CIMIC SNAF

Call Directions Website Contact the organization

CIMIC SNAF HOGGAANKA ISKU XIRKA SHACABKA & CIIDANKA XDS

25/10/2026

Gudoomiyaha Hay’ada SODMA Maxamud Macalin Cabdulle Ayaa Uga Mahadceliyay Taliska Ciidanka XDS Sida Uu Kaalin Muuqatada Uga Qaadanayo Dadaalada Diyaar Garoowga Fatahaadaha Ellino.

24/10/2026

Madaxa Hogganka Cimic G/sare iiman Maxamuud Cali Oo Hoggaaminaysay Kulanka Diyaar Garoowga Fatahaadaha Ellino Ayaa Soo Bandhigtay Sida Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu taaganyahay gacan siinta Bulshada Rayidka ah hadday dhacaan musiibooyin dabiici ah.

Xog-hayaha Joogtada ah ee Wassaaradda Gaashaandhiga Mudane Yuusuf Cali Maxamed Ayaa Soo Xiray Kulan Looga Arinsayay Qaab...
22/10/2026

Xog-hayaha Joogtada ah ee Wassaaradda Gaashaandhiga Mudane Yuusuf Cali Maxamed Ayaa Soo Xiray Kulan Looga Arinsayay Qaabka Looga Diyaar Garoowga Fatahaadaha Ellino.

Kulankan Oo Ahaa Mid Laba maalmood ka Socday magaalada muqdisho ayaa lagu gorfeeyay sida ay wadajir ugu wada shaqayn karaaan hay'adaha samata bixinta , maamulada degmooyinka , wassaaradaha maamul goboleedyada iyo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed oo kaalin ku leh gurmadka deg dega ah ee goobaha ku teedsan wabiyadda oo laga cabsi qabo ineey saamaynta ugu badan ay gaari karto .

Madaxa Hogganka Cimic G/sare iiman Maxamuud Cali Oo Hoggaaminaysay kulanka Ayaa Uga Warbixisay Xog-hayaha joogtada ah ee wassaaradda gaashaandgigga Mudane Yuusuf Cali Maxamed sida Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu taaganyahay gacan siinta Bulshada Rayidka ah hadday dhacaan musiibooyin dabiici ah .

Ugu Dambayn Xog-hayaha Joogtada ah ee wassaradda gaashaandhiga ayaa saraakiisha iyo xubnaha ka soo qayb -galay kulanka ku amaanay sida ay markasta ugu tagaan yihiin samata bixinta dadka rayidka ah ee soomaaliyeed ee maanta baahida ugu badan u hayso ineey helaan gacan doowladeed iyo adeeg hufan oo bad baadin kara naftooda iyo maalkoodaba.

21/10/2026

Gen Bariise "Ciidanka XDS Markasta Waa Kuwa Ka Jawaaba Dhibaatooyinka Gaara Shacabka" .

Taliyaha Xarunta Isku-dubaridka Howgallada Wadajirka ah, S/Gaas Maxamed Cali Bariise ayaa furay kulan looga arinsanayo d...
21/10/2026

Taliyaha Xarunta Isku-dubaridka Howgallada Wadajirka ah, S/Gaas Maxamed Cali Bariise ayaa furay kulan looga arinsanayo diyaar garoowga saamaynta ka dhalan karta fatahaadaha Ellino.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Madaxa Hoggaanka Isku Xirka Shacabka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CIMIC G/sare iiman Maxamuud Cali Ayaa waxaa Ka Soo Qayb-galay Gudoomiyaha Hay'ad SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle 'Agaasimaha Guud Wassaaradda Arimaha Gudah Abdulkadir Cilmi Cali , Gudoomiyaal , Gudoomiye Ku-xigeeno , Xog-hayaasha Degmooyinka ay saamayn karaan fatahaadaha Ellino iyo Qaar kamida Taliyaasha Colalka Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliyeed Ee Ka Howlgala Deeganada Laga Cabsi Qabo ineey Fatahaadu Saamayso.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qaabka ay wada-jir ugu shaqayn karaan maamulada deegaanada ,Hay'adaha samata bixinta iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaalin muuqata ku leh samata bixinta dadka rayidka ah ee saamaynta ugu badan ay ku yeelan karto fatahaadaha ellino ee laga cabsi qabo ineey dhacaan bilaha soo-socda.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la filayaa inuu gacan xooggan ku yeesho Howlgaladda samat-bixinta shacbka, wax ka qabashada baahiyaadka dadka rayidka ee laga yaabo ineey fatahaaduhu ku sababaan Barakaca, iyo ka hortagga saamaynta cadawgu ku badin karo qasaaraha fataahaddaha laga cabsi qabo ineey dhacaan.

Waxaa magaala xeebeedka Marka lagu soo gaba-gabeeyay koobka nabadda ee is dhex-galka dhalinyarada oo ay wadajir u qaban ...
19/10/2026

Waxaa magaala xeebeedka Marka lagu soo gaba-gabeeyay koobka nabadda ee is dhex-galka dhalinyarada oo ay wadajir u qaban qaabiyeen ciidamada amaanka ee Degmada Marka.

Koobkan ayaa waxaa ku guulaystay kooxda dhalinyarada ee horseed iyaga oo ka badiyay dhigooda Al-hidaaya oo wada ciyaareen ciyaar xiiso badan.

Sarkiisha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee ku sugan degmada ayaa kooxda dhalinyarada horseed gudoonsiiyay koobka , kuna bogaadiyay muhiimadda nabadda iyo is dhexgalka bulshadu leedahay iyo sida dhalinyaradu qayb uga qaadan karto nabadda iyo isdhexgalka bulshada .

Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa markasta u taagan ilaalinta dadka shacabka ah iyo kaalin ka qaadashada dadaalada isdhexgalka dhalinyarada soomaaliyeed .

17/10/2026

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ayaa Deeq Kooban Gaarsiyay Machadka Naafada Ee Sanca Disability Center.

13/10/2026

ilaaliyasha Calanka iyo Ciidda Soomaaliyeed.

10/10/2026

Qaar Kamida Gabdhaha Geesiyaasha Ah Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

06/10/2026

Geesiyaasha Sida Gaarka Ah U Tababaran Ee Kumaandooska Gor Gor XDS.

Address

Villa Gashandhiga
Mogadishu

Telephone

+252770736361

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when CIMIC SNAF posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to CIMIC SNAF:

Shortcuts

Share