Arimaha Bulshada Madaxatoyada JFS

Arimaha Bulshada Madaxatoyada JFS Saaxibka Bulshada Farxaan Soomaali

Waxaa maanta xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ooy soo qaban qaabiyeen ,xafiiska Arimaha Bulshada ee madaxtooyada...
03/04/2022

Waxaa maanta xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ooy soo qaban qaabiyeen ,xafiiska Arimaha Bulshada ee madaxtooyada qaranka,waxayna ku maamuuseen shahaado sharaf,Agaasimaha Xafiiska Arimaha Bulshada.
Mudane:Farxaan Xasan Axmed (Farxaan Somali) taasi ooy u garteen dhamaanba Xafiiska Arimaha Bulshada iyagoo uga mahadceliyay hogaamintiisa wanaagsan iyo dhiirananta iyo kartida leh ee uu ku maamulo xafiiska ,in taasi Kadib waxay u rajeeyay meeshaasi iyo meel ka saraysa inuu gaadho si wada jira ahna ugu Guulaystaan dhamaanba shaqada Qaranka insha allahu
Mahadsanidiin

Madaxweyne Farmaajo oo khadka Taleefanka kula xiriiray Walaalkiis Muuse Biixi Muqdisho,  2da Abriil 2022: Madaxweynaha J...
02/04/2022

Madaxweyne Farmaajo oo khadka Taleefanka kula xiriiray Walaalkiis Muuse Biixi

Muqdisho, 2da Abriil 2022: Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen khasaaraha hantiyeed ee ka dhalatay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Walaalkiis Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi tiiraanyada iyo walaaceenna ku aaddan dhibaatada soo gaartay ganacsatada Soomaaliyeed iyo magaalada Hargaysa, isagoo soo bandhigay sida ay uga go'an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay garab istaagto dadka ganacsatada ah ee ku hanti beelay musiibadan.

“Ganacsatada hantidooda ku waayey musiibadan iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliland waxaan la garab taagannahay taageero iyo duco, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay is abaabulaan oo ay gacan u fidiyaan walaalahood.”

Dhankiisa, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go'an tahay garab istaagga ganacsatada ku waayey hantidooda dabka xalay ka kacay suuqa Hargaysa.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryay inuu hanti ka khayr badan ugu baddalo ganacsatadii uu khasaaraha ka soo gaaray musiibadan.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE FARMAAJO " WAXAAN MURUGADA LA QEYBSANAYAA GANACSATADA SUUQA HARGAYSA EE DABKU UU GALAAFTAY HANTIDOODA,"Muqdis...
01/04/2022

MADAXWEYNE FARMAAJO " WAXAAN MURUGADA LA QEYBSANAYAA GANACSATADA SUUQA HARGAYSA EE DABKU UU GALAAFTAY HANTIDOODA,"

Muqdisho, Abriil 02, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka murugaysan khasaaraha dabkii caawa ka kacay suuqa weyn ee magaalada Hargaysa ayaa Alle ugu baryey in uu u booga dhayo dadkii ku waxyeeloobay dabkaas.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda hantidooda ku waayey masiibadan, isaga oo xusay xaaladda abaareed ee uu dalka ku jiro iyo duruufaha dhaqaalaha ee dunidu ay la tacaalayso.

"Waxaan murugada la qeybsanayaa walaalaha ganacsatada ah ee dabka ka kacay suuqa Hargaysa uu galaaftay hantidooda, waxaan fadliga bisha Ramadaan awgeed Alle uga baryayaa in uu ka siiyo beddel ka khayr badan hantida halkaas kaga gubatay."

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay maalmahan barakaysan awgood ugu hiiliyaan walaalahooda dhibtu soo gaartay, lana garab istaagaan duco iyo taakuleyn inta ay karaan.

DHAMMAAD

01/04/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo iyo duco ku aaddan bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo ummaddaha Muslimiinta ah.

AGAASIMAHA GUUD EE MADAXTOOYADA OO U FURAY WAAXYAHA MADAXTOOYADA KULAN LAGU DIYAARINAYEY QORSHE HAWLEEDKA BILLAHA AHMuqd...
27/03/2022

AGAASIMAHA GUUD EE MADAXTOOYADA OO U FURAY WAAXYAHA MADAXTOOYADA KULAN LAGU DIYAARINAYEY QORSHE HAWLEEDKA BILLAHA AH

Muqdisho, Maarso 27, 2022; Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise (Maxamed Dheere) oo Waaxyaha kala duwan ee Madaxtooyada Qaranka u furay shir looga hadlayey dejinta qorshe hawleedka Madaxtooyada Qaranka, ayaa bogaadiyey hawlaha hortebinta leh ee ay shaqaalaha Madaxtooyadu qabteen saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ayaa dhammaan Waaxyaha Madaxtooyada faray in ay mar walba soo gudbiyaan qorshe hawleedkooda oo saddex biloodle ah, si waafaqsan Qorshaha Sagaalaad ee Horumarinta Qaran iyo hiigsiga Madaxtooyada.

Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay qorsheyaasha saddexdii bilood ee la soo dhaafay u hirgalay Waaxyaha Madaxtooyada Qaranka, caqabadaha ka hor yimi iyo fursadaha lagu sixi karo, sidoo kale na waxa ay dhammaan Waaxyuhu halkaas ku diyaariyeen qorshe hawleedka saddexda bilood ee soosocota iyo shaqooyinka hortebinta u leh hawlaha Madaxtooyada.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa dhammaan hawl-wadeennada kula dardaarmay dardar gelinta shaqada ay qaranka u hayaan, isaga oo bogaadiyey hawl-wadeenno madasha lagu guddoonsiiyey abaal marinta shaqo wanaagga ee shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka.

DHAMMAAD

Address

Villasomalia
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Arimaha Bulshada Madaxatoyada JFS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Arimaha Bulshada Madaxatoyada JFS:

Share