20/04/2023
Guddoomiyaha ahna milkiilaha guud ee machadka sare ee kalmas oo ka hambalyeeyay
Munaasabadda ciidul Fitriga
Bismillaahi raxmaani raxiim
Waxaan guud ahaan muslimiinta ku nool daafaha caalamka ah, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda ciidul-Fidriga. Waxaanna Allah ka baryeynaa inuu naga wada aqbalo camalkii samaa iyo cibaadadii aan soo gudanay bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Bulsho weynta Soomaaliyeed waxaan kula dar-daarmayaa in munaasabadda Ciidda awgeed ay ka qeyb qaataan farxad-gelinta iyo kaalmeynta danyarta Soomaaliyeed ee duruufaha nolosha ay ku heystaan daafaha dalka, ayna fuliyaan dardaarankii Nabiga NNKH.
Sidoo kale waxaan qof walba ku boorinayaa inuu fidiyo farxadda ciidda, uuna salaan iyo bariido farxadeed gaarsiiyo qoyska, dariska, saaxiibadda dhow iyo qaraabadda.
Ciid Mubaarak, kulu caam wa antum bilkheyr. Waxaana Eebe weyne ka rajeynayaa in dhammaanteen uu ciiddan ciiddeeda kale nagu gaarsiiyo horumar iyo barwaaaqo.
Ciid wanaagsan
Hambalyo hambalyo hambalyo