Dr Mohamed Osman, PhD د محمد عثمان

Dr Mohamed Osman, PhD د محمد عثمان Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr Mohamed Osman, PhD د محمد عثمان, Government Official, Airport Road Wadajir, Mogadishu.

Commissinner, Somali National Independent Human Rights Commission and
Special Representative and Goodwill Ambassador for Somalia for the United Nations University for Peace - Somalia Programme.

Magacaabis kasta oo xilal sare ah ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo lagu sameeyo si hal dhinac ah, iyada...
08/02/2026

Magacaabis kasta oo xilal sare ah ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo lagu sameeyo si hal dhinac ah, iyada oo aan la qaban kulan Guddiga, aan la shaacin shaqooyinka, isla markaana aan loo marin tartan furan, waa jebin cad oo Dastuurka iyo Sharciga Lr. 16.

Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Qodobka 4 (sarraynta Dastuurka), Qodobka 33 (go’aannada maamul ee sharciyeysan), iyo Qodobka 111B ee Cutubka 10aad (madax-bannaanida iyo nidaamka guddiyada qaranka), waxay farayaan in go’aannadu noqdaan kuwo sharci, hufan, isla markaana lagu gaaro hab waafaqsan nidaamka hay’adda.

Sidoo kale Sharciga Lr. 16, Cutubka 10aad, wuxuu si cad u dhigaya in Agaasimaha Guud iyo shaqaalaha lagu soo xulo tartan furan, si loo xaqiijiyo caddaalad, sinaan, iyo fursad siman oo muwaadiniinta Soomaaliyeed loo wada heli karo.

Sidaa darteed, go’aan kasta oo hal dhinac ah waa sharci-darro, wuxuuna dhaawacayaa kalsoonida hay’adda iyo xaqa ay leeyihiin aqoonyahannada Soomaaliyeed ee sugaya tartan caddaalad ah. Dhammaan Komishinarradu waa inay si wadajir ah uga doodaan arrimahan oo ay ku dhaqmaan sharciga

Mahadsanid.

01/05/2025

Waxaa farxad weyn ii ah inaan ka mid noqdo boqolaal hoggaamiyeyaal ka socda ururrada rayidka ah oo isugu yimid magaalada Baku ee dalka Azerbaijan 🇦🇿, si ay uga qaybgalaan shirweyniha aasaaska madasha oo ay ka soo qayb galeen wufuud ka socota 116 dal, kuwaas oo ka kooban 80% dadka dunida.

Waxaan sidoo kale waraysi siiyay Orkhan Amashov oo ka tirsan TV-ga ANEWZ TV.

‏جمعة مباركة! نتذكر في هذا اليوم المبارك أن القوة الحقيقية تكمن في رفع بعضنا البعض. ونتحد في الصلاة، لتملأ قلوبنا بالرحم...
23/08/2024

‏جمعة مباركة! نتذكر في هذا اليوم المبارك أن القوة الحقيقية تكمن في رفع بعضنا البعض. ونتحد في الصلاة، لتملأ قلوبنا بالرحمة وتُلهم أفعالنا مستقبلاً أكثر إشراقًا للجميع.

Latest Videos More Videos Recent Updates See All Book Reviews See All Latest Features See All Publications See All More

Waxaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeynaya Xuska munaasabadda 26-ka Juun oo ku beegan 64-sano guuradii kasoo wareeg...
25/06/2024

Waxaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeynaya Xuska munaasabadda 26-ka Juun oo ku beegan 64-sano guuradii kasoo wareegtey markii Gobolada Waqooyi ay xornimada ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska 26 Juun, 1960-kii. Caawa waxeey ku beegantahay markii ugu horeeysay calankeenna Cawaale laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah.

Qolobaa calankeed, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale ee, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye.

Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa, adow curadee, cadceeda sidee, lo caan noqo ee, sidii culagii, ciidad marisee.

Alloow haku celin. Alloow haku celin

Hambalyo dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gudaha iyo dibedda....
15/06/2024

Hambalyo dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gudaha iyo dibedda. Waxaan rajeeynaya munaasabadda Ciidda Carafo awgeeda in alle weeyne ina siiyo nabad, barwaaqo iyo wada noolaashiya dhaxdeena ah.

Eid Al-Adha Mubarak.

Booqashadii aan dhawaan ku tagay magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha iyo jaamacadda Shanghai ee cilmiga siyaasadda iyo ...
02/06/2024

Booqashadii aan dhawaan ku tagay magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha iyo jaamacadda Shanghai ee cilmiga siyaasadda iyo sharciga, waxaa isoo jiitay taallo ku taalla maktabadda jamacadda taasoo xasuusin u ah ardayda in "dhibic biyo ah ay daloolin karto dhagax" taasoo muujineysa adkeysiga iyo joogteynta hadafka lagaga miro dhalin karo, sida dhibcaha biyaha jilcan waqti kadib ay daloolin karaan dhagax. Orahdaan waxaan markii ugu horreysay aan maqlay 24 sano ka hor xilligii iskuulka, waanan ku faraxsanahay inaan arko isagoo ku dhex jira farshaxan aad u qurux badan. Waa xasuusin xoog leh in dadaalka joogtada ahi uu horseedo guulo waaweyn. Guuleeysta!

16/05/2024

Waxaa Alle mahadiis ah in galabnimadii shalay aheyd in ay inoo soo gabo gaboobday koob aan ku maamuusaynay dhalinyaradii Somali Youth League (SYL) ee dhaftootada u huray dalka aan dhaxalnay, taas oo ay maanta ku beegneyd sanad guuradii 81aad.

Tartankaan ayaa ka qabsoomay todobaadyadii la soo dhaafay caasimadda dalka ee Muqdisho, ayadoo ay ka qeyb qaateen qeebaha kala duwan ee dhalanyarta sida Kooxda dadka maqalka la', YouTubers-ka, TikTokers-ka iyo Kooxda macalamiinta kubadda cagta.

Ugu dambeyn, waxaan u mahadcelinaya dhamaan intii ka soo qeyb qaadatay qaban qaabada koobkaan qiimaha leh ee dhalinyarada u ahaa dhiirogelin iyo xasuusin, kuwaas oo dalka ka ah boqolkiiba 70-tan, taasoo tusaala muhiim u ah sida ay dalkaan ugu soo halgameen kuwa asaagooda ah kana tiro yaraa.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed, Gaar ahaan dhalanyarta oo aan aniga ka mid ahay ugu hambalyaynayaa Munaasabadda 15ka May 0...
15/05/2024

Waxaan shacabka Soomaaliyeed, Gaar ahaan dhalanyarta oo aan aniga ka mid ahay ugu hambalyaynayaa Munaasabadda 15ka May 00 ku beegan aasaaska Ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed ee Somali Youth League (SYL)

12/05/2024

Wuxuu ahaa wreysi xiiso badan oo aan siiyay Television-ka SMS Somali TV kaas oo aan kaga hadlay qodoba dhinacyo badan taabanaayo sida waxa ay Soomaaliya iyo Vietnam isaga egyihin, waxa ay Soomaalida ka baran karaan vietnam madaama dalkaas uu dagaal la galay quwadaha waaweeyn sida Mareeykanka iyo Faransiika ka.

Madaama aan u ahay dalkayga iyo dadkeyga Soomaaliyeed sahan, waxaan jira waxyaalo i qiiro galiyay oo ay tahay inaan ka barano dadkaan reer Vietnam, colaadihi ay soomareen waxeey bartay oo aad ka dheeheneyaa furfurnaan dabacsanaan iyo in la jaan qaadaan dunida, ayagoo u badalay colaadii i qalafsanaanti ay soomaareen fur furnaan kala dhaxeysa aduunka intiisa kale.

Waxaa xusid mudan dhamaan colaadihi iyo dagaaladi ay soomareen reer Vietnam waxoo aha wax ay qeyb ka ahayeen dad reer Vietnam ah oo ay cadowga ku soo hogaamiyeen. Gudineey ima goyseen haddaan gobolkey kugu daabneyn!. geed la gooyay oo geed kale ka cabanaya ayaa beri wuxuu yiri "Gudineey ima goyseen haddaanu gobol iga mid ihi kugu daabneyn! taana waxey qeexeysaa gacal is cunay oo dantiisa garan waayay inuu halis ku jiro gumeysina u gacan galay.

Waxa aan ka baran karno ayaa ah in Vietnam dadkeeda ee labada dhinac ah midna dalka difaaciisa u dagaalamay midna cadowga soo hogaamiyey in ay ka hashiyeen oo ay u midoobeen shisheeyaha ku soo duulay ee aanan kala garaneyn.

Waxaan ku dardaarmaya cadowga nama kala garanayo Soomaliyeey, Soomaali ayaan u nahay hal diin iyo hal af ayaan u leenahay Vietnam cashar badan ayaa ku jira ee aan ka qaadano cashiro muhiim ah.

Waxaan ku faraxsananahay martiqaadka aan kaga qayb-galayo sannad-guuradii 70-aad ee ka soo wareegatay guushi Dien Bien P...
06/05/2024

Waxaan ku faraxsananahay martiqaadka aan kaga qayb-galayo sannad-guuradii 70-aad ee ka soo wareegatay guushi Dien Bien Phu ay shacabka reer Vietnam ka gaareen Faransiiska 7da May, 1954tii, anigoo ka wakiil ah Jamacadda UPEACE. Waxaan Kulan quraac ah la qaatay Mua A Son, ku xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee xisbiga Dien Bien Provincial Party Committee, wuxuu ahaa mid miro dhal ah, kaas oo aan diiradda ku saarnay ka hadalka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta taariikhiga ah. Ujeeddadu waa in la abuuro rajooyin cusub, mustaqbal ifaya oo leh nabad iyo barwaaqo. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan kula dabaaldego dadka Vietnam xuska sannad-guurada guushooda.

Address

Airport Road Wadajir
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Mohamed Osman, PhD د محمد عثمان posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dr Mohamed Osman, PhD د محمد عثمان:

Share