Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Government Organization, Mogadishu.
(1)

Banadir Regional Education Directorate is the education authority of the Banadir Regional Administration responsible for policy implementation, strategic planning, quality assurance and oversight of education services across Banadir Region.

π—”π—šπ—”π—”π—¦π—œπ— π—”π—›π—” π—šπ—¨π—¨π—— 𝗒𝗒 𝗧𝗔𝗕𝗔𝗕𝗔π—₯ 𝗨 𝗙𝗨π—₯𝗔𝗬 π— π—”π—”π— π—¨π—Ÿπ—”π—¬π—”π—”π—¦π—›π—” π——π—¨π—šπ—¦π—œπ—¬π—”π——π—” 𝗗𝗔𝗗π—ͺπ—˜π—¬π—‘π—”π—›π—”Muqdisho: Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka B...
10/09/2026

π—”π—šπ—”π—”π—¦π—œπ— π—”π—›π—” π—šπ—¨π—¨π—— 𝗒𝗒 𝗧𝗔𝗕𝗔𝗕𝗔π—₯ 𝗨 𝗙𝗨π—₯𝗔𝗬 π— π—”π—”π— π—¨π—Ÿπ—”π—¬π—”π—”π—¦π—›π—” π——π—¨π—šπ—¦π—œπ—¬π—”π——π—” 𝗗𝗔𝗗π—ͺπ—˜π—¬π—‘π—”π—›π—”

Muqdisho: Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir, Mudane, Abdurahman Ali Mohamed, ayaa furay tababar loo qabtay maamulayaasha iyo guddiyada waalidiinta ee Dugsiyada Dadweynaha, kaas oo ku saabsanaa hab-maamulka iyo maareynta kabka deeqda dugsiyada (School Capitation Grant) ee la siiyo dugsiyada, si loogu daboolo baahiyaha kala duwan ee dugsiyada.

Agaasimaha Guud ayaa kula dardaarmay maamulayaasha iyo guddiyada waalidiinta in lacagahaas loo maamulo si hufan, daahfuran oo masuuliyad leh, isla markaana loogu isticmaalo dugsiyada si waafaqsan qorshihii loogu talagalay.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa ku adkeeyay maamulayaasha iyo guddiyada waalidiinta in ay xoojiyaan hirgelinta awaamiirta dhigaysa in waalidiinta Soomaaliyeed aan laga qaadi karin wax lacag ah, nooc kasta oo ay tahay, isla markaana dugsiyada dadweynuhu si buuxda u noqdaan lacag-la’aan.

10/09/2026

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir wuxuu bogaadinayaa dugsiyada Gobolka Banaadir ee taagay Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu sidoo kalana farayaa dugsiyada aan weli taagin inay si rasmi ah u taagaan Calanka JFS.

07/09/2026

π—ͺπ—”π—¦π—œπ—œπ—₯π—žπ—” π—ͺ𝗔𝗦𝗔𝗔π—₯𝗔𝗗𝗗𝗔 π—ͺ𝗔𝗫𝗕𝗔π—₯𝗔𝗦𝗛𝗔𝗗𝗔, π—›π—œπ——π——π—”π——π—” π—œπ—¬π—’ π—§π—”π—–π—Ÿπ—œπ—œπ—‘π—§π—” 𝗦𝗔π—₯π—˜ 𝗒𝗒 π—žπ—’π—₯π— π—˜π—˜π—₯ π—žπ—¨ π—§π—”π—šπ—”π—¬ 𝗀𝗔𝗔π—₯ π—žπ—” π— π—œπ—— 𝗔𝗛 π——π—¨π—šπ—¦π—œπ—¬π—”π——π—” π—šπ—’π—•π—’π—Ÿπ—žπ—” π—•π—”π—‘π—”π—”π——π—œπ—₯

Muqdisho, 07 Sebteembar 2026 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulkadir, ayaa maanta kormeer ku tagay qaar ka mid ah dugsiyada Gobolka Banaadir, xilli toddobaadkan ay dhammaan dugsiyada Gobolka Banaadir ka bilaabatay diiwaangelinta iyo diyaar-garowga sannad-dugsiyeedka cusub.

Waxaa kormeerka Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir, Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Aasaasiga ah ee Wasaaradda, iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyo iyo Madax-Qaybeedyo.

Kormeerkan ayaa daba socda ballanqaadkii Wasiirka uu ka sheegay shirkii wadatashiga waxbarashada, kaas oo ahaa in sannad-dugsiyeedkan dugsiyada lagu sameyn doono kormeer joogto ah, lana joogteyn doono la-socodka xaaladda dugsiyada, si loo horumariyo tayada waxbarashada, iyadoo diiradda la saarayo waxqabadka iyo waxa dugsiyada ka dhex socda.

Wasiirka ayaa intii uu kormeerka ku guda jiray xog ka dhageystay maamulka dugsiyada, macallimiinta iyo qeybaha kale ee waxbarashada, isagoo ku booriyay in la xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada iyo tayada adeegyada waxbarasho.

π—ͺπ—”π—¦π—œπ—œπ—₯π—žπ—” π—ͺ𝗔𝗦𝗔𝗔π—₯𝗔𝗗𝗗𝗔 π—ͺ𝗔𝗫𝗕𝗔π—₯𝗔𝗦𝗛𝗔𝗗𝗔, π—›π—œπ——π——π—”π——π—” π—œπ—¬π—’ π—§π—”π—–π—Ÿπ—œπ—œπ—‘π—§π—” 𝗦𝗔π—₯π—˜ 𝗒𝗒 π—žπ—’π—₯π— π—˜π—˜π—₯ π—žπ—¨ π—§π—”π—šπ—”π—¬ 𝗀𝗔𝗔π—₯ π—žπ—” π— π—œπ—— 𝗔𝗛 π——π—¨π—šπ—¦π—œπ—¬π—”π——π—” π—šπ—’π—•π—’π—Ÿπ—žπ—” 𝗕𝗔𝗑𝗔𝗔𝗗...
07/09/2026

π—ͺπ—”π—¦π—œπ—œπ—₯π—žπ—” π—ͺ𝗔𝗦𝗔𝗔π—₯𝗔𝗗𝗗𝗔 π—ͺ𝗔𝗫𝗕𝗔π—₯𝗔𝗦𝗛𝗔𝗗𝗔, π—›π—œπ——π——π—”π——π—” π—œπ—¬π—’ π—§π—”π—–π—Ÿπ—œπ—œπ—‘π—§π—” 𝗦𝗔π—₯π—˜ 𝗒𝗒 π—žπ—’π—₯π— π—˜π—˜π—₯ π—žπ—¨ π—§π—”π—šπ—”π—¬ 𝗀𝗔𝗔π—₯ π—žπ—” π— π—œπ—— 𝗔𝗛 π——π—¨π—šπ—¦π—œπ—¬π—”π——π—” π—šπ—’π—•π—’π—Ÿπ—žπ—” π—•π—”π—‘π—”π—”π——π—œπ—₯

Muqdisho, 07 Sebteembar 2026 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulkadir, ayaa maanta kormeer ku tagay qaar ka mid ah dugsiyada Gobolka Banaadir, xilli toddobaadkan ay dhammaan dugsiyada Gobolka Banaadir ka bilaabatay diiwaangelinta iyo diyaar-garowga sannad-dugsiyeedka cusub.

Waxaa kormeerka Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir, Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Aasaasiga ah ee Wasaaradda, iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyo iyo Madax-Qaybeedyo.

Kormeerkan ayaa daba socda ballanqaadkii Wasiirka uu ka sheegay shirkii wadatashiga waxbarashada, kaas oo ahaa in sannad-dugsiyeedkan dugsiyada lagu sameyn doono kormeer joogto ah, lana joogteyn doono la-socodka xaaladda dugsiyada, si loo horumariyo tayada waxbarashada, iyadoo diiradda la saarayo waxqabadka iyo waxa dugsiyada ka dhex socda.

Wasiirka ayaa intii uu kormeerka ku guda jiray xog ka dhageystay maamulka dugsiyada, macallimiinta iyo qeybaha kale ee waxbarashada, isagoo ku booriyay in la xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada iyo tayada adeegyada waxbarasho.

Haddii aad u baahan tahay waxbarasho lacag la’aan ah, waxaad ubadkaaga ka diiwaangelin kartaa mid ka mid ah dugsiyada da...
07/09/2026

Haddii aad u baahan tahay waxbarasho lacag la’aan ah, waxaad ubadkaaga ka diiwaangelin kartaa mid ka mid ah dugsiyada dadweynaha Gobolka Banadir ee ku qoran liiska sawirka hoose ka muuqda.

06/09/2026

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Farah Sheikh Abdulkadir ayaa maanta kormeer ku tagay Dugsiyada Dhagaxtuur iyo 12 Oktoobar oo dhawaan la dhisay.

05/09/2026

Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir, Mudane Abdurahman Ali Mohamed, iyo qaar kamid ah madax-qaybeedyada Agaasinka, ayaa kormeer ku tagay Dugsiga Macallin Jaamac, oo maanta si rasmi ah uga bilowday sannad dugsiyeedka 2026–2027.

04/09/2026

Wacyigelin ku Saabsan Diiwaangelinta Ardayda Dugsiyada Gobolka Banaadir.

03/09/2026

Kalmadda Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir, Mudane Abdurahman Ali Mohamed ee Diyaar-garowga Furitaanka Sannad-Dugsiyeedka 2026/2027

β€œDeegaanka Xaaji Cabdi ee Degmada Gubadley oo aan 1,058 boos uga iibinnay dadkii ay saameeyeen hawlaha dib-u-habeynta Op...
02/09/2026

β€œDeegaanka Xaaji Cabdi ee Degmada Gubadley oo aan 1,058 boos uga iibinnay dadkii ay saameeyeen hawlaha dib-u-habeynta Oposiibooyinka, isbuucyo kahor waxaan ka dhagax-dhignay mid kalana ka daahfurnay Dugsi Hoose iyo Dhexe oo loogu talagalay dadka deegaanka si carruurtooda u helaan waxbarasho lacag la’aan ah”

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 15:00
Tuesday 08:00 - 15:00
Wednesday 08:00 - 15:00
Thursday 08:00 - 15:00
Saturday 08:00 - 15:00
Sunday 08:00 - 15:00

Telephone

+252614409540

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir:

Shortcuts

Share