Hassan Ahmed muudeey

Hassan  Ahmed muudeey Public Figure

21/06/2023

WAX BARTA AAN BARWAAQO GAARNE.
DAGAALADA SOKEEYE WAXAA KEENA CILMI YARI.

TAARIIKHDEY SOO MARTAY DEGMADA JOWHAR 1905 - 2023.Degmada Jowhar waa fac weyn tahay waxay ka mid tahay degmooyinka qadii...
05/01/2023

TAARIIKHDEY SOO MARTAY DEGMADA JOWHAR 1905 - 2023.

Degmada Jowhar waa fac weyn tahay waxay ka mid tahay degmooyinka qadiimiga ah.
Dhamaan degmooyinka ku teetsan Webi Shabeelle waxay ahayeen tuuloyin iyo dhul beered ay lahayeen dadka loogu yimid halkaas oo ah Beelaha Jareer-weyne.balse fiday oo magaloyin isu badalay BAADKA - BIYAHA IYO DHUL XADAARAD LEH markey noqden aawgeed.

Magaalada Jowhar waxay u qaybsan tahay labo qeybood oo Bari iyo Oraxsin ah,waxana kala deganaa laba beelood oo shiidlo iyo walaalahood waana ( WALAMOY iyo WAAQBIYO).

Dhanka bari waxay aheyd Tuulada BAALGURI oo qabiilka Shiidlo Walamoy ah iyo Tuulada BURI qabiilka Shiidlo Waaqbiyo ah sida ku cad tirsiimada tulooyinka Walamoy oo 12 tuulo ah BAALGURI waxay tahay tuulo Walamooy.sidoo kale tuulada BURI waxay ka mid tahay 07 tuulo ee waaqbiyo.

Markuu soo gaaray JOWHAR wafdigii uu hogaminayay SIR LUIGI AMEDEO DUKE DEGLI ABRUZZI 1905.waxuu weydiiyay kaabo qabìiladii dhulkan yaa is kaleh.waxay yiraahdeen SHIIDLO.waxuu yiri waxan rabaa dhul aan beero iyo warshad ka sameysto.
Dhankeed ka rabtaa ayaa la yiri,markaasi waxay ku jireen sahan dhul waxayna ku safrayeen dhamaan hareeraha Webi Shabeele dhulkiisa dihin.

Waxan qaadaya caro tijaabo laso geliyo kadib ayan idinkuso noqonayaa.caradii ayuuna la dhoofay oo ROMA ( Talyaaniga) u qaaday sheybaarkii carooyinkii la qaaday waxa uso baxday JOWHAR inay degaan Dhul beeredka iyo Warshada laga dhigo dhanka BARI.

Marku soo noqday 1919 waxuu heshiis la galay Odi dhaqameedyadii Lexda Shiidlo.waxuuna kula heshiiyay in dhul beered iyo Dhulka Warshada la siiyo dhanka odiyaasha Shiidlo waxay codsaden in :-
1)- In Masjid lagu dhiso tuulada Baal guri.
2)- In Cisbitaal loo dhiso Shiidlo.
3)- In Iskool lo dhiso Shiidlo.
4)-In la shaqaleysiiyo dhalinyarada Shiidlo.
Heshiisku waxuu soconaa mudo 100 sano ah.100 sano kadib inuu dhulkooda ku warejin doono.Heshiiskasna waxaa Buriyay sharcigii Kacaanka 1972 ee la wareegidii Bangiyada iyo Warshadaha gaarka loo leeyahay ee Talyaniga waana la Qarameyay.Sharcigan ka hor xukuumadii daaqiliga iyo kuwii rayidkaba Talyaaniga aya maamulayay Warshada.

Waxaa been iyo dafiraad ah TALYANIGU Jowhar inuu ugu yimid dhul banaan.dadka meesha degana Talyanigu inuu keenay.Muesim-ka Talyaaniga ayuu yaala Taariikhda iyo dadkuu Talyaniga ugu tagay halkaas wax la qarin karo ma aha.

Reer BAAL-GURI masjidkii waa loo dhisay Imamka iyo Mu'adinkana iyaga keensaday dhul beered inay ahaydna fiiri sawirka Masjidka hareerahisa ma guryo aya ku yaal sida hada ama beero aya ku yaalo.

Cisbistaalkii waa loo dhisay Shiidlo fiiri sawirkii Cisbitaalka.

Waxuna bilaabay Talyaanigu inuu naqshadeyo dhulkii Warshada iyo inu diyaariyo Kanaladii Beeraha iyo Biyo Xerenka Xiintoyda si ay Warshadu u hesho biyo ku filan hawlahana waxuu bilabay 1920.waxuuna la yimid Talyanigu Injinero,Qubaro iyo Shaqaalo xirfad leh.

Magaaladii Jowhar waa fiday gaar ahan BAALGURI waxa laso degay xaafada BANDAR-JADIID Magaaladii waxay yeelatay Maamul iyo Suuq weyn waxana laso naq raacay warshadii oo shaqo looso raadsay.

1963 waxaa dab qabsaday xaafadii Cusbeyd ee Ba**er Jadiid.kadib dadkii guryaha ka gubtay waxa si qasab ah lagu dajiyay xaafadii ABLIKO (Xaafada Hanti wadaag) oo aheyd beero ay lahayeen reer Waaqbiyo Buri iyo Moyko.

1973 dardarkii dawladii kacaanka aya waxay soo magacaben gudoomihii degmada Jowhar 2Xidigle Boliis AUN-Warsame Af-weyne.markuu kormeer kuso maray degmada waxuu arkay in guryaha is dul saaran yihiin dab haduu kacana aan gurmad loo sameyn karin.waxuna bilabay dumis guryahay kuso aadan wadooyinka uu ka dhex sameyay xafada lanbar ayana la siyay dadkii laga dumiya guryaha.

Dadkii laga dumiyay Xaafadì Baal-guri iyo Ba**er-Jadiid(Horseed) ee dhanka bari Webi Shabelle waxuu dejiyay dhul cusub oo beero u ahaa reer Jowhar-Eylo waxana lòo bixiyay 21 Oktobar dadkuse waxay ula baxen Xaafada BUULO SHIIKH OOYAYE.

Dhanka Oraxsin ee degmada Jowhar Xafadahi Buri iyo Buullo makiino oo iyagana fiday deegan ahan gudoomiyihii AUN- Warsame Af-weyn waxuu bixiyay jidad dadkii halkaas laga dumiyayna waxuu dejiyay Xaafada BUUL SHAREY oo loogu magac daray ninkii dhul beeredkasi laha ee AUN-SHAREY CUMAR qaarna waxa la dejiyay Abliko koofurteeda oo dhul beered reer MOYKO oo WAAQBIYO ah lahayen waxayn u baxsaden xaafada ABOLO 11.

Xafiisyad gudoomiyaha degmada,Dawlada hoose,Maxk**ada,Iskuul waxay ku dhex yaalen beero khudaar geed mirood ay lahayen Reer JOWHAR EYLO oo qabiilka WALAMOY ah.
1973 waxaa loso warejiyay dhul beered ay lahayen Reer MOYKO taaso dan guud looga qaaday laguna dhisay ISKA WAX U QABSO hal heyskii dawladii KACAANKA.

Hadii la yiraahdo hada 2023 gole deegaan aya loo dhisaa degmada Jowhar waa sax oo degmadii waa fiday qabaa'ilo kalene waa soo degen laakin mar walbo waa in tixgelinta degmada la siiya dadkii dhulka dadka kusoo dhaweyay.hadiise cod la geliyo gudoomiyaha degmada waa cadalad daro bareer ah.koley noqtana rag baa ka dhiidhi doono.
Magaalada JOWHAR waa la wada degan yahay waase la kala leeyahay.

Mahadsanidiin.

03/01/2023

SOOMALIYA SOOMALIYA SOOMALIYA
Tan iyo markii dhulkan laso degay ileyn cows oo kale Soomaliya dhulkeeda lagama soo bixine ee waa la yimid haba laguso kala h**eyee.

Ninkii u soo hormarayna meel dheer k**a imaanin AFRIKA ayuu ka yimid bad k**a sòo talaabin waana JAREER-WEYNE.

Ninkii soo hormaray waxuu degay meel baad iyo biyo leh dhul dihin oo barwaaqo ah.ninkii mar danbe yimidna dhul oomane ah oo daaq iyo biyo laheyn waxayne uso dhaan doonan jiren daaqna u soo ràadsan jiren JIINKA kuwa halkaas ka fogna hadbo halkii roobka ka hooro ayey deegameysan jireen.

Dhamaan degmooyinka JIINKA WEBIGA xarumaha dawladu ku shaqeyso iyo xaafadaha qaarkood waxay ahayen beero dadka dhulka loogu yimid lahayeen waxa og dadkii h**e waxanse la hadlayaa dadkii AXADA yimid iyo kuwii waaga dhashay aflagaadona ma aha.
Jareer weyne soo dhawyntii iyo bini'aadamnimadii waa eeden oo maanta marti ayey ka yihiin dhulkoodii xog ogaalka nool ayana qiraaya arinkaas.

Waxan is lahaa dadka maal mahan baraha bulshada ka hadlaaya waa iska uun dad aan taariikh iyo aqoon u hadleynin waxaase iga yaabiyay markan arkay dad aqoon leh balse dheesha socota soo dhex galay oo ayidaya in CARAB kaso jeedan WAA YAAB.

Maba xumee CARAB in dadka qaarkii kasoo jeedo ee Soomalida waxaase layaab ah in lagu wada arooro REER BINII HAASHIM(QUREYSH) qureyshna Nebi Muxamad Naxariis iyo Nabad gelyo korkiisa Allah ha yeele hortiis gaalo ayey ahayeen weliba Diinta Islaamka inay faafto aad ula dagaalamay waxana ka dhashay Abuu Jahal,Abu lahab,Cutba iyo Sheyba iyo kuwo kale
WAA YAAB hadana waxad kaso jeedan Cali bin abii dhaalib nasab ahan markaad soo tirineysidna ABUU IYO BIN oo ka h**eya abtirsiimada carbeed ma sheegeysid toos ayad uso geleysaa YAA DABAAL AH OO DUURKA LOO DIRAA WAA YAABE.

Waxaaba leysku dagaala anaga carab eh ee kuwaas carab ma aha anagay na carqaladeynayaan CARABNA ilaa hada YAA CABIID ayey ku leedahay oo cunsuriyada Carab ka dhex jirta k**a jirto wadamada horu maray

Waxan maqli jiray ( AB WAAY EYLO AYUU SHEEGTAA ).dadka is dagaalaya walaalayaal kuso dhawaada JAREER WEYNE.

KASHA HALASO BOODINE DADKU WAA KALA MAAN IS DEJI WALAAL.
Mahadsanidiin

Address

Mogadishu
N/P

Telephone

+252615899442

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hassan Ahmed muudeey posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hassan Ahmed muudeey:

Share