Gen. Dayax Cabdi Cabdulle

Gen. Dayax Cabdi Cabdulle Bogga Rasmiga ah Ee Gen. Dayax Cabdi Cabdulle Taliyahii hore ee Ciidanka dhulka CXDS 🇸🇴.

11/04/2026

Waxaan hambalyo udirayaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, sareeyaasha, alifleyda, dableyda iyo xaasaaskooda & caruurtooda. Munaasabada 12-April darted taas oo ku beegan aasaaskii CXDS ee 1960.

Hambalyo waxaan u rajaynayaa guul iyo soo kabasho, kamid noqoshada CXDS waa sharaf iyo karaamo 🇸🇴.

10/04/2026

Waa guul wayn soo saarista shidaalka dalkeena
ee Qofkasta ha soo qaato fuusto loogu shubo.

Waxaan hambalyo heerkeedu sareeyo udirayaa walaalkay 𝗗𝗿 Abdikani Abdikarin Sh Osman oo soo afmeeray heerka koowaad ee Ja...
05/03/2026

Waxaan hambalyo heerkeedu sareeyo udirayaa walaalkay 𝗗𝗿 Abdikani Abdikarin Sh Osman oo soo afmeeray heerka koowaad ee Jaamacada
kana baray Kulliyada Daawaynta iyo Qaliimada
(𝗕𝗮𝗰𝗵𝗲𝗹𝗼𝗿 𝗼𝗳 𝗺𝗲𝗱𝗶𝗰𝗶𝗻𝗲 𝗮𝗻𝗱 𝗕𝗮𝗰𝗵𝗲𝗹𝗼𝗿 𝗼𝗳 𝗦𝘂𝗿𝗴𝗲𝗿𝘆)🎓.

Walaal waxaan kuu rajaynayaa guulo badan, dadaal dheer, iyo inaad noqoto dhakhtar dadka u adeega si naxariis iyo aqoon leh. Safarkaaga waxbarashana hada ayaad bilow fiican joogtaa balse waxaana kugu boorinayaa inaad dadaalkaaga sii labo jibaarto ilaa aad takhakhus ka samayso 🙏.

31/12/2025
04/12/2025

Kooxiihii ololaha Suudan waday bal xaga Maraykanka dadkeena jooga taageera intii mudo ah.

Allaah ha u naxariisto Shiikh Muxammed Cabdullaahi Aadan (Shiikh Jannagale).Shiikha oo ku geeriyooday magaalada Galkacyo...
27/10/2025

Allaah ha u naxariisto Shiikh Muxammed Cabdullaahi Aadan (Shiikh Jannagale).

Shiikha oo ku geeriyooday magaalada Galkacyo, wuxuu ahaa qof ku suntan faafinta diinta iyo arrimaha dacwada guud ahaan dowlad deegaanka Soomaalida gaar ahaan gobalka Doolo.

Shiikha geeridiisa waxaan uga tacsiyeeynayaa guud ahaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday, Marxuumka Allaah ha u danbi dhaafo oo hoygiisa ha kadhigo janatul fardowsa, Aamiin.

Hambalyo Maalinta 12-Oct-2025.Calanka Soomaaliyeed waa astaan nabad, himilo & han sare, waana waajib in aynu ilaalino sh...
12/10/2025

Hambalyo Maalinta 12-Oct-2025.

Calanka Soomaaliyeed waa astaan nabad, himilo & han sare, waana waajib in aynu ilaalino sharafkiisa kuna barbaarino jiilka cusub jacaylka dalkooda, dadkooda iyo astaantooda oo ah Calanka buluuga ah ee Cawaale 🇸🇴.

Waxaan uga tacsiyaynayaa ummada Somaaliyeed gaar ahaan ciidamada daraawiishta Puntland geerida Jeneraal, Axmed Cabdi Ali...
23/09/2025

Waxaan uga tacsiyaynayaa ummada Somaaliyeed gaar ahaan ciidamada daraawiishta Puntland geerida Jeneraal, Axmed Cabdi Ali "Qalyare" oo ahaa Taliyihii guutada 2aad ee ciidanka daraawiishta Puntland ee argagixisada kula dagaalamaya Buuraleyda Calmiskaat oo ku shahiiday dagaalka lagula jiro kooxda nabad iyo nafba diidka ah ee Daacish.

Mogadishu: 12 - Sept - 2025.Ciidanka xoogga dalka waxay gaareen guul lagu jabiyay kooxda camaasiirta khwaarijta ah ee we...
12/09/2025

Mogadishu: 12 - Sept - 2025.
Ciidanka xoogga dalka waxay gaareen guul lagu jabiyay kooxda camaasiirta khwaarijta ah ee weererka kusoo qaaday degmada Ceeldheer.

Waxaan bogaadinayaa xubin kasta oo CXDS ka tirsan kana qayb qaadatay guushaas intii dhimatay ilaahay ha unaxariisto.

"Guulbaa sharaf leh geesinimo diintaa leh "

Innaalillaahi Wa Innaa Ilayhi RaajicuunWaxaan Tacsi tiiraanyo leh u udirayaa Qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soo...
06/09/2025

Innaalillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u udirayaa Qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, geerida ku timi, Alle ha u naxariistee, Macalin Maxamuud Xuseen Xaaji (Sigad) oo ku geeriyooday magaalada Galkacyo.

Marxuumka oo ahaa Macalin barbaariye iyo bare sare waxuu door muhiim ah ka soo qaatay soo saarista jiilal badan oo cilmi iyo aqoon ku hubaysan.

Waxaan Allaah u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Marxuumku.

Hambalyo Waxaan u dirayaa hambalyo Madaxweynaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari- Soomaaliya, Saaxiibkay, Mu...
30/08/2025

Hambalyo

Waxaan u dirayaa hambalyo Madaxweynaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari- Soomaaliya, Saaxiibkay, Mudane Abdiqaadir Awcali Firdhiye.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gen. Dayax Cabdi Cabdulle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share