab ah uga faa’iideystaan tababarkan, una arkaan fursad dahabi ah oo ay ku horumarin karaan mustaqbalkooda waxbarasho.

Ugu dambeyn, waxaan rajeyneynaa in tababarkan uu noqdo mid miro dhal ah, kana qayb qaata guulo muuqda oo ay gaaraan ardaydeenu.

Ardayda fasalka Form Four iyo xukuumadda ardayda ee dugsiga ayaa maanta si wadajir ah u dabaaldegay Isbuuca Dhir-beerist...
16/04/2026

Ardayda fasalka Form Four iyo xukuumadda ardayda ee dugsiga ayaa maanta si wadajir ah u dabaaldegay Isbuuca Dhir-beerista Soomaaliya. Munaasabaddan oo ah mid muhiim ah ayaa lagu qabtay gudaha dugsiga, iyadoo ardaydu ay ka qayb qaateen nadaafadda deegaanka iyo beerista dhir cusub.

Waxaa sidoo kale munaasabadda nagala soo qayb galay wakiillo ka socday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Ururka Injineerada Soomaaliyeed, kuwaas oo dhiirrigelin iyo talooyin qiimo leh la wadaagay ardayda.

Ujeeddada barnaamijkan ayaa ah in la kobciyo wacyiga ardayda ee ilaalinta deegaanka, qurxinta dugsiga, iyo doorka ay dhalinyaradu ku leeyihiin mustaqbalka cagaaran ee dalka…..

#“Qofka geed beeraa, wuxuu beerayaa nolol iyo mustaqbal #

📢 OGEYSIIS – WAREEGA LABAAD EE TARTANKA AQOONEED 📢Dugsiga Macalin Jaamac wuxuu si rasmi ah u soo bandhigayaa Wareega Lab...
31/03/2026

📢 OGEYSIIS – WAREEGA LABAAD EE TARTANKA AQOONEED 📢

Dugsiga Macalin Jaamac wuxuu si rasmi ah u soo bandhigayaa Wareega Labaad ee Tartanka Aqooneedka Sanad Dugsiyeedka 2025-2026 📚✨
🔥 Tartanku wuxuu galay marxalad xiiso gaar ah leh, iyadoo fasalladii kasoo gudbay wareegii h**e ay hadda isu diyaarinayaan tartan adag oo go’aamin doona cidda u gudbeysa heerarka xiga 🏆
💡 Waa fursad lagu muujinayo aqoon, dadaal iyo karti
🤝 Tartan caafimaad qaba oo kor u qaadaya isdhexgalka ardayda
👏 Kaalay oo taageer fasalkaaga si ay guul u gaaraan
📅 Ha moogaan kulamadan xiisaha leh!

Ogeysiis:Dhamaan waalidiinta iyo ardayda waxaa lagu wargelinayaa in bari oo ay taariikhdu tahay 28/03/2026 dib u bilaaba...
27/03/2026

Ogeysiis:

Dhamaan waalidiinta iyo ardayda waxaa lagu wargelinayaa in bari oo ay taariikhdu tahay 28/03/2026 dib u bilaaban doonto waxbarashada dugsiga. Sidaa darteed, dhammaan ardayda waxaa la farayaa inay si joogto ah uga soo xaadiraan dugsiga waqtiga lo asteyay.

Mahadsanidiin

Address

Mogadishu
252

Telephone

+252615976560

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mo'alim jama primary and secondary school posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Mo'alim jama primary and secondary school:

Share

Category