Abwaan Shariif

Abwaan Shariif Abwaan Shariif

Gabaygaan waxaan uga hadlayaa in caashaqa la sheego laga awood badan yahay oo calafku wax hogaamiyo *   Guurku calaf inu...
06/08/2025

Gabaygaan waxaan uga hadlayaa in caashaqa la sheego laga awood badan yahay oo calafku wax hogaamiyo

* Guurku calaf inuu yahay
* Cilmi eebbe uu yahay
* Ma cid moog ayaa jira ?
* Cidaan eebbe kuu qorin
* Calaf aadan ku leheeyn
* Casho lama cuneyside
* Calafkaaga ku ekoow
* Cashaqa la sheegane
* Calafkaa Ka weynoo
* Cidi seegi meysee
* Ma cid moog ayaa jira?
* Adoo canab jeclaayo
* Ciddu kugu ogeedaa
* Caailadu dhamaantood
* Isku kiin cilaamsheen
* Haddii calafba uu jirin
* Cilad aan la garaniyo
* Culeys idin dhex beermaa
* Oo aad kala colowdaan
* ileen calaf ayaan jirin
* Cisheyaal gadaashood
* Cilmi eebe weeyee
* Caasho baad is barataan
* Calaf weeye noloshuye
* Adoon cabasho dheer gelin
* Ciddeedaad ka doontaa
* Oo leydiin ciyaaraa
* ileen calafku waa saas
* Cajaabi eebe weeyee
* Ma cid moog ayaa jira?
*****************************

Abwaan Shariif follow and like

Subixii ugu horreeyay ee guurkooda,ninkii ayaa  kasoo hor kacay xaaskiisa......jikada ayuu galay wuxuuna usoo sameeyay c...
26/05/2025

Subixii ugu horreeyay ee guurkooda,ninkii ayaa kasoo hor kacay xaaskiisa......jikada ayuu galay wuxuuna usoo sameeyay cunto kala duwan oo quraac ah asagoo wada ayuu xaaskiisa qolka ugu soo galay wuxuun saaray sariirta korkeeda kadibna xaaskiisa ayuu si cod macaan ah u toosiyay

Markay wada quraacdeen waxay tiri faraha ayaan saabuun isaga soo dhaqayaa jikada ayaan aadayaa hase yeeshee wuu ka diiday wuxuu yiri wax walbo anigaa kuu keenayo adiga un ha kicin,wuxuuna usoo qabtay saabuuntii iyo faraxalkii ay rabtay.

Wuxuu yiri macaanto ka waran hadaan shaah ku cabno fadhiga ?waxay tiri waa si wanaagsan ee aan aadno wuu diiday wuxuuna yiri waa inaan ku qaadaa oo fadhiga ku geeyaa,wuu qaaday fadhiga ayuu geeyay shaah ayuu u keenay! Wuxuuna waydiiyay ka waran macaanto sidaan sameeyay?

Waxay tiri guurka waligeey sidaan uma haysan ee ma sidaana?

Ninkii wuxuu ku jawaabay waxaan aan ku sameeyay waa tusaale waxaana rabaaa maalin walbo sidaan oo kale inaad ii sameysid haddii kale guriga hooyadaa ayaad ku laabanaysaa๐Ÿ˜†๐Ÿ˜†๐Ÿ˜†

Labo lamaane yaaa waxay rabeen iney is furaan waxayna isla tageen maxk**ad , labadooduba  waxay rabeen inay si siman u q...
07/01/2025

Labo lamaane yaaa waxay rabeen iney is furaan waxayna isla tageen maxk**ad , labadooduba waxay rabeen inay si siman u qeybsadaan carruurta laakiin nasiib darro waxay dhaleen saddex carruur ah.

XAASkii: ayaa tiri : igu sharaf , waxaan rabaa inaan kaxeysto labo caruur ah kan kalena adigu wado , waxaan ahay hooyadood, caruurteydana ma noolaan karaan hooyadood la'aanteed๐Ÿ˜

Ninkii: ayaa yiri maya Aniga igu sharaf, anigaa kaxeysanayo labo caruurta ka mid ah kan kalana adigu wado , aniga aabahood ayaan ahay la'aanteyna ma noolaan karaan caruurteyda ๐Ÿ˜

GARSOORkii: labadiina mid kasta waxa uu rabaa inuu carruurta laba ka mid ah qaato asagu , maxaan sameyneynaa hadda?

Ninka iyo xaaskiisa ayaa gees u baxay waxayna bilaabeen inay si hoose iskula hadlaan.

Daqiiqado yar kadib way soo laabteen ayagoo dhoola cadeeyeynaayo waxayna dheheen โ€œAnagaa xal heyno , sanad na sii, mar kale ayaan la imaan doonaa arintaan, waxaan rabnaa inaan dhalno cunug kale si aan u awoodno inaan si siman u qeybsanno caruurta. " ๐Ÿคญ

Sagaal bilood ka dib, waxaa alle siiyey lammaanihii mataano ๐Ÿ˜‚๐Ÿ™†โ€โ™‚๏ธ

Xalkii waa sii adkaaday oo carruurtii 5 ayey noqdeen wali waxay u baahan yihiin iney sanad kale oo dheeri ah ku darsadaan si ay cunug lale u dhalaan.
Follow: Abwaan Shariif

U diyaarso sanadkaan qorsho Markuu dhamaadane dib u eeg maxaa kuu hirgalay That is the real life.......Welcome 2025........
31/12/2024

U diyaarso sanadkaan qorsho
Markuu dhamaadane dib u eeg maxaa kuu hirgalay
That is the real life.......Welcome 2025........

31/12/2024

* Soomaalidu dagaal k**a baxdiyo dirir walaalkoode
* Dad is ciilo mooyee ma lahan duul walaalo ehe
* Dareenkii walaalnimodabey degel ku aaseene
* Dabinkii ibliisku u dhigey dalaq yiraahdeene
* Dulmi iyo wexey daris yihiin doqonimaan harine
* Waxaan labada daarood anficin bey daba ordaayaane
* Allow dowlad deeqdiyo u keen daaci madaxweyne
* Dad ayagii is dilayoon ogeyn dan iyo diintooda
* oon daarti aakiro xasuus dib I jaleeceynin
* Daainkii abuurtana ka baqin waa dareen culuse
* waxay duni ka gooyaan malahan daain abidkoode
* Allow dowlad deeqdiyo u keen daaci madaxweyne

15/12/2024

Asc
Duhur wanaaagsan
Saaxiipayaal

QISO YAR OO CAJIIB AH.  (Gabadhii Dharkeeda Diiday). Waxaa jirtay mid ka mid ah Magaalooyinka Carbeed Gabar aad iyo aad ...
25/02/2024

QISO YAR OO CAJIIB AH.
(Gabadhii Dharkeeda Diiday).

Waxaa jirtay mid ka mid ah Magaalooyinka Carbeed Gabar aad iyo aad ay u jeclaayeen Dhallinyarada iyo dhamaan dadka aan fahamka Wanaagsan ka heysan Halista Qaawinta Cowarda, gabadhaasi waxaa lagu casuumi jiray Xaflad kastoo lagu sameeyo Munkar uusan ilaahay Raalli ka aheyn.

Waxay gabadhu aad ugu Caan baxday Labiska aadka u muujiya jirka Dumarka, waxay sidoo kale aad ugu Dheg dhegi jirtay Ragga Xafladda jooga ilaa dadka qaarkiis ka baqaan inay iyagu ku Camirato, waxay kaloo caan ku aheyd inay Heesto iyadoo Muusikada si Xad dhaaf ah ula jaan qaadi jirtay.

Maalin ayaa waxaa looga yeeray Xaflad Aroos oo aad u Camiran, waxay aheyd Goob Mashxarad iyo Tamashleyn is-dhex yaac ah lagu sameynayo, waxeyna u soo Lebisatay sidii looga bartay iyadoo mar qura badashay Jawigii goobta oo dadkii hoos iskaga sheegeen โ€œWaxaa soo gashay Heblaโ€.

Waxaa la tumay muusigii, waxaa la Dheelay wax kastoo ciyaar lagu tilmaamay, balse aan Xad Diineed iyo mid damiirba laheyn, waxaana goobta is-qabsaday sawaxanka uu qurxiyo Sheydaanka, ee heesaha.

Dadkii oo dhan baa Qalbigooda siiyay waxa socda, waxaase mar quraa la waayay Fanaanaddii la jeclaa codkeeda, lagu maadeysan jiray Cowradeeda, misa hadii leys Fiir fiiriyay waxay taallaa Dhulka iyadoo aan Dhaqaaq iyo Dareemo midna laheyn.

Dadkii baa isku soo xoomay oo korkeeda iskugu yimid, laakiin Saaxibteed oo aan goobta ka sii fogeyn baa Dalabtay in Muusikada aad loo dheereeyo iyadoo tilmaameyso inay Suuxdinta wax Caadiya tahay..! Laakiin arrinku sidaas wuu ka gedisnaa markaas.

Waa laga quustay inay soo toosto oo ay sameyso wixii laga sugayay, waxaana markaas goobta soo galay Lamaanihii Arooskooda Munkarka ku Qurxiyey, waxay taabteen wadnaheeda misana โ€œGaw iyo Gariirโ€ midna maleh.

Waxay ogaadeen inay dhimatay, waxaase Cajiib ah intaasi ka dib maxaa xigay..?

Kolkey hubsadeen inay Meyd tahay ayay u Carareen inay Asturaan oo ay Dhar Huwiyaan laakiin waxaa la yaab iyo amakaag madaxa ka weyn uu ku dhacay dhamaan dadkii goobta joogay kadib markii Maro kasta lagu dado korkeeda ka Biibtay oo ay Jirkeedii uu diiday wax kastoo la Huwiyo.

Waxaa deg deg loogu yeeray Seygeedii oo aan ka war heyn arrintan soo Korortay wuxuuna si Hal-haleel ah ku soo gaaray goobtii ay taallay Xaaskiisii geeriyootay, wuxuu ku Cararay inuu bal marka h**e Asturo, laakiin isna wuu ka quustay inuu jirkeeda Qariyo.

Isagoo naxsan oo wareersan oo aan ogeyn siduu waxyeelo ayuu geeyay goobtii lagu dhaqi jiray meydka, misana waxaaba ka sii daray jirkeedii oo laga quustay in karfantii la galiyo, waxaa mara kastoo la huwiyo u biibeysaa sida inay dabeyl xagga hoose kaga imaaneyso oo ay haatineyso.

Waa Arrin cajiib ah oo Maangal la noqon weysay Dadkii goob joogga u ahaa arrintan qabsatay Gabadhii jirkeeda Qaawisay ee Adduunka lagu ibtileeyey.

HADDABA MAXAA QISADAN LAGA FAHMAY?.

Marka h**e waxaa dhacdadaan baraarujin u tahay dhamaan Dumarka Islaamka, gaar ahaan kuwa jirkooda qeyb ka mid ah aan Asturin.

Marka xigta haddii Qofku Ilaahey ka Baqi waayo intuu Adduunka joogo waxaa Suurtagal ah in Ciqaabta Qabriga iyo Cadaabka Aakhiro aan lala sugin oo Adduunka lagu imtixaano ama Khaatumo Xun uu ku dhameysto Nolosha.

Waxaa muhiim ah in Qof kastoo Dumar ah ogaato in jirkeeda oo dhan uu Cowro yahay, loona baahan yahay inay ku Asturto dhar xoog leh oo aan ku Dhaganeyn Qeyb jirkeeda ka mid ah.


Abwaan Shariif

01/02/2024

Xikmad chemistry ah ayaa waxa ay leedahay qofku haduu noloshada kaga jiro dhinaca oxygenta misana uu garan waayo qimahaaga, ku dar 2 hydrogen si uu unoqdo water kadibna ku luqluqo iskana tuf.๐Ÿ˜๐Ÿ˜‚.

Wabillaahi towfiiq.

Sheeko qosol badan  nin xishood badan ayaa damac ka galay naag garoob ah oo ninkeedii ka dhintay waxoow ka cabsadabo maa...
30/06/2023

Sheeko qosol badan

nin xishood badan ayaa damac ka galay naag garoob ah oo ninkeedii ka dhintay waxoow ka cabsadabo maalintii dambe ayuu go'aan qaatay kadibne wuu raadiyey markuu la kulmay ayuu salaamay salaantii markey ka qaaday ayuu khalkhalay meel uu wax ka bilaabo ayuu waayey markii dambe kulahaaa " walaaley marxuumkii dhintay wax kasoo waramo amaad aragtay "?๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ
Abwaan Shariif follow me

NAXDINTII II SAAMAYSAY IYO SAFARKII AAKHIRO .....( QISO NAXDIN IYO BAQDIN LEH )SI FIICAN U AQRI  "Si kedis ayaa anigoo s...
19/06/2023

NAXDINTII II SAAMAYSAY IYO SAFARKII AAKHIRO .....( QISO NAXDIN IYO BAQDIN LEH )
SI FIICAN U AQRI

"Si kedis ayaa anigoo saaran sariirtayda aan usoo booday, saacadda hadii aan eegay waxay iisheegtay 3:00 waaberiga ku dhaw. Malaha xilligaas ayay muslimiinta Mu'miniinta ahi tukadaan salaadda fajarka. waxaan arkay wax qariib ah, waqtiguna wuu ila noqon waayay, waayo xilligaasi oo kale uma baran, caadana ima ahayn inaan soo kaca. Argagax iyo cabsi ayaan dareemay, taasoo aanan ogeyn halka ay ka imanaysa,laakiin sheyga qariibka ah ee an arkay ayaa wuxuu ahaa, nuur aanan weligey mid la mid arag,indhaha ayuu iga cawiray, markii aan si qumaati ah u kacay, baan maqlay dhawaaq cod balse wuxuu sheegaya ma garan codkaasi. waxaan damcay inaan kiciya walaalkeyga, markii aan toosiyey, ayaan ku dhahay ma u jeedda waxa kan? Iima aanu jawaabin waan yaabay.Oo sabab? muxuu iigu jawaabi waayay!!? waxay ahayd su'aal qalbiga iga taagmatay,oo aan isweydiiyo muddo. Markaas baan kacay oo aan galay qolkii hooyo,oo aan toosiyey, si aan u tuso waxa kan iyo qeyladan.Laakin markay kacday waxba jawaab ah ima aanay siinin, waxy ku celcelineysay Bismillaahir Raxmaanir Raxiim. Yaab iyo amakaag!!. Kadib aabbe ayaan kiciyay, si bal uu iila arko waxa kan, laakin haddii aan toosiyey isagiina imaanu jawaabin.Markaa bay kaceen ayagoonan ila hadleynin oo ay idhinac mareen, oo waxay aadeen weyso,dabadeedna waxay tukadeen Fajarka. Aniga intaas waan fiirsanayay, waxaan kudul fadhiyey sariirtooda, oo waan sugayay illaa ay sifiican iila hadlaan marka ay howshooda salaadda so bogtaan.markay salaadda ka baxeen baan cod dheer ku qayliyey,anigoo sida qof caraysan u hadlaya oo oranaya "Maxaadiigu jawaabi la'dihiin"? Laakin waxaad moodda sida ineysan codkeyga dhan maqalba. Waa Yaabe!! sidee bay wax yihiin...? Maxaase khaldan...? Maxaa la iigu jawaabi la'yahay, maxaase hadalka la iiga jartay? waan hubaa hooyo way ijecleed,sidaas oo kale aabe aad buu i jeclaa....Maxaa khaldan hadda? Muddo kadib bay hooyo qolkeygii aadday, anigana waan dabagalay.Laakin waxaan arkay shay qariib ah.. Haa nacam!! waxaan arkay wax la yaab leh. Waxaan arkay sariirteydii oo jasadkeyga uu dul saaranyahay. Aad baan u naxay, waana yaabay, markaasan istaagay albaabka anigoo naxdin la gariiraya. Hooyo waxay dul tegtay jasadkeygii sariirta dul saarnaay. waxayna ku tiri "Axmed!! Axmedoow!!! toos!!". Laakin wax jawaab ah k**a aanay helin. Aabbahay ayay u yeertay oo waala rog rogay jasadkeygii,Aniguna albaabka ayaan taaganahay waana fajacsanahay. "Axmeeeed!! Axmedoooooooooow !!! "Toooos!!, Kac!!!, Ayaa cod dheer ay ku lahaayeen. Waxaan arkay aabbahaygii caloosha adkaa ee geesinimada u saaxibka ahaa ilmadiisa. Murugadeydaay!! noloshayda maalintaas ka horaba ma arag ilmada aabbahay. waan yaabay aniguna ilma ayaa indhaha i buuxsantay, dhankeyga baan u ooyay anigoo ka xun inaanay ii jawaabin. Hooyo cod dheer bay ku ooyaysay, ayadoo magaceyga ku celcelineysa. Walaalkey ayaa soo booday oo yiri " maxaa dhacay"? markaasay hooyo ku tiri "Walaalkaa axmed baa dhintay" "Dhintay aa!!" Oooooooooo!! yaa Ilaahii!!.... Isagiina halkii buu baroor ka billaabay.. Markaas baa anigoo ilmadu iga qubanaysa waxaan cod dheer ku dhahay "Hooooooooyo!! ma aanan dhiman, waa ikan waan noolahay," Nasiib xumase cidna iima jawaabin sabab? jawigaan murugada leh ee aan kujiro ayaan aad uga shallaayay yaa Ilaahii!! waxakan jid looga baxa ma jiraa? Markaas baan maqlay cod meel fog oo kale ka dhawaaqaya, wuxuu oranaya codkaasi qowlka Alle kor
ู„ูŽู‚ูŽุฏู’ ูƒูู†ู’ุชูŽ ูููŠ ุบูŽูู’ู„ูŽุฉู ู…ูู†ู’ ู‡ูŽูฐุฐูŽุง ููŽูƒูŽุดูŽูู’ู†ูŽุง ุนูŽู†ู’ูƒูŽ ุบูุทูŽุงุกูŽูƒูŽ ููŽุจูŽุตูŽุฑููƒูŽ ุงู„ู’ูŠูŽูˆู’ู…ูŽ ุญูŽุฏููŠุฏูŒ
"Dhab ahaan waxaad kaga sugneed waxkani (Geerida) illaawsha (oo warkeeda muraad k**aadan lahay), waxaana kaa qaadnay daboolkaaga, oo araggaaguna maanta waa mid adag (oo si dhab ah ayad wax ugu jeeddaa) "Suuratu Qaaf 50:22d. Labo shaqsi oo aanan weligey iyagoo kale arag ayaa ii timid, ma aanan ku qayaasin bini Aadam, aad baana ugu argagaxay araggooda. Waxay igu yiraahdeen," Waxaanu nahay kuwa kugu sugaya qabriga, waqti dhaw kadib waan is arki doonnaa" Anigoo naxsan baan ku dhahay "Laakin sidee bay ku dhacaysaa anigu sowma nooli? Ma anigaa dhintay, maxaad qabriga ii geyneysaan, Aah!!? Waalidkeyga iyo walaalkayba dhan bay u ooyanayaan oo jasadkii bay dul dhooban yahiin, waxa nakala haysatana aniga iyo qoomkaan dheg jalaq uma siinayaan.Maya ee maba maqlayaan malaha Hoheey Hoh!! Labdii shaqsi baa ii jawaabaysa oo oranaysa "Ina Aadamoow!! waxaad tahiin ummada lala yaabo!! waxaad moddaan in mowdku yahay dhammaadka nolosha.Miyaadnaan ogayn in waxa aad kusugan tahin (noolasha adduunyada) ay tahay riyo yar oo dhammaanaysa marka aad dhimataan, ee aanay ahayn nolashii dhabta ahayd"? Dadku waa mashquul kala orodkuna waa badan yahay, reerkuna waxaa gashay tacsi, wax badan k**a soo wareegin markii la ii diyaariyey qabri iyo luxud la i dhiga.Sanduuq yar ayaa lagu ridey jasadkeygii,anigoo u jeeda, oo ilmeynaya,Garbaha dadka ayaa la igu so qaaday, waxaa la isoo mariyey dariiq kayara durugsan reerkayga. Dad badan arkayay, qarkood way ilmeynayaan,qaar way iska sheekeysanayaan, qaarna way iska qoslayaan...Aah!!, anigu mushkila kale ayaa i haysata,xaaladda aan kusuganahay iyagu kuma sugno, way usuurtowdaa inay iska qoslaan iska shekeystaan, Oohin hadday wax taraysa malaha reerkeyga ayaa ii jawaabi lahaa. waxaan maqlay intii la isoo waday qoom leh, wiilkani waxaan ahyn saaxiibo, waxan isu raaci jirnay meelaha xafladaha, heesaha waan isla dhagaysan jirnay, waana isla shekeysan jirnay, maanta wuu naga tegay, aakhira ayuu u jiheystay. Aad baan uga murugooday maqalka erayadaasi, walwalkii iyo walbahaarkii ayaa igu labakacay, oo dayq baan noqday. waxaan fala ma aqaan, durba waxaa ii muuqday labadii shaqsi ee an albaabka aqalkayga ku doodeynay, waxaan weydiiyey "Ma naar baan usocdaa aniga"? Waxay iigu jawaabeen "Raxmadda Ilaahay waa waasic, safarkuna waa dheryahay!!!" Aah!!! kalsooni ma haysta, illaa immika ma aanan arag wax aan ku farxa, waxa isii walbahaariya mooyaane, weedha Raxmada Illaahay waa waasic uunbana marmar qalbiga ku qaboojistaa. Wax yar kadib waxa la i keenay halkii la igu tala galay, waxaa la igu tukaday salaad aan maqli jirey in dadka meydka ahi lagu tukado, cod dheer baan ku qayliyey anigoo oranaya "Dadoow iisoo duceeya"!! Cidna iima jawaabin haah!! wax jawaab ah ma aanan helin!!. Shallaytadaydaay mala ii jawaabo? mar kale ayaan cod kii h**e ka dheer ku qayliyey oo an dhahay, dadoow!! adduunyadu yaanay idin kedinin ee ka dhowrsada, waayo waa kedo'e... Laakin cidna iima soo hadal celin. walaalkey oo murugo kamuuqata ayaan arkay, waxaan ku dhahay."Walaalo iisoo duceey, adduunyaduna yaanay ku kedinin ee ka dhowrsa". Laakin iima aanu jawaabin, Shallaytadeydee muu ii jawaabo. waxyar kadib waxaan arkay aabahay oo ciid igu gedinaya aah!!, waxaan arkay walaalkay oo ciid ugu rogaya, dadkuna ciid bay igu rogayeen. Waxaan tamanniyey (yacni jeclestay) haddii aan dunida joogi lahaa sowma towbad keeni lahayn?.Haddi aan dunida joogi lahaa, sow salaadda fajar sowma tukadeen? Hadii aan dunida joogi lahaa Rabbigey sow maalin kasta ma aanan baryeen? Haddii aan dunida joogo lahaa, sow ma aqriyeen maalin walba Qur'aanka kariimka? Hadii aan dunida joogi lahaa,sow mar walba ma jadiidiyeen towbadda, oo Rabbi dembi dhaaf ma weydiisteen? Waxaan dhahay " Dadoow!! imaqla, adduunyadu waa khurun ee yaanay idin kedinin adduunyadu waa riyo yar oo dhammaanaysa, ee yaanay idin sirin, Haddii aad ogaan lahaydeen adduunyadu waxay tahay sajuud dhulka k**a aydaan qaaddeen"Waxaan rajaynayay inay i jawaabaan, Laakin maya !! ma dhicin taas sidii h**eba aanay u dhicin. Waxaan markaasu ku iri"Haddii aad dadoow!! dhibsanaysaan inad i maqashaan, oo aydaan xamili karin hadalkeyga, sidaas baa idiin kheyr roon, oo idiin fiican, Laakin waxaa iman doonta maalin aad ahaan doonta qofka jooga meesha aan maanta anigu jooga (qabriga), oo aad tamannin (yacni jeclaan) doonta inay dadku ku maqlaan. Markaas baan soo booday oo hurdo ii socotay kasoo salalay, waqtigu wuxuu ahaa goor fajar ah, daqiiqad markii indhaha sii kala furan yahiin baa waxaan maqlay dhawaqa aadaanka labaad ee salaadda fajar, intaan xilligaasi maydhay baan masjidka u cararay, Hanuunkii malintaasi Illaahay i haleeshiiyey ayaan manta ku suganahay nicmada Alle Alxamdulillaah calaa kullixaal.
Qisadaani waxay qabsatay wiil Carbeed oo ka sheekeeyay, amuurtaan oo idil wuxuu ku arkay riyo,waxuu ahaa mid kusugan jid xun, oo heesaha iyo munkaraadka daba orda,laakin markii dambe noqday Ahlu taqwaa.Allahu akbar
"Walaaalayaal aan ka baxno hilmaankaan aan ku jirno ee aan qabsanno wadada toosan allow hanuunkada nagu arsaa๐Ÿคฒ๐Ÿคฒ๐Ÿคฒ๐Ÿคฒ๐Ÿคฒ๐Ÿคฒ๐Ÿคฒ

Nin ayaa waxa uu soo istaagay dukaan lagu gado khudradda wuxuuna weydiiyey Waa imisa qiimaha muuska iyo Tufaaxu?Khudradl...
15/06/2023

Nin ayaa waxa uu soo istaagay dukaan lagu gado khudradda wuxuuna weydiiyey Waa imisa qiimaha muuska iyo Tufaaxu?

Khudradle:- kiilada muuska ahi waa 15 kun, kiilada Tufaaxa ahina waa 30 kun.
Sidaas ayuu ku qancay ninkii wuxuuna iibsaday hal kiilo oo muus ah (15 kun) iyo hal kiilo oo tufaax ah (30 kun).

Inyar ka bacdi waxa dukaankii soo istaagay qof dumar ah waxa ayna khudradlihii weydiisay qiimaha muuska iyo tufaaxa. Isna wuxuu u sheegay in kiilada muuska ah maanta lagu iibinayo 5 kun halka kiilada tufaaxuna ay tahay 10 kun. Intay faraxday ayay bixisay lacagtii waxayna h**e usii qaadatay khudraddii iyadoo leh " maanta ciyaalkaygii aad ayay u farxi doonaan"

Ninkii h**e khudradda looga iibiyey oo maqlayey iibka qofta dumarka ah ayaa kuso noqday ninkii khudradlaha ahaa wuxuuna isaga oo careysan weydiiyey sababta uu xaaraanta u cunaya isla markaana uu 15 kun iyo 30 kun isaga uga qaaday, gabadhana uu 5 kun iyo 10 kun uga qaaday iyaga oo misana khudrad isku mid ah ka iibsaday wuxuuna hadalkiisa kusoo gabagabeeyey " waxaad cunaysaa xaaraan ee Rabbigaa ka baq".

Ninkii khudradlaha ahaa ayaa u jawaabay ninkii cabanayey wuxuuna ku yiri " wallaahi ma ihi mid xaaraanta cuna, balse gabadhan waxa ay haysataa carruur agoon ah wayna iga diiday in aan caawiyo oon khudradda bilaash ku siiyo, sidaas awgeed aniga oo dhawraya wajigeeda ayaan qiimaha rakhiis ah uga iibiyaa si ay ugu malayso in aysan cidna waxba ka baryin, waxayna iga tagtaa iyada oo faraxsan . Maalinka aan sidaas sameeyo Rabbiga samooyinka ayaan ku dhaartaye waxaan helaa faa'ido labanlaab ah oo aanan ogayn meesha ay iiga timid"..
โ˜†

Bixintu waxa ay leedahay dhadhan raaxo iyo degenaanshiyo taas oo aysan malayn karin qofka wax bixiyey maahine. Rabbina wuxu inoo sheegay in aynu dhulka isugu naxariisanno isna uu samada inooga soo naxariisan doono.

ูˆู…ู† ูŠุชู‚ ุงู„ู„ู‡ ูŠุฌุนู„ ู„ู‡ ู…ุฎุฑุฌุง. ูˆูŠุฑุฒู‚ู‡ ู…ู† ุญูŠุซ ู„ุง ูŠุญุชุณุจ.

Wa bilaahi tawfiiq.

Abwaan Shariif follow garey wallalo

Sheeko iyo qaraaxo Tuugo ayaa bangi weerartay, mid ka mid ah tuugadii ayaa qayliyay asagoo dadka la hadlaayo wuxuuna yir...
14/06/2023

Sheeko iyo qaraaxo
Tuugo ayaa bangi weerartay, mid ka mid ah tuugadii ayaa qayliyay asagoo dadka la hadlaayo wuxuuna yiri

Hantida dowlada ayaa iska leh, naftiina idinkaa iska leh isku daya naftiina inaad bad baadsataan

Dadkii oo dhan dhulka ayay wadaa seexdeen

Taas waxaa la yiraahda inaad badali kartid habka ay dadka u fikiraan.

Qof haweeney ah ayaa si qaldan u jiifatay , tuug ayaa meesha soo maray wuxuuna yiri( fadlan ree magaal iska dhig meeshan kufsi maaha ee bangi ayaa la dhacaya si wanaagsan u jiifso)

Taasna waxaa la yiraahdaa shaqadada bes inaad muhimada kowaad siisid waxyaabo kalena aadan firin.

Tuugadii markii lacagta ay qaateen ayaa tuug yar oo shaqada ku cusbaa wuxuu u yimid tuugii waynaa asagoo dhahayo lacagta aan tirino

Tuugii waynaa oo 15 sano shaqadan ka shaqaynayay wuxuu yiri ha is daalinin warbixinta oo dhan waxaan ka ogaan donaa warka TVga laga sheegi doono

Taasna waxaa la yiraahda qibrad, ayadana ka muhiimsan shahaadooyinka

Maamulihii bangiga joogay wuxu wacay kii ka sareeyay wuxuna yiri bangiga wala dhacay ee booliska ma usheegnaa, maamulihi waynaa wuxuu yiri maya 10malyan noo qaad ku dar 70 malyan oo horay noogu maqneed ku dar inta la xaday intaas booliska usheeg in bangiga laga dhacay

Taasna waxaa la yiraahdaa inaad la daaban kartid mowjad/hirka dhanka uu usocdo

Maamuluhii hoose wuxuu yiri waxaa fiicnaan lahayd bishii mar bangiga hadii la dhici lahaa

Taasna waxaa la yiraahda caajiska oo la iska baabiy,o dantaada gaarka ahna ay kaala wanaagsanaato shaqadaada

Habeenkii markii la gaaray TVga waxaa laga sheegay 100 malyan in bangiga laga dhacay

Tuugadii waxay bilaabeen inay tiriyaan lacagtooda mise waa 20 malyan kaliya waxay soo dhaceen markaasay xanaaqeen waxayna yiraahdeen intaan tuugo noqon lahayn oo nafteena halis galin lahayn waxa noo fiicneed inaan wax barano sababto ah 80 malayan ayay qaateen maamulayashi aygoo shaar cad

Taasna waxa la yiraahdaa aqoonta waxay la qiimo tahay dahabka

Maamulaha bangiga aad ayuu u farxsana sababto ah qasairihiisa dhan wala kabay, oo dowlada kabtay

Taasna waxa la yiraahda fursada inaad ka faidaystid oo khatar aad is galin kartid mararka qaar

Tuugada runta ah waa wasiirada iyo maamulayaasha iyo kuwa kale oo badan Laakiin waa tuugo shahaado wato qof aqli leh ayaa fahmi kara. Share like comment waa dhankina ๐Ÿ‘ Abwaan Shariif followne dheh

Address

Mogadishu

Telephone

+252615232785

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abwaan Shariif posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category