Al-Amin Public Notary مكتب كاتب العدل الآمن

Al-Amin Public Notary مكتب كاتب العدل الآمن Nootaayada Al-Aamin
Al-Aamin Public Notary
مكتب كاتب العدل الآمن

03/08/2026
📢 OGEYSIIS MUHIIM AHIS-DIIWAAN GELINTA DUFCADDA 6AADXafiiska Nootaayada Al-Aamin iyo La-talinta Sharciga wuxuu ku wargel...
03/08/2026

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH

IS-DIIWAAN GELINTA DUFCADDA 6AAD

Xafiiska Nootaayada Al-Aamin iyo La-talinta Sharciga wuxuu ku wargelinayaa dhammaan ardayda iyo dadka daneeynaya inay bilaabatay is-diiwaangelinta Dufcadda 6aad.

Taariikhaha Muhiimka ah

- Is-diiwaangelinta: 05 Sebteembar 2026
- Bilowga Koorsada: 05 Nofeembar 2026

Lacagaha

- Is-diiwaangelinta: $30

Lacagta Waxbarashada:

- 05 Nofeembar 2026 — $30
- 05 Diseembar 2026 — $30
- 05 Janaayo 2027 — $30
- 05 Febraayo 2027 — $30

Jadwalka Gunaanadka

- Muraajaco Guud: 07 Abriil 2027
- Maalinta Imtixaanka: 06 May 2027

Cinwaanka Xafiiska

Xafiiska Warfaafinta ee Nootaayada Al-Aamin
HQ: Mogadishu, Somalia
Address: Via Roma Street, Hamar-Weyne District

Xiriirka

WhatsApp:
+252 61 5214104

Telefoon:
+252 61 5214104
+252 61 1139462
+252 61 0699570
+252 61 0699571
+252 61 0699572
+252 61 0699573
+252 61 0699574
+252 61 9607015

Email:
[email protected]
[email protected]
[email protected]

Website:
alaminnotary.org

"Baro Sharciga, Dhis Mustaqbalkaaga, una Adeeg Bulshada."

Shuruudaha Laga Rabo Ardayga Doonaya Tababarka Nootaayada DadweynahaQof kasta oo doonaya inuu ka qayb galo Tababarka Noo...
03/08/2026

Shuruudaha Laga Rabo Ardayga Doonaya Tababarka Nootaayada Dadweynaha

Qof kasta oo doonaya inuu ka qayb galo Tababarka Nootaayada Dadweynaha waa inuu soo gudbiyaa dukumentiyada iyo shuruudaha soo socda:

1. Nuqul ka mid ah Shahaadada Jaamacadda.
2. Nuqul ka mid ah Shahaadada Dugsiga Sare.
3. Taariikh Nololeed (CV) oo dhammaystiran.
4. Nuqul ka mid ah Baasaboorka ama Kaarka Aqoonsiga (ID Card) oo ansax ah.
5. Laba (2) sawir oo teesaro ah (Passport Size).
6. Fayl adag (Hard File).
7. Nuqul ka mid ah Aqoonsiga Damiinka.
8. Buuxinta iyo saxiixa Foomka Codsiga Tababarka.

Fiiro Gaar ah: Soo gudbinta dhammaan shuruudahan waa waajib si codsiga ardayga loo aqbalo loona dhammeystiro is-diiwaangelinta tababarka.

03/08/2026

UJEEDDO: MAGACAABIS,

Si loo dardar galiyo howlaha mudnaanta u leh ururka Nootaayooyinka Gobolka Banaadir, Waxaa Xoghaya xafiiska ururka loo magacaabay Dr. CABDULAAHI CABDI XIRSI (Ok), waxaana ilaahay uga baryeynaa inuu u fududeeyo shaqada loo igmaday, Anagoo Xubnaha ururka ka codsaneyno inay si dhaw ula shaqeeyaan

29/07/2026
23/07/2026
23/07/2026
بِسْمِ اللهِ الرَّحْمٰنِ الرَّحِيمِإِنَّا لِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَTACSI TIIRAANYO LEHAnigoo ah Garyaqaan Dr...
21/07/2026

بِسْمِ اللهِ الرَّحْمٰنِ الرَّحِيمِ

إِنَّا لِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

TACSI TIIRAANYO LEH

Anigoo ah Garyaqaan Dr. Yasin Ahmed Osman, Madaxa Xafiiska Nootaayada Al-Aamin iyo Latalinta Sharciga, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, bahda caddaaladda iyo shacabka Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Dr. Xuseen Maxamed Muuse (Koofi).

Marxuumku wuxuu ka mid ahaa haldooradii sharciga iyo garsoorka Soomaaliyeed, isagoo ka tegay taariikh wanaagsan, aqoon, waayo-aragnimo iyo adeeg daacadnimo ku dhisan oo uu u qabtay ummaddiisa iyo bahda caddaaladda. Geeridiisu waa khasaare weyn oo soo gaaray qoyskiisa, saaxiibbadiis iyo guud ahaan bahda sharciga Soomaaliyeed.

Waxaan Alle Subxaanahu Watacaalaa uga baryayaa inuu Marxuumka ku mannaysto Jannatul Firdowsa, qabrigiisana u waasiciyo, nuur iyo naxariisna ka yeelo. Sidoo kale waxaan samir iyo iimaan ka rajeynayaa qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan dadka uu ka baxay.

Alle ha u naxariisto Marxuum Dr. Xuseen Maxamed Muuse (Koofi), dambigiisana ha dhaafo, Janatul Firdowsana hoygiisa ha ka dhigo. Aamiin.

Tacsida waxaa diraya:

Garyaqaan Dr. Yasin Ahmed Osman

Madaxa Xafiiska Nootaayada Al-Aamin iyo Latalinta Sharciga

Mogadishu – Soomaaliya

Qeybta 4aad.Wada-shaqeynta Hay’adaha ee u Dhaxeysa Xafiiska Nootaayada Dadweynaha iyo Hay’adaha Dowladda, Gaar ahaan Hay...
10/07/2026

Qeybta 4aad.

Wada-shaqeynta Hay’adaha ee u Dhaxeysa Xafiiska Nootaayada Dadweynaha iyo Hay’adaha Dowladda, Gaar ahaan Hay’adaha Garsoorka iyo Caddaaladda

Hordhac

Si loo xoojiyo ku dhaqanka sharciga iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah, Xafiiska Nootaayada Dadweynaha wuxuu ka mid yahay hay’adaha muhiimka ah ee sharciga, isagoo loo igmaday xaqiijinta iyo sugidda sax ahaanshaha dukumentiyada sharciyeed, diiwaangelinta iyo ansixinta heshiisyada iyo qandaraasyada, iyo in dukumentiyada rasmiga ah la siiyo awood sharciyeed.

Hawlahaas muhiimka ah ee uu Xafiiska Nootaayadu qabto waxay door weyn ka qaataan ilaalinta xuquuqda iyo danaha sharciga ah ee muwaadiniinta, hay’adaha sharciyeed, ganacsiyada iyo hay’adaha dowladda.

Si waajibaadkan si hufan loogu fuliyo, waxaa lama huraan ah in la helo wada-shaqeyn joogto ah, nidaamsan oo ku dhisan sharci oo u dhexeysa Xafiiska Nootaayada Dadweynaha iyo hay’adaha dowladda ee ay khusayso, gaar ahaan kuwa ku shaqada leh garsoorka iyo caddaaladda.

Wada-shaqeyntani waxay kor u qaadaysaa isku-xirka hay’adaha, waxay xoojinaysaa hufnaanta nidaamka caddaaladda, waxayna xaqiijinaysaa daacadnimada iyo saxnaanta habraacyada sharciyeed.

Ujeeddooyinka Wada-shaqeynta Hay’adaha

Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee wada-shaqeyntan waxaa ka mid ah:

1. Xoojinta ku dhaqanka sharciga iyo hubinta fulinta wax-ku-oolka ah ee xeerarka iyo qawaaniinta dalka.

2. Isku-habaynta habraacyada la xiriira xaqiijinta, diiwaangelinta iyo ansixinta dukumentiyada sharciyeed ee rasmiga ah.

3. Hubinta sharciyadda, saxnaanta iyo awoodda fulineed ee heshiisyada, qandaraasyada iyo macaamilada sharciyeed.

4. Ilaalinta xuquuqda iyo danaha sharciyeed ee dadka dabiiciga ah iyo hay’adaha sharciyeed.

5. Kahortagga iyo la-dagaallanka khiyaanada, been-abuurka iyo adeegsiga dukumentiyada aan saxda ahayn.

6. Taageeridda hay’adaha garsoorka iyo caddaaladda iyadoo loo marayo is-weydaarsiga xogta iyo dukumentiyada sharciyeed ee waafaqsan sharciga.

7. Horumarinta hufnaanta, daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo maamul-wanaagga ee howlaha sharci iyo maamul.

Hay’adaha Dowladda ee Ay Khusayso Wada-shaqeyntu

Wada-shaqeyntan waxay si gaar ah uga dhaxeyn kartaa:

- Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka.

- Golaha Adeegga Garsoorka.

- Maxkamadaha dhammaan heerarka kala duwan.

- Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

- Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Waaxaha Dembi Baarista (CID).

- Hay’adda Diiwaangelinta Madaniga iyo Aqoonsiga Qaranka.

- Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

- Hay’adaha Maamulka Dhulka iyo Diiwaangelinta Hantida Ma-guurtada ah.

- Maamul-goboleedyada iyo Maamulada Degmooyinka.

- Hay’ad kasta oo dowladeed oo sharci ahaan u leh awood la xiriirta dukumentiyada sharciyeed, diiwaangelinta, fulinta ama ilaalinta xuquuqda sharciga ah.

Meelaha Wada-shaqeynta

Wada-shaqeyntu waxay ku saabsan tahay, balse aan ku koobnayn, arrimaha soo socda:

1. Xaqiijinta, diiwaangelinta iyo ansixinta heshiisyada, qandaraasyada iyo dukumentiyada kale ee sharciyeed.

2. Hubinta iyo ansixinta Wakaaladaha Sharciyeed (Power of Attorney), xaqiijinta aqoonsiga iyo awoodda sharciyeed ee dhinacyada heshiisyada galaya.

3. Diiwaangelinta iyo xaqiijinta wareejinta lahaanshaha hantida ma-guurtada ah sida dhulka iyo guryaha.

4. Diiwaangelinta dardaaranka, arrimaha dhaxalka, caddeynta dhaxal-helayaasha iyo dukumentiyada la xiriira.

5. Gudbinta dukumentiyada rasmiga ah iyo xogta sharciyeed ee loo baahan yahay maxkamadaha, xafiisyada dacwad-oogista iyo hay’adaha kale ee awoodda u leh.

6. Xaqiijinta saxnaanta dukumentiyada rasmiga ah iyo iska-kaashiga ka hortagga been-abuurka, khiyaanada iyo wax-ka-beddelka dukumentiyada.

7. Taageeridda fulinta go’aannada maxkamadaha marka uu sharcigu oggol yahay.

8. Wada-shaqeynta dhinaca tababarrada xirfadeed, dhisidda awoodda hay’adaha iyo is-weydaarsiga khibradaha sharciyeed ee ku saabsan howlaha Nootaayada.

Mabaadi’da Hagaya Wada-shaqeynta

Wada-shaqeyntan waxaa lagu saleeynayaa mabaadi’da soo socda:

- Ixtiraamka Dastuurka iyo sharciyada dalka.

- Madaxbannaanida Garsoorka.

- Ku dhaqanka sharciga iyo habraacyada sharciyeed.

- Ilaalinta sirta xirfadeed iyo xogta gaarka ah.

- Daahfurnaan, hufnaan iyo isla xisaabtan.

- Adeeg bulsho oo tayo leh, hufan oo waxtar leh.

- Isku-duwid hay’adeed iyo wada-shaqeyn joogto ah.

- Ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadaha muwaadiniinta.

Faa’iidooyinka Wada-shaqeynta Hay’adaha

Wada-shaqeyn wax-ku-ool ah oo u dhexeysa Xafiiska Nootaayada Dadweynaha iyo hay’adaha dowladda waxay gacan ka geysaneysaa:

- Xoojinta kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowladda.

- Sugidda amniga iyo hubinta macaamilada sharciyeed.

- Yareynta khilaafaadka sharci iyo dacwadaha aan loo baahnayn.

- Horumarinta hufnaanta iyo waxtarka nidaamka garsoorka.

- Ilaalinta hantida guud iyo tan gaarka ah iyo xuquuqda sharciyeed.

- La-dagaallanka musuqmaasuqa, been-abuurka iyo falalka khiyaanada ah.

- Hagaajinta tayada iyo helitaanka adeegyada sharciyeed ee ay helaan muwaadiniinta, ganacsatada iyo maalgashadayaasha.

Gunaanad

Wada-shaqeynta hay’adaha ee u dhexeysa Xafiiska Nootaayada Dadweynaha iyo hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa ku shaqada leh garsoorka iyo caddaaladda, waxay tahay tiir muhiim u ah xoojinta ku dhaqanka sharciga iyo maamul-wanaagga.

Xiriir sharciyeed oo nidaamsan, hufan oo ku dhisan iskaashi ayaa xaqiijinaya sugidda kalsoonida dukumentiyada, ilaalinta xuquuqda dadka iyo hay’adaha, iyo horumarinta nidaam caddaaladeed oo awood leh.

Isku-duwidda iyo wada-shaqeynta hay’adahan waxay si weyn uga qayb qaadaneysaa dhismaha nidaam sharciyeed casri ah, daahfuran, isla xisaabtan leh, oo u adeegaya danta guud iyo horumarka waara ee Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa diyaariyey:

Garyaqaan Dr. Yasin Ahmed Osman
Lataliye Sharci & Sarkaal Guud Nootaayo Dadweyne

Guddiga Imtixaanka Qareennimada ee sanadka 2026 wuxuu ogeysiinayaa dhammaan musharrixiinta u fariisanaya imtixaanka in m...
28/06/2026

Guddiga Imtixaanka Qareennimada ee sanadka 2026 wuxuu ogeysiinayaa dhammaan musharrixiinta u fariisanaya imtixaanka in maalinta Khamiista ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 02/07/2026 Saacaduna tahay 08:30 Subaxnimo loo fariisan doono imtixaaanka xirfadda Qareenimada ee 2026, iyada oo goobta lagu galayo imtixaanka loo asteeyey in ay noqoto Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan xarunta KM4 (21 October).

Hadaba dhammaan Murashaxiinta ka qeyb galaya imtixaanka xirfadda qareenimo ee 2026 waxaa la ogeysiinayaa in ay ilaaliyaan waqtiga loo asteeyay imtixaanka ee sare xusan.

Address

Via Roma
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+252615214104

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Al-Amin Public Notary مكتب كاتب العدل الآمن posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Al-Amin Public Notary مكتب كاتب العدل الآمن:

Shortcuts

Share

Category