Wasaaradda Dakadaha & Gaadiidka Badda Galmudug

Wasaaradda Dakadaha & Gaadiidka Badda Galmudug Ministry of port and marine transportation

Wasaarada dekedaha iyo gaadiidka badda Galmudug iyo ciidanka badda Somalia ayaa mantay kormeer ka sameeyay Biyaha Badda ...
24/05/2026

Wasaarada dekedaha iyo gaadiidka badda Galmudug iyo ciidanka badda Somalia ayaa mantay kormeer ka sameeyay Biyaha Badda Hobyo Xili ay doomo badan ka dagayaan dekedda Hobyo

20/05/2026

Waxaa Meel Wanaagsan Maraya Dhismaha Dakadda Hobyo oo Mudo Badan Larajeenayay in Mar un dhisanto

Hadda Meel Layaqaan ayay joogta

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda Galmudug Qaybna uu ka ahaa Wasiir Dawlaha Wasaaradda...
18/05/2026

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda Galmudug Qaybna uu ka ahaa Wasiir Dawlaha Wasaaradda isbadalka Cimilada Galmudug iyo Agasimayal Katirsan Wasaaradda Dakadaha & Gaadiidka Badda Galmudug ayaa Gaaray Magaalada Budbud ee Gobalka Mudug

Wafdigaan ayaa waxa si wayn usodhaweeyay Maamulka Dagmada Afbarwaqo Wax garadka Odayaasha Dhaqanka Dhalinyarada Haweenka iyo Qaybaha Kala Duwan ee Reer Budbud

ujeedka Safarkaan ayaa ah Sidi Loogu Kuurgali Lahaa Xaladda isbadalka Cimilada oo si wayn uga jirta Deegankan

17/05/2026

wasiirka Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda Galmudug Maxamuud Abdi Ciise oo ay wehliyaan Agaasimayasha Waaxaha Wasaradda ayaa Booqday Dakadda Macmalka ah ee Dagmada Hobyo

Wasiirka ayaana ukuur galay Shaqada kascota Dekadda Taasi ay kadagayan Doonya Sida Agab fara badan kuwasi oo uraran Ganacsato somaliyeed

15/05/2026

Safarka Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Dakadaha & Gaadiidka Badda Galmudug uu kugaaray Dagmada Hobyo

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, Maxamuud Cabdi Ciise, ayaa maa...
15/05/2026

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, Maxamuud Cabdi Ciise, ayaa maanta gaaray degmada xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isbeddelka Cimilada Dowladda Galmudug Mustaf Qodhob, Guddoomiye ku-xigeenka shaqaalaha Raadiyaha Galmudug, Guddoomiyaha degmada Afbarwaaqo, iyo xubno ka socday Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda.

Wafdigan ayaa waxaa afaafka h**e ee degmada Hobyo ku soo dhoweeyay maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, saraakiisha booliska degmada, maareeyaha iyo maareeye ku-xigeenka dekedda Hobyo, xubno ka socday Wasaaradda Dekadaha, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Reer Hobyo

Maareeyaha Dekedda Hobyo Xasan Dacad ayaa si weyn u soo dhoweeyay wasiirka iyo wafdigiisa.

Ugu dambeyn, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isbeddelka Cimilada Galmudug iyo Wasiirka Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Galmudug ayaa uga mahadceliyay bulshada iyo maamulka degmada soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen.

Wasiirkana ayaa sheegay in safarkiisu uu qeyb ka yahay kormeer la xiriira dhismaha dekedda Hobyo iyo dadaallada lagu xoojinayo horumarinta dekedda iyo sugidda amniga badda Galmudug.

Wuxuu sidoo kale xusay in Wasaaradda Dakadaha iyo ciidamada ilaalinta badda Soomaaliya ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan amniga iyo horumarinta badda Galmudug.

Kaafiin Maxamed Abdi

29/04/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, Cabshir Xaashi Cali Canshuur, oo wareysi siiyay idaacadda BBC, ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in maraakiib laga afduubtay xeebaha Puntland lagu hayo xeebaha Galmudug.

OGEYSIIS RASMI AHWasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowlad Goboleedka Galmudug waxay ku wargelinaysaa dhammaan d...
06/04/2026

OGEYSIIS RASMI AH

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowlad Goboleedka Galmudug waxay ku wargelinaysaa dhammaan daneeyayaasha, gaar ahaan milkiilayaasha iyo hawlwadeennada doomaha, in dib-u-eegis lagu sameeyay khidmadihii h**e ee adeegyada dekedaha.

Khidmadaha doomaha oo h**e u ahaa $1700 ayaa hadda loo kordhiyay $2500.
Isbeddelkan waxaa lagu saleeyay:
Horumarinta adeegyada dekedaha
Kordhinta amniga badda Dayactirka iyo casriyeynta kaabeyaasha dekedaha

Wasaaraddu waxay xuseysaa in kordhintan ay tahay mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo adeeg hufan, waara, isla markaana la jaanqaadaya baahida sii kordheysa ee gaadiidka badda.

Dhammaan milkiilayaasha doomaha waxaa laga codsanayaa inay u hoggaansamaan nidaamkan cusub, laga bilaabo taariikhda lagu dhawaaqay.

— DHAMMAAD —

28/03/2026

Wasiirka Wasaaradda Dakadaha &Gaadiidka Badda Dawladda Galmudug Maxamuud Abdi Ciise ayaa
Mw Dawladda Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kaariye (Qoor Qoor) kaga Mahadceliyay Magaacabistisa uu umagacaabay Wasaaradda

Wasiirka ayaa Sidookale uma Had celiyay Shacabkii iyo Masuliyintii kala duwanaa ee Reer Galmudug ee uhambalyeeyay

Hambalyada Munaasabadda Ciidul-Fidriga​Ku: Dhammaan Umadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan.Ka: Was...
19/03/2026

Hambalyada Munaasabadda Ciidul-Fidriga
​Ku: Dhammaan Umadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan.
Ka: Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Galmudug.

​Waxaa farxad weyn noo ah, anigoo ku hadlaya magaca Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Maxamuud Cabdi Ciise, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, iyo dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda, inaan hambalyo kal iyo laab ah u dirno umadda Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Fidriga awgeed.

​Waxaan Alle uga baryeynaa inuu naga aqbalo acmaashii suubbanayd ee aan soo qabannay bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

Address

Dhusamareb
Mogadishu
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Dakadaha & Gaadiidka Badda Galmudug posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Dakadaha & Gaadiidka Badda Galmudug:

Share