13/06/2026
Waxaan si weyn u soo dhoweynayaa go’aanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee lagu asteeyey maalinta qabashada doorashada Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Tani waa tallaabo muhiim u ah dhameystirka dowladaha hoose, xoojinta dimuqraadiyadda, iyo hirgelinta hannaan lagu soo xulo hoggaan si sharciyad iyo kalsooni leh ugu adeega shacabka.
Waxaan rajeynayaa in doorashadu u dhacdo si hufan, caddaalad ah, oo daahfuran, iyadoo musharraxiinta oo dhan loo abuuro fursad siman, si looga soo saaro hoggaan karti, daacadnimo iyo hufnaan ku hoggaamiya degmooyinka Gobolka Banaadir.
Guusha ugu weyn waa in ay noqotaa guusha shacabka iyo horumarka Muqdisho.