Agaasinka Dad Dhigidda Gobolka Banaadir

Agaasinka Dad Dhigidda Gobolka Banaadir Halkan Waa Page ka Saxda Ah ee Agaasinka Dad Dhigidda Dowladda Hoose ee Xamar

Agaasimaha Waaxda Dad Dhigista Dowladda Hoose ee Muqdisho, Mudane Farah Ali Omar, oo ku guda jira kormeerada joogtada ah...
21/07/2026

Agaasimaha Waaxda Dad Dhigista Dowladda Hoose ee Muqdisho, Mudane Farah Ali Omar, oo ku guda jira kormeerada joogtada ah ee lagu xoojinayo hufnaanta iyo tayada adeegyada waaxda, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Qaybta Galbeed ee Waaxda Dad Dhigista, Degmada Wadajir.

Agaasimaha oo kormeeray Xafiisyada Dad Dhigista ee Degmada Wadajir ayaa ku bogaadiyay Hawlwadeenada in ay laba jibbaaraan hawlaha ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Agaasimaha waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Degmada Wadajir, Mudane Abdirahman Mohamed Ali, halkaas oo ay ku yeesheen kulan miro-dhal ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta adeegyada kala duwan Dowladda Hoose Ee Muqdisho.

27/05/2026

Agaasimaha Waaxda Dad Dhigista Dowladda Hoose ee Muqdisho Mudane Farah Ali Omar oo hanbalyada Ciiddul Adxa la wadaagay Shacabka Soomaaliyeed.

19/05/2026

Agaasimaha Waaxda Dad Dhigista Dowladda Hoose ee Muqdisho oo booqasho ku tegay Xarunta Qaybta Bari ee Dad Dhigista Degmada Yaaqshiid.

Agaasimaha oo kormeeray Xafiisyada Dad Dhigista ee Degmada Yaaqshiid ayaa ku bogaadiyay Hawlwadeenada in ay laba jibbaaraan hawlaha ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed

14/05/2026
TacsiAgaasimaha Waaxda Dad dhigista dowladda hoose ee xamar ,Mudane farah ali omar,Agaasime kuxigeenka, Madax Qeybeyada,...
23/04/2026

Tacsi

Agaasimaha Waaxda Dad dhigista dowladda hoose ee xamar ,Mudane farah ali omar,Agaasime kuxigeenka, Madax Qeybeyada, iyo dhammaan Howl-wadeenada Waxay tacsi u dirayaan Aniso Bashiir eydiiid oo walalkeed Najib bashir eydid maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Waxaan ilaahey uga baryaynaa in Jannatul Firdawsa ka waraabiyo, caruurta, Ehelka iyo asxaabta uu ka baxayne Samir iyo iimaan ilaahey haka siiyo.

Innaa Lillaah wa innaa Ilayhi Raajicuun.

Maanta Oo Ay Taarikhda Ku Beegneed 16 April 2026  Agaasimaha Waaxda Dad Dhigidda Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Farah Al...
16/04/2026

Maanta Oo Ay Taarikhda Ku Beegneed 16 April 2026

Agaasimaha Waaxda Dad Dhigidda Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Farah Ali Omar Iyo Agasimaha Waaxda Biyaha, Deegaanka Iyo isbedelka Cimilada, Ayaa Maanta Kasameye Siwadajir Ololaha Dhirberista Waaxda Dad Dhigida Dowlada Hose Ee Xamar.

๐†๐”๐ƒ๐ƒ๐Ž๐Ž๐Œ๐ˆ๐˜๐€๐‡๐€ ๐Œ๐€๐€๐Œ๐”๐‹๐Š๐€ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐Š๐€ ๐๐€๐๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐‘ ๐€๐‡๐๐€ ๐ƒ๐”๐๐€ ๐Œ๐€๐†๐€๐€๐‹๐€๐ƒ๐€ ๐Œ๐”๐๐ƒ๐ˆ๐’๐‡๐Ž ๐Ž๐Ž ๐๐Ž๐Ž๐๐€๐’๐‡๐Ž ๐Š๐” ๐“๐€๐†๐€๐˜ ๐—๐€๐‘๐”๐๐“๐€ ๐‡๐€๐˜โ€™๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐’๐Ž๐‚๐ƒ๐€๐€๐‹๐Š๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ...
15/03/2026

๐†๐”๐ƒ๐ƒ๐Ž๐Ž๐Œ๐ˆ๐˜๐€๐‡๐€ ๐Œ๐€๐€๐Œ๐”๐‹๐Š๐€ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐Š๐€ ๐๐€๐๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐‘ ๐€๐‡๐๐€ ๐ƒ๐”๐๐€ ๐Œ๐€๐†๐€๐€๐‹๐€๐ƒ๐€ ๐Œ๐”๐๐ƒ๐ˆ๐’๐‡๐Ž ๐Ž๐Ž ๐๐Ž๐Ž๐๐€๐’๐‡๐Ž ๐Š๐” ๐“๐€๐†๐€๐˜ ๐—๐€๐‘๐”๐๐“๐€ ๐‡๐€๐˜โ€™๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐’๐Ž๐‚๐ƒ๐€๐€๐‹๐Š๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐‰๐ˆ๐๐’๐ˆ๐˜๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐’๐Ž๐Ž๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐˜๐€

๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ, ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐จ ๐Ÿ๐Ÿ“, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”: Guddoomฤฑyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdฤฑsho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa booqasho ku tagay xarunta dhexe ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, halkaasi oo uu kusoo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow.

Duqa Muqdisho iyo Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka wada-shaqeyn ee Dowladda Hoose ee Muqdisho iyo HSJ, horumarinta adeeg bixinta iyo casriyeynta dokumentiyada, si muwaadiniinta soomaaliyeed ay ugu fududaato helida adeegyadda ay u baahan yihiin.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ay wehliyeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir iyo Agaasimaha Waaxda Dad-dhigidda Mudane Faarax Cali Cumar ayaa boogaadiyay guulaha laga gaaray tayeynta baasaboorka Soomaaliya iyo in wadamada caalamka ay aqoonsadeen, taasi oo guul u ah shacabka Soomaaliyeed.

โ€”๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒโ€”

Guddi ka socda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho uuna hoggaaminaayo Agaasimaha Waaxda Dad Dhigidd...
05/03/2026

Guddi ka socda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho uuna hoggaaminaayo Agaasimaha Waaxda Dad Dhigidda Dowladda Hoose ee Muqdisho Mudane Farah Ali Omar ayaa ka qayb galay Shirkii 2aad oo u dhaxeeyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.

Shirka oo is araggiisa 1aad looga hadlay tayaynta Adeegyada Dad-Dhigidda iyo Xaaladaha Madaniga, is araggan 2aad ayaa looga hadlay Adeegga oo mid ah si Waddanka dhan u yeesha Adeeg Dad Dhigid oo Midaysan.

Shirka waxaa Shir Guddoomiyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Dad-Dhigidda Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Iyo Quburo u qaabilsan Tiknoolijiyadda labada Dhinac.

Agaasimaha Waaxda Dad Dhigista Dowladda Hoose ee Xamar oo ka qayb galay Ansixinta Qorshaha kobcinta Dakhliga Gobolka Ban...
02/03/2026

Agaasimaha Waaxda Dad Dhigista Dowladda Hoose ee Xamar oo ka qayb galay Ansixinta Qorshaha kobcinta Dakhliga Gobolka Banaadir 2026 ilaa 2030.

Kulankaan oo ay kasoo qaybgaleen Agaasimayaal, La taliyayaal, Maamullada Degmooyinka Gobolka Banaadir, Odayaasha Dhaqanka iyo Culimada, ayaa lagu soo bandhigay nuqulka ugu dambeeyay ee Qorshaha Kobcinta Dakhliga ee 2026-2030-ka.

Qorshahaan ayaa ah mid qeexaya hannaanka iyo tallaabooyinka la qaadi doono si loo xaqiijiyo Kobac Miisaaniyadeed ee uu gaaro Maamulka G/ Banaadir, si ay u suuragaliso in uu Maamulka awood u yeesho maalgalinta, ballaarinta iyo tayeynta Adeegyada bulshada, dib u dhiska kaabayaasha Dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo dhismaha awoodda heyโ€™adaha kala duwan.

Qorshahaan 4-ta sano ah ayaa la filayaa in fulintiisa ay horseedo koror ku yimaada dakhliga Maamulka si loo gaaro isku filnaasho miisaaniyadeed loogana jawaabo baahiyaha kala duwan ee ka jira Caasimadda.

Kulanka waxaa soo xiray Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Ciise Maxamuud Guure.

Address

Banaadir
Mogadishu

Telephone

+252613800808

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Agaasinka Dad Dhigidda Gobolka Banaadir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share