22/02/2026
Sarkaalka Guud ee Xafiiska Nootaayada Al-Aamin iyo Latalinta Sharciga (Al-Amin Public Notary and legal Consultancy) ahna Xubin katirsan Gudiga Nootaayooyinka Gobolka Banaadir, Garyaqaan Dr. Yasin Ahmed Osman ayaa Hambalyo u diray Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Maanta u dabaal dagay Sanad Guuradii 56 Aad ee Aas aaskooda.
"Anigoo ku hadlayo Magaceyga iyo Kan Xirfadleyda Sharciga ee Saraakiisha Nootaayooyinka Gobolka Banaadir, waxaan halkaan hambalyo ugu dirayaa Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xiggeenada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Maanta u dabaal degaya Sanadguurada 56-aad ee Aas Aaskooda”