31/05/2025
Taliyaha Waaxda Tacaddiyada Haweenka iyo Carruurta ee Booliiska Soomaaliyeed oo Ka Qeyb Gashay Olole Wacyigelin ah oo Ka Dhan ah Tubaakada
Muqdisho, 31 May 2025 – Iyadoo maanta ay ku beegan tahay Maalinta Caalamiga ah ee Ka Hortagga Tubaakada, ayaa Taliyaha Waaxda Tacaddiyada Haweenka iyo Carruurta ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Fardowsa Cabdullaahi Abtidoon, ka qeyb gashay tababar iyo kulamo wacyigelin ah oo diiradda lagu saarayay waxyeelada tubaakada, gaar ahaan saameynta ay ku leedahay caafimaadka haweenka iyo carruurta.
Ololahan wacyigelinta ah oo si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa ka dhacay Dugsiga Tababarka Booliska ee Janaraal Kaahiye, waxaana bartilmaameedkoodu ahaa ciidanka ku jira tababarka, si loo xoojiyo fahamka ay u leeyihiin halista caafimaad ee ay leedahay tubaakadu.
Kulamadan ayaa muhiimad gaar ah siinayay sidii loo kobcin lahaa doorka ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin ka hortagga isticmaalka tubaakada ee bulshada dhexdeeda. Waxaa sidoo kale la sameeyay guddi wacyigelin ah oo ay Booliisku qeyb ka yihiin, kuwaas oo diiradda saaray sida wax ku oolka ah ee ciidamada booliisku uga qeyb qaadan karaan wacyigelinta iyo ka hortagga halista caafimaad ee tubaakada.
Taliye Fardowsa Cabdullaahi Abtidoon ayaa xustay waxyeelada tubaakada si gaar ah u saamaynta ay ku lee dahay haweenka uurka leh, carruurta iyo dhalinyarada, taasoo sabab u ah baahi weyn oo loo qabo in si joogto ah loo qabto wacyigelin iyo olole lagu badbaadinayo caafimaadka bulshada Soomaaliyeed. Waxay sheegtay in Booliisku uu leeyahay masuuliyad ka saaran ilaalinta caafimaadka dadweynaha, iyadoo loo marayo wacyigelin, la-talin, iyo tallaabo sharciyeed.
Waaxda Tacaddiyada Haweenka iyo Carruurta ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday inay sii xoojin doonto doorkeeda ku aaddan ilaalinta iyo badbaadinta bulshada, si gaar ahna u ilaalin doonta xuquuqda iyo caafimaadka haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed.