21/01/2026
Taliyaha Qaybta Booliska Galgaduud, Taliye Maxamed Toreeye, iyo Taliyaha Madaxtooyada Galmudug, Taliye Xidig, ayaa Goob joog u ahaa Gogol Nabadeed
Shirkii Oo Socda Waxaa Siciid Cabdulaadir Maxamed, Oo Dhawaan Maleeshiyaad hubeysan ay ku qabteen Meel u dhow deegaanka Bali-Sonkor ee Gobolka Galgaduud, ayaa halkaas lagu wareejiyay .
Taliyaha Qaybta Booliska Galgaduud ayaa hadal kooban ka jeediyay Wareejinta , isagoo Uga mahadceliyay odayaasha labada dhinac doorkii ay ka qaateen nabadeynta iyo xalinta arrinta.
Taliyuhu Waxa uu si rasmi ah ugu Wareejiyay Siciid Cabdulaadir Maxamed odayaasha Beesha Celi.
Sidoo kale, odayaasha Beesha Reer Xaaji Salebaan iyo odayaasha Beesha Celi ayaa Si Wanaagsan, ehelnimo iyo is-ixtiraam ku dhisan u wada hadlay,
isla Markaana isugu mahadceliyay Wada shaqeynta iyo dadaalka nabadeed. Arrintan ayaa muujinaysa midnimo, Wadajir iyo Xal bulsho ku dhisan.