11/11/2025
Madaxweynihii h**e ee dalka Masar Xusni Mubaarak ayaa 2006 wuxuu xabsiga dhigay Maxamed Mursi. Mursi wuxuu kaalin ka qaatay kacdoonkii 2011 xukunka looga tuuray Xusni. Markii uu Mursi Madaxweyne ka noqday Masar wuxuu xiray Xusni, wuxuuna Wasiirka Difaaca u magacaabay Cabdifitaax Al-Siisii. Siisii wuxuu afgambiyay kadibna xiray dhigay Mursi, wuxuuna xabsiga ka sii daayay Xusni Mubaarak, Mursina wuxuu ku geeriyooday xabsigii uu dhigay Siisiigii uu ka dhigtay Wasiirkiisa Difaaca.
Cabdikariim Guuleed iyo Fahad waxay 2012 kaalin ka qaateen doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh. Xasan wuxuu Raysulwasaare u magacaabay Saacid, Saacidna wuxuu Cabdikariim ka dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka. Cabdikariim iyo Fahad waxay kaalin hoggaamineed ka qaateen mooshinkii xilka looga tuuray Saacid. Sidoo kalena Cabdikariim wuxuu 2015 kaalin ka qaatay mooshinkii lagu riday xukuumaddii uu Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare ka ahaa Ducaale Aadan.
Fahad iyo Taabid waxay kaalin ka qaateen doorashadii Madaxweyne Maxamed Farmaajo. Farmaajo wuxuu Fahad ka dhigay Agaasimaha Madaxtooyada, Taabidna wuxuu u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Fahad wuxuu kaalin ka qaatay xil-ka-qaadistii Taabid. Markii uu Taabid diiday xil-ka-qaadistii lagu sameeyay waxaa hoygiisa ciidan kordhigay Isloow Ducaale oo ahaa Wasiirka Amniga, Fahad ayaana 2020 door ku lahaa mooshinkii lagu riday xukuumaddii uu Wasiirka ka ahaa Isloow Ducaale.
Saacid, Cabdikariim, Fahad, Taabid, Isloow, iyo Ducaale oo isugu jira rag soo jabay iyo raggii soo jillaafeeyay ee ka saaray suuqa siyaasadda waxaa hadda kulmiyay Midowga Haybad Qaran, waxayna ku heshiiyeen in ay Soomaaliya Madaxweyne uga dhigaan Saacid oo Cabdikariim iyo Fahad ay ka shaqeeyeen mooshiinkii xilka looga tuuray 2013.
Haweeney jirkeeda ka ganacsata oo Ruushka u dhalatay ayaa wariye wuxuu waydiiyay hankeeda siyaasadeed. Waxayna ku jawaabtay "Siyaasaddu waa hagardaamo, khiyaano, munaafaqad, musuq, iyo iska-daba-wareeg. Marka ma rabo in aan siyaasadda galo oo aan mustaqbalkeyga iyo sumcaddeyda ku ciyaaro.”