04/03/2026
04, Maarso, 2026: Marka h**e, mahad oo dhan waxay u sugnaatay Alle SWT, oo inoo suurtageliyey inaan soo gaarno maanta oo ah maalin taariikhi ah oo ay Xildhibaannada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, labadiisa aqal, ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dastuurkeenna, oo in ka badan toban sano ku jiray marxalad kumeel gaar ah isla markaana soo maray marxalado kala duwan, ayaa ugu dambeyn Alle SWT qaddaray in Baarlamaanka 11-aad uu noqdo baarlamaankii ugu horreeyay ee si buuxda u dhammaystira dastuurka dalka.
Tani waxay timid kaddib rajo dheer oo ay shacabka Soomaaliyeed muddo badan ku taamayeen, iyaga oo sugayay in dalku yeesho dastuur dhammeystiran oo rasmi ah.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Xildhibaannada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, labadiisa aqal, kuwaas oo waqti, juhdi iyo dadaal badan geliyay ka shaqeynta dastuurka, islamarkaana cod aqlabiyad leh ku ansixiyay, si loo gaaro heerkan taariikhiga ah ee aynu maanta joogno.
Ugu dambayn, laga bilaabo maanta, dalkeenna wuxuu yeeshay dastuur rasmi ah oo aan ahayn mid kumeel gaar ah, waxaana ku faraxsanahay uguna mahadnaqayaa Alle SWT inaan hoggaamiyo Baarlamaanka 11-aad, kaas oo uu Alle waafajiyey inuu dhammeystiro dastuurka qaranka, anigoo kaashanaya Guddoomiye Kuxigeennada Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo kuxigeennadiisa, iyo sidoo kale guud ahaan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.