28/10/2025
Fursad qiimo badan, halaga faa'ideysto
Ogeysiis Muhiim ah
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, gaar ahaan Waaxda Waxbarashada Dadka Waaweyn, oo kaashanaysa Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, ayaa ku wargelinaysa bulshada ku nool Muqdisho iyo hareeraheeda in la bilaabay is-diiwaangelinta barnaamijka waxbarashada dadka waaweyn ee sanadka 2025/2026.
Barnaamijkan waxa uu u furan yahay dhammaan dadka waaweyn ee da’doodu ka weyn tahay 18 sano ee aan h**e u helin fursad waxbarasho ama doonaya inay sii wataan waxbarashadooda.
Waxbarashadu waxay ka kooban tahay laba qaybood:
1. Akhris-Qoraalka iyo Xirfadaha Aasaasiga ah (muddo 3 bilood ah)
2. Waxbarashada Aasaasiga ee Dadka Waaweyn (soconaysa 3 sano)
Casharrada waxa la qaadan doonaa gelinka dambe iyo habeenkii (5:00 PM – 7:45 PM).
Diiwaangelintu waxay ka socotaa dugsiyada:
1. Maxamuud Axmed Cali
2. 21-ka October
3. 21-ka November
4. Macallin Jaamac
5. Raage Ugaas
6. Deyniile
Wasaaraddu waxay ku boorrineysaa bulshada inay ka faa’iideystaan fursaddan si loo kordhiyo heerka aqoonta iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.
DHAMMAAD.
Wixii faahfaahin ah fadlan kala xiriir
Agaasinka warfaafinta iyo xiriirka Bulshada
Abdiaziz Wali
Email: [email protected]