Hay’adda Korontada Qaranka - NEA

Hay’adda Korontada Qaranka - NEA The National Electricity Authority (NEA) of the Federal Government of Somalia.

02/09/2026

"Our objective is to establish practical national requirements that protect lives and property, improve the quality and reliability of electricity services, and provide clarity to Electricity Service Providers, contractors, engineers, technicians and consumers".

Opening Remarks for
Abdullahi Dayib
The Director General, National Electricity Auth**ety.

Somalia’s National Electrical Installation Guidelines Stakeholder Consultation Workshop was successfully held in Mogadis...
01/09/2026

Somalia’s National Electrical Installation Guidelines Stakeholder Consultation Workshop was successfully held in Mogadishu on 30–31 August 2026.

The consultation brought together key public and private sector stakeholders, including Electricity Service Providers (ESPs), to review and provide input into the proposed National Electrical Installation Guidelines.

The workshop was officially opened by H.E. Mohamed Abdullahi Farah, State Minister of the Ministry of Energy and Water Resources (MoEWR), FGS, and Abdullahi Ahmed Dayib, Director General of the National Electricity Authority (NEA).

The development of the Guidelines is supported by the European Union (EU) and implemented by Cowater International.

The Guidelines represent an important step toward harmonising electrical installation practices, improving safety and technical standards, and strengthening the quality and reliability of Somalia’s rapidly developing electricity sector.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Korontada Qaranka, Mudane Cabdullaahi Axmed Dayib ayaa maanta soo xiray Shir Wadatashi ah oo...
31/08/2026

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Korontada Qaranka, Mudane Cabdullaahi Axmed Dayib ayaa maanta soo xiray Shir Wadatashi ah oo muddo labo maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho, Kaas oo looga doodayay Dib-u-eegista Qabyo-qoraalka Hagaha Rakibidda Korontada Soomaaliya.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray mideynta iyo tayeynta habraacyada rakibidda korontada dalka, iyadoo muhiimad gaar ah la siiyay badqabka, tayada iyo hufnaanta nidaamyada korontada.

Ugu dambeyn Maareeyaha Guud ayaa uga mahadceliyay ka qeybgalayaasha talooyinkii iyo aragtiyihii ay ku biiriyeen dhammaystirka Hagaha Rakibidda Korontada Soomaaliya.

30/08/2026

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Korontada Qaranka, Mudane Cabdullaahi Axmed Dayib, ayaa hadal ka jeediyey Shirka Wadatashiga iyo Aqoon-is-weydaarsiga Dib-u-eegista Qabyo-qoraalka Hagaha Rakibidda Korontada Soomaaliya.

30/08/2026

Muuqaal kooban oo ku saabsan Shirka Wadatashiga iyo Dib-u-eegista Qabyo-qoraalka Hagaha Rakibidda Korontada Soomaaliya.

Hay’adda Korontada Qaranka oo qabatay Shir Wadatashi ah oo ku saabsan Dib-u-eegista Qabyo-qoraalka Hagaha Rakibidda Koro...
30/08/2026

Hay’adda Korontada Qaranka oo qabatay Shir Wadatashi ah oo ku saabsan Dib-u-eegista Qabyo-qoraalka Hagaha Rakibidda Korontada Soomaaliya.

Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax, iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Korontada Qaranka, Mudane Cabdullaahi Axmed Dayib, ayaa si wadajir ah u furay Shirka Wadatashiga iyo Aqoon-is-weydaarsiga Dib-u-eegista Qabyo-qoraalka Hagaha Rakibidda Korontada Soomaaliya (Proposed Draft Review of Electrical Installation Guidelines for Somalia).

Shirka ayaa muhiimad gaar ah u leh horumarinta, mideynta iyo tayeynta habraacyada rakibidda korontada dalka, iyadoo ujeeddadu tahay in la helo hannaan iyo tilmaamo mideysan oo kor loogu qaadayo badqabka, tayada iyo hufnaanta nidaamyada korontada Soomaaliya.

Intii uu socday shirka, daneeyayaasha ayaa lagu dhiirrigeliyay inay soo jeediyaan talooyin, aragtiyo iyo wax-ku-darrooyin wax-ku-ool ah oo gacan ka geysanaya dhammaystirka iyo tayeynta Hagaha Rakibidda Korontada Soomaaliya.

Mareeyaha Hay’adda Korontada Qaranka, Mudane Cabdulhaai Axmed Dayib, ayaa ka qeyb-galay munaasabadda Hayaanka Soo-kabash...
26/11/2025

Mareeyaha Hay’adda Korontada Qaranka, Mudane Cabdulhaai Axmed Dayib, ayaa ka qeyb-galay munaasabadda Hayaanka Soo-kabashada iyo Horumarinta Korontada oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Mudane Abdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiiru Dowlaha Tamarta, Mudane Maxamed Abdullahi, Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, Injineerro iyo khubaro ku takhasustay korontada.

Intii lagu guda jiray madasha, Mareeyaha Hay’adda Korontada Qaranka ayaa soo jeediyay warbixin kooban oo uu kaga hadlayay muhiimadda qorshaha soo-kabashada, caqabadaha jira, iyo dadaallada lagu xoojinayo adeegyada korontada dalka, isagoo xusay in hay’addu ka go’an tahay:

• In la dardargeliyo mashaariicda korontada ee dalka,
• In la tayeyo adeegyada loo sameeyo bulshada,
• In la xoojiyo wada-shaqeynta wasaaradda iyo bah-wadaagta horumarinta.

Mareeyaha ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in wadashaqeyn joogto ah iyo qorshe mideysan ay muhiim u yihiin gaarsiinta adeeg koronto oo la isku halleyn karo.

Hay’adda Korontada Qaranka (NEA), oo kaashanaysa Midowga Yurub, ayaa maanta qabatay maalintii labaad wadatashi  ku saabs...
20/11/2025

Hay’adda Korontada Qaranka (NEA), oo kaashanaysa Midowga Yurub, ayaa maanta qabatay maalintii labaad wadatashi ku saabsan qabyo qoraalka xeerka Badqabka Hawlaha Korontada iyo Hab-dhaqanka Shaqada, Korontada ee 2025.

Maalinta labaad ee wadatashiga ayaa lagu furay soo koobid qodobadii maalintii 1aad dhacay iyo hordhac ku saabsan casharrada maalinta 2aad, waxaana furitaanka qaybtiisa h**e qabtay Mohamed Ibrahim, Ku Xigeenka maareeyaha Guud ee Hay’adda Korontada Qaranka.

Intii kulanku socday waxaa la soo bandhigay mowduucyo muhiim u ah badqabka korontada, oo ay ka mid ahaayeen:

Xeerarka Badqabka Korontada oo uu soo jeediyay Dr. Tawfiq Bashir, una sharxay habraacyada shaqo iyo nidaamyada tagida korontada.

Dhanka kale, Khadija Abdi oo ka socotay Madasha Ganacsiga iyo Maalgashiga EU-Somali (ITBP) ayaa soo bandhigtay maalgashiga ku xeeran howlaha tamarta, iyada oo ka hadashay fursadaha ka jira.

Sidoo kale, Hassan Abdirizak oo ka tirsan UNDP ayaa soo jeediyay warbixin ku saabsan mashruuca AMP ee lagu hormarinayo suuqa tamarta Soomaaliya.

Intii kulanka uu socday waxaa lasoo bandhigay cashar ku saabsan hab-dhaqannada badbaado ee hawlaha korontada, oo uu soo gudbiyay Eng. Abdifatah, Agaasimaha Waaxda Tamarta.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lasoo gaba gabeeyay ayadoo la isla qaatay tallaabooyinka xiga ee lagu hirgelinayo xeerarka cusub ee badqabka korontada.

Hay’adda Korontada Qaranka (NEA) ayaa maanta Muqdisho ka daahfurtay shir wadatashi ah oo lagu gorfeynaayey saddex sharci...
19/11/2025

Hay’adda Korontada Qaranka (NEA) ayaa maanta Muqdisho ka daahfurtay shir wadatashi ah oo lagu gorfeynaayey saddex sharci oo qabyo qoraal ah kuwaas kabayo shuruucda tamarta cadceeda, iyo shuruuc kale oo korontada dalka muhim u ah, kuwaas oo la dhaqan gelin doono dhawaan marka la marsiiyo dhamaan hab raaca sharci ee ansaxinta.

Shirkan oo ay goob joog ka ahaayeen Maareeyaha Guud ee Hay’adda Korontada Qaranka, Mudane Cabdullaahi Axmed Dayib, Maareeye ku xigeenka Mohamed ibrahim iyo lataliya farsamada ee hay,adda Dr.towfiq bashir , iyo Xubno ka socday Midowga Yurub iyo shirkadaha bixiya adeegga Korontada oo ka kala yimid maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa looga dooday Shuruucdan cusub oo muhiim u ah horumarinta adeegga korontada dalka.

Seddexda xeernidaamiye ayaa kala ah:-

🔹 Xeerka Solarka (solar Photovoltaic Systems2025)
🔹 Xeerka Badqabka Korontada 2025
🔹 Xeerka Tayada Adeegga Korontada 2025

Shirkan oo socon doono muddo labo maalimood ah 19–20 November 2025, waxaana taageeray Midowga Yurub (EU) waxaana fuliyay Cowater International, iyada oo ujeedadu shirkan ay tahay in la helo adeeg koronto oo casri ah, tayo sare leh isla markaana la jaanqaada baahida bulshada iyo ganacsiga dalka.

13/11/2025

“Dadaalkeenna oo dhan waxaan isugu geynaynaa sidii shacabka Soomaaliyeed u heli-lahaayeen koronto jaban.”

Abdullahi Ahmed Dayib
Maareeyaha Hay’adda Korontada Qaranka - NEA

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hay’adda Korontada Qaranka - NEA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share