25/09/2025
Muqdisho, September 25, 2025.
Guddoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka, Mudane Maxamed Cabdul Jaamac, oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan hay’adda, ayaa galabta ka qeyb galay ciyaar kubbadda cagta ah oo ka dhacday Garoonka Kubada Cagta ee Beerta Benadir ee magaalada Muqdisho. Tartanka oo ay ka qeyb galeen afar kooxood oo ka tirsan Xiriirka Kubbadda Cagta Naafada Soomaaliyeed (SAFF), kuwaas oo kala ahaa: JUBA AMP, SHABELLE, KICK4PEACE, iyo BAARI EXP. Kooxahaas oo ka tirsan dhalinyarada naafada ah ayaa soo bandhigay ciyaar xiiso badan oo soo jiidatay dadkii daawanayay.
Tartan adag kadib, kooxda JUBA ayaa guuleysatay, waxaana koobka guusha gudoonsiiyey Guddoomiye Maxamed Jaamac. Guddoomiyaha oo hadal kooban halkaas ka jeediyay, waxaa uu u hambalyeeyey kooxda guuleysatay iyo dhammaan ciyaartoyda ka qeyb gashay tartanka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan firfircoonida ciyaaraha. Wuxuu tilmaamay in ka qeybqaadashada ciyaaraha ay leedahay faa’iidooyin badan oo jireed iyo maskaxeed, gaar ahaan dhalinyarada naafada ah. Guddoomiyaha ayaa xusay in Hay’adda Naafada Qaranka ay taageeri doonto Xiriirka SAFF, si loo xoojiyo hawlaha iyo fursadaha ciyaaraha ee dhalinyarada naafada ah.
Intaa waxaa dheer, Mudane Jaamac wuxuu amaan gaar ah u jeediyey Mr. Abdiaziz Abdullahi Kadiye, Guddoomiyaha SAFF, iyo garsoorayaasha iyo mutadawiciinta u hibeeyay waqtigooda qabanqaabada ciyaaraha dhalinyarada naafada ah.