Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka

Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Waxa ay u xilsaaran tahay maamulka iyo nidaaminta isgaarsiinta dalka.

29/03/2026

Daawo hadaljeedintii Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo daahfuray maanta barnaamij tababar oo ku saabsan Amniga Saaybarka, kaas oo loogu talagalay howl-wadeennada waaxyaha Teknoolojiyadda Macluumaadka iyo Isgaarsiinta (ICT) ee hay’adaha dowladda.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga SaaybarkaMuqdisho, Soomaaliya – 29 Maar...
29/03/2026

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka

Muqdisho, Soomaaliya – 29 Maarso 2026 — Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa daahfuray barnaamij tababar oo loogu talagalay shaqaalaha dowladda si ay u helaan aqoonta shahaadooyin caalami ah oo ku saabsan Amniga Saaybarka.

Barnaamijku wuxuu diiradda saarayaa diyaarinta khubarada ICT-da ee hay’adaha dowladda si ay u helaan shahaadooyin caalami ah, taasoo kor u qaadaysa awooddooda ku aaddan ilaalinta xogta qaranka iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, weerarrada iyo burcada internet-ka.

Maareeyaha Guud, oo ka hadlay daahfurka, ayaa yiri: “Tababarkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee lagu xoojinayo ilaalinta kaabayaasha dhijitaalka ah ee dalka, sugidda amniga xogta, iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, weerarrada iyo burcada internet-ka. ka. Sidoo kale, barnaamijku wuxuu gacan ka geysan doonaa dhisidda awoodda shaqaalaha dowladda si ay u ilaaliyaan nidaamyada iyo adeegyada dhijitaalka ah ee qaranka.”

Maareeyaha Guud ayaa sidoo kale la dardaarmay ka-qaybgalayaasha, isagoo ku boorriyay inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursaddan, isla markaana u adeegsadaan aqoonta ay helaan horumarinta amniga dhijitaalka ah ee hay’adahooda.

Tababarradani Amniga Saaybarka waxa ay ka kooban yihiin koorsooyin iyo shahaadooyin caalami ah, oo ay ka mid yihiin:
- CompTIA Security+
- Certified Incident Handler – EC Council
- Cloud Security Essentials – GIAC
- ISMS (ISO/IEC 27001:2022) Lead Auditor
- Certified Information Security Manager (CISM) ISACA
- Certified Information Systems Security Professional (CISSP) – ISC2

Tababarrada waxaa lagu qaban doonaa Muqdisho, qaab fogaan-arag (online), iyo Nayroobi, muddada u dhaxaysa 28 Maarso ilaa 8 May 2026.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa h**e ugu wargelisay hay’adaha dowladda inay soo magacaabaan shaqaale heysta ugu yaraan shahaadada koowaad ee jaamacadda (Bachelor’s Degree) ee Culuumta Kombuyuurtarka, IT-da, iyo Engineering-ka ama wax u dhigma. Sidoo kale, Musharraxiinta ka qeybgalaya waa inay leeyihiin ugu yaraan khibrad laba (2) sano ah ama ka shaqeeyaan Maamulka Nidaamyada (System Administration), Maamulka Shabakadaha (Network Administration).

Si loo hubiyo tayada iyo horumarka barnaamijka, kaliya ka-qaybgalayaasha ku guuleysta imtixaannada koorsooyinka ayaa u gudbi doona heerarka xiga ee shahaadooyinka.

Barnaamijkan tababarka waxaa taageeraya Bangiga Adduunka (World Bank Group) iyada oo loo marayo mashruuca SCALED-UP, waxaana fududeynaya Machadka Sare ee Isgaarsiinta ee Afrika (AFRALTI), tababarkan ayaa xoojinaya dadaallada lagu dhisayo awoodda amniga saaybarka iyo shaqaale dowladeed oo xirfad sare leh.

Ciid wanaagsan dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan.
19/03/2026

Ciid wanaagsan dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan.

09/03/2026

Waa maxay dhacdooyinka amniga saaybarka ee loo soo gudbin karo Xarunta Ka-Jawaabidda Xaaladaha Deg-degga ah ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT)?

Daawo muuqaalka si aad u ogaato dhacdooyinkaas iyo sida loo soo gudbin karo.

08/03/2026

Daawo muuqaal sharaxaya geeddi-socodka aasaaska, ujeeddooyinka, muhiimadda, iyo doorka Xarunta Ka-Jawaabidda Xaaladaha Deg-degga ah ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT).

08/03/2026

Muuqaal kooban oo ku saabsan munaasabaddii daahfurka Xarunta Ka-Jawaabidda Xaaladaha Deg-degga ah ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT).

Lifaaqyada hoose waxay muujinayaan xog-kooban iyo faahfaahin ku saabsan Xarunta Ka-Jawaabidda Xaaladaha Deg-degga ah ee ...
07/03/2026

Lifaaqyada hoose waxay muujinayaan xog-kooban iyo faahfaahin ku saabsan Xarunta Ka-Jawaabidda Xaaladaha Deg-degga ah ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT), oo maanta si rasmi ah u daahfuray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre.

Soomaaliya oo Daahfurtay Xarunta Ka-Jawaabidda Xaaladaha Deg-degga ah ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT)Muqdisho, Soomaaliya ...
07/03/2026

Soomaaliya oo Daahfurtay Xarunta Ka-Jawaabidda Xaaladaha Deg-degga ah ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT)

Muqdisho, Soomaaliya – 7 Maarso, 2026 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Xarunta Ka-Jawaabidda Xaaladaha Deg-degga ah ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT), taasoo astaan u ah hirgelinta xaruntii ugu horreysay ee heer qaran ee loogu talagalay isku-duwidda ka-hortagga, ogaanshaha, iyo ka-jawaabidda dhacdooyinka amniga saaybarka.

Isagoo ka hadlay munaasabadda daahfurka, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), ayaa sharraxay hannaankii loo maray aas-aaska xaruntan.

“Aasaaska SOMCIRT wuxuu ka dhashay wadatashiyo qaran oo ballaaran iyo qiimeyn farsamo oo lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee la-tacaalidda khataraha saaybarka iyo ilaalinta kaabeyaasha dhijitaalka ah ee muhiimka ah.”

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed (Soomaali), ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta adkeysiga amniga saaybarka, iyadoo Soomaaliya ay sii ballaarinayso adeegyada dhijitaalka ah iyo isku-xirka internetka.

“Iyadoo adeegyada dhijitaalka ah ay sii ballaaranayaan guud ahaan Soomaaliya, xoojinta nidaamyada amniga saaybarka ayaa lagama maarmaan u ah ilaalinta hay’adaha dowladda, kaabeyaasha isgaarsiinta, iyo qaybaha kale ee muhiimka ah. SOMCIRT waxay door muhiim ah ka qaadan doontaa hubinta in nidaamka dhijitaalka ah ee dalka uu ahaado mid ammaan ah oo adkaysi leh.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, oo munaasabadda xarig-jarka ka hadlay, ayaa ku tilmaamay furitaanka SOMCIRT inay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga dhijitaalka ah ee dalka isla markaana taageeraysa dadaallada ballaaran ee isbeddelka dhijitaalka ah ee Soomaaliya.

“Daahfurka SOMCIRT wuxuu astaan u yahay tallaabo weyn oo lagu sugayo mustaqbalka dhijitaalka ah ee Soomaaliya. Deegaan saaybar oo ammaan ah waa lama huraan si loo xoojiyo amniga qaranka, kobaca dhaqaalaha, iyo kalsoonida bulshada ee adeegyada dhijitaalka ah.”

Xarunta Ka-Jawaabidda Xaaladaha Deg-degga ah ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT), oo hoos timaada Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, waxay noqon doontaa xarunta qaran ee isku-duwidda ka-jawaabidda dhacdooyinka amniga saaybarka ee dalka. Xaruntu waxay taageeri doontaa soo gudbinta dhacdooyinka amniga saaybarka, soo saarista digniino iyo wacyigelin, isku-duwidda jawaabaha khataraha saaybarka, iyo kor u qaadidda wacyigelinta amniga saaybarka iyo iskaashiga hay’adaha dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo saaxiibada caalamiga ah si loo xoojiyo ilaalinta kaabeyaasha dhijitaalka ah ee muhiimka u ah Soomaaliya.

Hay’adaha iyo shaqsiyaadka raba inay soo gudbiyaan dhacdooyinka amniga saaybarka ama helaan talo iyo hagitaan waxay booqan karaan:
www.somcirt.gov.so

07/03/2026

Muuqaal: Hadal-jeedintii Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), ee munaasabadda Daah-furka Xarunta Ka-Jawaabidda Xaaladaha Deg-degga ah ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT).

07/03/2026

Muuqaal: Hadal-jeedintii Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed, ee munaasabadda Daah-furka Xarunta Ka-Jawaabidda Xaaladaha Deg-degga ah ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT).

07/03/2026

Muuqaal: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Xarunta Ka-Jawaabidda Xaaladaha Deg-degga ah ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT), taasoo ah xaruntii ugu horreysay ee heer qaran ee Soomaaliya loogu talagalay isku-duwidda ka-hortagga, ogaanshaha, iyo ka-jawaabidda dhacdooyinka amniga saaybarka.

SOONQAAD BARAKAYSANHay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxay ugu hambalyaynaysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed bilashada bisha...
17/02/2026

SOONQAAD BARAKAYSAN

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxay ugu hambalyaynaysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Alle ha nooga dhigo bil kheyr, barako iyo horumar leh.


كل عام وأنتم بخير

Address

Xamar-Weyne
Mogadishu
55

Opening Hours

Monday 09:00 - 16:00
Tuesday 09:00 - 16:00
Wednesday 09:00 - 16:00
Thursday 09:00 - 16:00
Saturday 09:00 - 16:00
Sunday 09:00 - 16:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka:

Share