11/09/2022
Ninkii Bartay Luuqadda Bisadda Oo Markii dambe Ka Shalaayay isaga Oo Ay Ka gaartay Maxaa Ku geliyay Bisad iyo Afaaraheeda.!!🤔
Nin baa Maalin u yimid Nebi Suleymaan, markaasu ku yiri Nebi Alloow waxaan rabaa inaad Af i bartid.
Nebi Suleiman wuxuu Ninkii ku yiri iskadaa ma Awoodidee, laakiin Ninkii wuu ku Adkaystay
Nebi Suleiman baa ku yiri : Afkee Rabtaa inaad Baratid?
Ninkii wuxuu yiri:- Afka Bisadaha iyagaa Xaafadeyda ku badan
Dhegtiisa ayuu Nebi Suleiman ku Afuufay, sidaas ayuuna Ninkii ku Bartay Afkii Bisadda
Maalin ayuu maqlay laba bisadood oo sheekaysanaaya, midbaa mid ku leh wax la cuno ma heysaa Gaajaa i heysee ?
Tii kalaa ugu jawaabtay :- Maya. laakin Berito Gurigan wax ka Bakhtin Diiq, kaas ayaan Cuni doonaa
Ninkii baa Maqlay markaasuu yiri Walee ma Dhacdo inaan Diiqeyga idiin daayo, Aroortii h**e ayuu gaday.
Bisadii Gaajoonaysay baa tii kale u timi oo warsatay in Diiqii Bakhtiyey, waxay ku tiri:- Maya, Ninkii lahaa baa gaday, waxaase jirta in Wankiisu Dhiman doono, kaasaan wax ka Cuni doonaa.
Haddana wuu maqlay markaasuu Wankiina Suuqa geeyey
Sidii oo kale ayey haddana weydiisay, waxayna u sheegtay in isagana Ninkii lahaa Suuqa ula Cararay.
Markas ayey waxay u sheegtay inuu Ninka Guriga leh Naftiisu Maanta Dhiman doono, oo ay Dadka Geeridiisa u yimaada Cuntada loo Samaynaayo ay wax ka Cuni doonaan
Ninii ayaa Maqlay in isaga loo soo socdo markaan, isagoo Ordaayo ayuu Nebi Saleemaan u yimi, wuxuuna ku yiri:- waxaan Maqlay bisadihii oo isku leh Maanta ayuu Dhimanaa ee Nebi Alloow talo keen.
Nebi Suleymaan wuxuu u Sheegay Ninkii in Alle Diiqa ku Furan Rabay oo uu Deg-degay oo uu iibiyey, hadana mar kale Wanka ku Furan rabay oo uu isagana Beeciyey isagoo Bisada kala Cararaaya.,
wuxuuna intaas u Raaciyey:- Maanta meel aad u cararto ma jirto ee Dardaaranka ha iloobin.
Ee iska dardaaran
MAXAA_KA_FAAIDI_KARNAA ?