15/04/2026
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo Hambalyeeyay Maalinta Farshaxanka Adduunka.
Muqdisho, 15 Abriil 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo u diray guud ahaan farshaxan-yahannada Soomaaliyeed munaasabadda 15-ka Abril Maalinta Farshaxanka Adduunka, oo maalin ay u asteysay Hay'adda Qaramada Midoobay ee UNESCO, sanadkii 2019, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee farshaxanku ku leeyahay ilaalinta dhaqanka, iyo kobcinta hal-abuurka dhalinyarada.
Wasiirku wuxuu tilmaamay in farshaxanku yahay tiir muhiim u ah dhismaha bulsho wacyi leh, mideysan, isla markaana leh aragti horumarineed, isagoo adkeeyay in Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay ka go’an tahay dhiirrigelinta iyo taageerada farshaxan-yahannada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada hal-abuurka leh.
Munaasabaddan awgeed, Wasiirka ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay farshaxamiiste Cabdinaasir Cabdulqaadir Maxamed, oo guul ka soo hooyay tartanka hal-abuurka dhalinyarada ee Urur-Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), taas oo muujinaysa kartida iyo horumarka ay gaareen dhalinyarada Soomaaliyeed ee tartamada fagaarayaasha caalamka.
Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa yiri: “Guusha Cabdimaasir waa guul u soo hoyatay farshaxanka Soomaaliyeed. Waxay tusaale u tahay kartida iyo hal-abuurka dhalinyaradeenna, waxaana muhiim ah in dhalinyaradu ku dhiirradaan ka qaybgalka tartamada heer gobol iyo caalami ee kor u qaadaya magaca iyo sharafta Soomaaliya.”
Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu ku boorriyay dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan hal-abuurkooda, isla markaana ka faa’iideystaan fursadaha ay bixiyaan tartamada iyo barnaamijyada caalamiga ah ee horumarinaya farshaxanka iyo dhaqanka.