Telefishinka Koonfur Galbeed Somalia

Telefishinka Koonfur Galbeed Somalia The world need solidarity

Haa, waxaa suuragal ah in caawa la sameeyo isku shaandheyn cusub oo lagu sameeyo Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed, hadd...
22/07/2025

Haa, waxaa suuragal ah in caawa la sameeyo isku shaandheyn cusub oo lagu sameeyo Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed, haddii ay jiraan duruufo siyaasadeed, cadaadis bulsho, ama baahi maamulka ah.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa h**ey u sameeyay isku shaandheyn ballaaran bishii Luulyo 2023, isagoo magacaabay 15 wasiir, wasiir ku xigeenno, iyo wasiiru dowleyaal cusub. [1]

Isku shaandheyntaasi waxay timid xilli maamulka Koonfur Galbeed uu wajahayo caqabado amni iyo siyaasadeed, gaar ahaan cadaadis uga imaanaya kooxda Al-Shabaab.

Haddii caawa la qorsheynayo isku shaandheyn cusub, waxaa laga yaabaa in ay tahay mid lagu xoojinayo waxqabadka xukuumadda, lagu buuxinayo boosaska bannaan, ama lagu hagaajinayo isku dheelitirka beelaha ee golaha wasiirrada.

Wararka rasmiga ah ee ku saabsan isku shaandheynta caawa ayaa la filayaa in lagu shaaciyo warbaahinta dowladda ama warbaahinta maxalliga ah ee Koonfur Galbeed.

Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo walaac ka muujiyay dad uu ugu “Xagjir” oo ka shaqeynaya inay kala fogeeyaan Puntland & SSC...
04/05/2025

Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo walaac ka muujiyay dad uu ugu “Xagjir” oo ka shaqeynaya inay kala fogeeyaan Puntland & SSC-Khaatumo xigasho The Daily Somalia

Ali France waa haweeney aan lixaadkeedu idlayn, una ololeysa xuquuqda dadka iyada oo kale ah, waxay maanta kursiga Xildh...
03/05/2025

Ali France waa haweeney aan lixaadkeedu idlayn, una ololeysa xuquuqda dadka iyada oo kale ah, waxay maanta kursiga Xildhibaan tartan adag oo dhexmaray kaga tuurtay hoggaamiyihii Xisbiga mucaaradka ee dalka Australia Peter Dutton oo 24 sano kursiga ku fadhiyey.

Innaguna waxaan joognaa dal uu Guddoomiyihii Golaha Shacabka si ula kac ah ugu xadgudbayo Xildhibaan lixaadkiisu buuxin. Waa mudannay, sababtoo ah ummad waliba heerkeeda feker iyo hab nololeedkeedu waa is leeyahay xigasho Xil Abdirahman Abdishakuur

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Sentae Maraykanka  ayaa si weyn uga hor yimi tallaabadii ay dawladda Soo...
03/05/2025

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Sentae Maraykanka ayaa si weyn uga hor yimi tallaabadii ay dawladda Soomaaliya ku joojisay dadka haysta dhalashada Taiwan isaga oo sheegay in ay tahay mid lagu raalli gelinayo dalka Shiinaha.

Senator-ku waxa uu tilmaamay in ay Soomaaliya sheeganayso Somaliland iyada oo dhulkeedu uu yahay meel maleeshiyaad hubaysani kala qaybsadeen.

Ninkan ayaa hor kacaya xubno soo gudbiyey mooshin lagu joojinayo dhaqaalaha la siiyo ciiddmada Nabad ilaalinta Soomaaliya. Waana shakhsi aad uga ag dhow madaxweyne Trump oo ka mid ah xubnaha Xisbiga talada haya ee Jamhuuriga.

Soomaaliya ayaa u muuqata in ay cagaha la gashay diidmo kaga imanaysa Maraykanka oo ka xanaaqay in la hor istaagay masuul ka socda dawladda Taiwan oo iman lahaa Somaliland. xigasho Hassan galeydh

Najiib Barkhadle, Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo.
03/05/2025

Najiib Barkhadle, Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo.

Dani Rodríguez yarkaasi wuu jabay, Lamine ayaa bedel ku soo galay. ⬅️
03/05/2025

Dani Rodríguez yarkaasi wuu jabay, Lamine ayaa bedel ku soo galay. ⬅️

Kooxda heerka hoose u laabatay goor h**e ayaa gool ku bilowday BarceKooxaha Champaha waa habeen u xun iska jira
03/05/2025

Kooxda heerka hoose u laabatay goor h**e ayaa gool ku bilowday Barce

Kooxaha Champaha waa habeen u xun iska jira

Madaxweyne Xasan ayaa aad uga walaacsan safar la filayo Madaxweyne Deni inuu ku tago Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag is...
03/05/2025

Madaxweyne Xasan ayaa aad uga walaacsan safar la filayo Madaxweyne Deni inuu ku tago Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag isagoo u arka inuu caqabad ku yahay qorshe uu wado oo Beesha Warsangeli ku doonayo in lagu daro SSC - Khaatumo.

Sida ay ii xaqiijiyeen ilo xogogaal ah Xasan ayaa u yeeray Gudoomiye Ku Xigeenka Aqalka Sare Timacade iyo Xildhibaano ka soo jeeda Beesha Warsangeli si buuq loogu furo safarka Deni oo loo baajiyo.

Xasan oo horay looga soo qaaday lacag 300 oo kun oo doolar ahayd oo sida la sheegay Beesha Warsangeli lagu abaabulayo si ay u qabsadaan shirweyne gogaal xaar u ah ku biiritaanka Khaatumo ayaa ku cawday in aan lacagtaas miraheedii weli lahayn.

Waxa la isla qaatay in Beesha Warsangeli la kiciyo oo qorshihii h**e la dardargeliyo oo la kala dilo iyaga iyo Beesha Majeerteen isla markaana la curyaamiyo dadaalada nabada ee Ceerigaabo si loo gaaro yoolkooda ugu dambeeya oo ah inay Khaatumo ku biiraan iyo in aan Xildhibaanadooda lagu soo xulin Boosaaso 2026.

"Puntland anaga cadaw uma soo raacin, umana soo raaceyno, iyagana waa inaysan noo soo raacin cadawga," Najiib Barkhadle,...
03/05/2025

"Puntland anaga cadaw uma soo raacin, umana soo raaceyno, iyagana waa inaysan noo soo raacin cadawga," Najiib Barkhadle, Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo.

Xukuumadda Somaliland oo ku Amartay Cisbitaallada Gaarka loo leeyahay in ay lacag la'aan ku daweeyaan Askarta Difaaca Qa...
16/03/2025

Xukuumadda Somaliland oo ku Amartay Cisbitaallada Gaarka loo leeyahay in ay lacag la'aan ku daweeyaan Askarta Difaaca Qaranka

  oo dhowaan ku guuleystay Tartankii Qur’aanka ee Hormuud Salaam Foundation oo kaalinta koowaad ka galay Ayaa si weyn lo...
16/03/2025

oo dhowaan ku guuleystay Tartankii Qur’aanka ee Hormuud Salaam Foundation oo kaalinta koowaad ka galay Ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda BuurHakaba.

Maamulka iyo shacabka reer Buurhakaba way ku Mahadsan yihiin sida wanaagsan ay u soo Dhoweyeen guulaysataha,

Ra'iisul Wasaarihii h**e ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan afur iyo is xog wareysi ah ku casuumay Aga...
16/03/2025

Ra'iisul Wasaarihii h**e ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan afur iyo is xog wareysi ah ku casuumay Agaasimayaasha Warbaahinta madaxa banaan iyo khabiiro Saxaafadeed.

Kulanka ayaa ku biloowday is barasho iyo kala warqaadasho,waxaana la isla falanqeeyey Xaalada guud ee dalka ku sugan yahay iyo doorka saxaafada uga aadan toosinta iyo tabinta wararka saxda ah.

RW H**e Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu kusoo biiro ololaha doorashada madaxtinimada ee 2026,waxaana loo arkaa musharax miisaan leh.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Telefishinka Koonfur Galbeed Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share